Sign in to follow this  
Ameer

Xiisad ka dhalatay Magacaabista Gudoomiyaha Galgaduud oo ka taagan Dhuusamareeb

Recommended Posts

Ameer   

Wararka naga soo gaaraya Degmada Duusamareeb ayaa sheegaya in maamulka Ahlusuna waljamaaca uu maanta xarig iyo dilba ay u gesteen tiro dad ah oo tageersanaaMaamulka Cusub ee ay dowladda Somaliya u magacaawday Gobalka Galgaduud wararka maanta kasoo baxaya Degmada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad ay ka taagantahay gobalkaasi, Taa oo ka dhalatay kadib markii Ciidanka Aflusuna ee gobalkaasi ay dileen ruux kamid ahaa dadka taageersay Gudomiyaha cusub ee Gobalkaasi Xusen Cali Wehliye Cirfo waxa ayna xir xireen tiro kale oo shacab ah.

Goob joogayaal ayaa noo xaqiijiyay in Markii ciidanka Degmada Dhuusamareeb ay falkaasi ku dhaqaaqeen ayaa waxaa gadood sameeyay maleeshiyo tageersan in uu Degmada yimaado Gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobalka Galgaduud Xusen Cali Wehliye Cirfo waxa ayna gooni uga baxeen Ciidanka Ahlusuna oo ay ka mid ahaayeen.

Shacabka ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan oo ay ka qabaan inuu isku dhac halkaas ka bilawdo, iyadoona Ciidamada halkaas maamula ay u kala jabeen 2 Garab.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

nonsense. Galgaduud,half Mudug,shabellada dhexe,shabelle,hoose,Banaadir.Bay,Bakool,Hiiraan, Gedo,Jubba dhexe,parts of Jubbo hoose all supports the SFG.

 

 

Hobessian what Hassan sheikh is doing is making kmg maamuls while the federal states are getting created nothing wrong in that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cambuulo iyo bun;973432 wrote:
nonsense. Galgaduud,half Mudug,shabellada dhexe,shabelle,hoose,Banaadir.Bay,Bakool,Hiiraan, Gedo,Jubba dhexe,parts of Jubbo hoose all supports the SFG.

 

 

Hobessian what Hassan sheikh is doing is making kmg maamuls while the federal states are getting created nothing wrong in that.

Hahaha, you believe that ? walahi your a political novice cambuulo. He is putting lackeys in charge to preempt the local stakeholders before they choose their leaders.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Ahlu Sunna iyo dad reer miyi ah oo ku dagaalamay degaano ka tirsan Dhuusamareeb

 

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaallo beeleed oo ka dillaacay duleedka degmada Dhuusarameeb oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleedyo wada degan tuulooyin ka tirsan Dhuusamareeb inay isku rasaaseeyeen halkaasi, kaddib markii rag xoolo dhaqato ah ay soo weerareen kooxo dabley ah.

Dagaalka oo ka bilowday degaan lagu magacaabo Sangub, halkaasi oo ay soo weerareen ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu Sunna si ay u joojiyaan dhuxul halkaasi laga shidayay, dagaalkaasi oo markii dambe isku bedelay mid u dhaxeeya ciidamada Ahlu Sunna iyo dadka degaanka.

Ilaa iyo iminka qasaaraha inta la ogyahay waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday ilaa shan ruux, halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalka ka dhacay degaanka Sangub oo ka tirsan degmada Dhuusamareeb ayaa loo kala qaaday Dhuusamareeb iyo tuulooyin ka tirsan degmadaasi.

Dhinaca kale odayaasha iyo waxgaradka degmada Dhuusamareeb ayaa bilaabay dadaallo lagu hakinayo in dagaalada ay sii xoogeystaan, iyagoona iminka wadahadallo kala gooni gooni ah la leh beelaha dagaalka kula jira maamulka Ahlu Sunna ee iyagu ka horjeeda in dadka degaanka ay manaafacaadsadaan kheyraadka dhulkooda uga soo baxay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Ahlusuna ee degmada Dhuusa Mareeb ayaa beeniyay in xiisad ka dhalatay magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ay ka taagan tahay degmadaas, kadib markii uu iska hor imaad ka dhacay duleedka degmadaas.

 

Sheekh C/raxmaan Geeda-qorow oo ah gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb ayaa sheegay in aanay jirin xiisad ka taagan magacaabista, hase yeeshee iska hor imaadkii ka dhacay uu ahaa mid ciidamada Ahlusuna iyo Maleeshiyo hubeysan u dhaxeeyay.

 

"
Ciidamada Ahlusuna markii ay ka war heleen in dhir jaris ka socoto deegaanka ayay ku baxeen, waxaana jidka u galay maleeshiyooyin hubeysan"ayuu yiri.

 

Waxaa uu sheegay in iska hor imaadka dhacay iyo magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen wehliye Cirfo aanay wax lug ah isku laheyn.

 

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in laga taageersan yahay Gobolka magacaabista gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud,
isla markaana uu ku yimid rabitaanka shacabka
.

 

Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa 27-kii bishii hore loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, inkastoo magacaabidiisa ay xubno ka tirsan Ahlusuna ka soo horjeesteen.

Jowhar.com

 

 

;) ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Cambuulo, one time you support the SFG, another time you dismiss the SFG in recent days, and now you are fully behind them, what has the SFG done to get your support now!

 

Whatever happened to having one stance, if you oppose them, there have to be a reason, if you endorse them, there have to be a reason too, people get confused on what you support, is it the SFG you support, or just the protection of the Kingdom!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Nuune,

 

Dowladnimadu maha wax hal jeer dadka gala, sida jinka oo kale. Wakhti ayee qadataa inu qofku la qabsado. So it will take time till Cambuulo becomes 100% demobilised and de-anarchised, but he is making progress.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this