Sign in to follow this  
Carafaat

Federal Goverment appoints new Governor for Galgaduud Region

Recommended Posts

Carafaat   

Axad, August 11, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) iyadoo la sheegay in lagu magacaabay soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud ayaa la sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu la wareegayo xilka guddoomiyenimo ee gobolkaas oo ay ka kala taliyaan maamulllo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ahlusunna, Ximan iyo Xeeb iyo Al-shabaab.

 

Magacaabiddan ayaa dhacday 27-kii bishii July ee lasoo dhaafay; laakiin uu maanta saxiixay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isla maantana lana faafiyay.

 

“Tallaabadan waa mid qayb ka ah horumarinta maamullada gobollada dalka, maadaama uu waqtigiisii dhammaaday maamulkii hore ee gobolkaa ay u magacowday dowladda Soomaaliya, waxaana magacaabiddan loo cuskaday qodobbada, 18-aad, 90-aad iyo 99-aad ee dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri wareegtada.

 

Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa bishii July ee sannadkii hore u magacowday maamul KMG ah gobolka Galguduud, kaasoo uu madax looga dhigay, Axmed Yuusuf Xasan Ciyoow, kaasoo la sheegay inuu xilkiisii KMG ahaa uu dhammaaday.

 

Maamulka Ahlusunna Waljamaaca iyo maamullada kale ee gobolkaas ka jira ayaan weli ka hadlin magacaabidda ay dowladdu u magacowday mas’uulka cusub maamulka gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya. Iyadoo wareegtada aan lagu sheegay mas'uuliyiinta kale ee maamulka gobolka Galguduud.

 

Dhawaan ayay ahayd markii baarlamaanka Soomaaliya uu meel-mariyay sharciga sameynta maamullada gobollada dalka, inkastoo qodobbo ka tirsan uu diiday madaxweynaha, lagana sugayo baarlamaanku uu wax ka bedel ku sameeyo.

 

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud, Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) ayaa ahaa guddoomiyihii degmada Afgooye intii uu Koonfurta Soomaaliya ka talin jiray Jen. Maxamed Faarax Caydiid, waxaana xilkaas kala wareegay maamulkii Maxkamadaha Islaamka ee dalka ka curtay sannadkii 2006.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Galgaduud is now administered by ASWJ, Ximand and Xeeb and Al Shabaab. So far the goverment appointed the Governors for Gedo, Bay, Bakool, Middle and Lower Shabbele, Hiiraan, Banadir and Galgaduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Miyir   

we will see where it will lead? the Qoslaaye and gang failed most appointments and seem clueless, unprepared what locals want. I hope it doesn't lead a new war like Shabeele in recent days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Locals want security, governance and sercive delivery. Something which is impossible with a signle region

Controlled by 3 diffrent factions with 3 diffrent armed militias. These have to be integrated in order to bring back

Governance in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ lool, mira uu ka dhalin waayey aan filaa shabeelaha.

 

 

I just remembered Sharif's last few days, appointing governors everywhere and naming new districts in most places etc

Share this post


Link to post
Share on other sites

What is the significance of this? Why waste time on trivial business such as this when Hamar and elsewhere under the jurisdiction of the government is under constant attack?

 

The government need to prioritize well because it seems to be doing quite the contrary. One could argue, and it'd not be refutable, that the government doesn't: either care, or know at all what matters and what does not.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;973171 wrote:
This government needs a bit of reality check.

They've already got that, not waa far wa wain in wax lagu qoro lol. Seriously, their approach to this issue is the most haphazard thing as seen in a while.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SFG has been successfully naming governor for several regions like Shabeellaha Dhexe , Hiiraan , Bay and Bakool ,shabelle hoose and Banadir .

 

 

There are SFG troops stationed in Galgaduud , The SFG are doing several development Projects in Galgaaduud . SFG have reach deal with ahlu sunna waljamaaca and also have integrated their Militias with SFG Army .

 

WAR DEG DEG: Ahlu Sunna oo ka hadashay Gudoomiyaha galabta loo magacaabay Gobolka Galgaduud

 

Xilli galabta Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Dowladda loo magacaabay Xuseen Cali Weheliye (Cirfe), ayaa waxaa ka hadashay Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

 

Gudoomiyaha 3-da Gole ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay Ahlu Sunna taageereyso tallaabada uu Madaxweynaha Soomaaliya ku soo magacaabay Xuseen Cali Weheliye.

 

Wuxuu sheegay inay Ahlu Sunna taageersan tahay Dowladda Federalka ee Soomaaliya, isla-markaana ay kala tashatay in Gudoomiyaha, loo soo magacaabo in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan wax carqalad ah ka dhex jirin Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayna soo dhoweynayaan magacaabiska lagu soo magacaabay Cirfe.

 

Sheekh Guureeye ayaa wuxuu meesha ka saaray inay Ahlu Sunna kahor imaan doonto magacaabista Cirfe, maadaama ay horey Ahlu Sunna u sheegtay inaysan aqoonsan doonin, magacaabista nin aan lagala tashan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SFG few month ago has send 1000 trained troops to Galgaduud and gobollada Dhexe ee dalka .

 

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo u ambaxay Gobolka Galgaduud

Published on May 16, 2013 by Canab · 1 Comment · 3,377 views

Ciidamadan ka tirsan ciidanka XDS ee ka amabaxay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa ku sii jeeda gobollada Dhexe ee dalka gaar ahaan gobolka Galgaduud waxaana garoonka diyaaradaha ku sii sogootiyay Abaanduulaha ciidanka XDS.

 

Ka hor inta ay ka ambabixin garoonka Muqdisho ayaa waxaa hadal dardaaran ah u jeediyay Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General C/risaaq Khaliif Cilmi waxa uuna kula dar daarmay in ay kasbadaan shacabka ay u shaqeynayaan, isagoona intaasi raaciyay in ciidamada ay u tagayaan ay baraan waxyaabihii ay soo barteen mudooyinkii ay ku jireen tababarka.

 

Sidoo kale Abaanduulaha ayaa carabka ku dhuftay in ciidamadan ay si rasmi ah uga howlgali doonaan degaanada Dhuusamareeb, Cabudwaaq iyo tuulooyin kale oo xerooyin looga diyaariyay.

 

Taliyaha hoggaaminayo ciidamada maanta ka ambaxay Muqdisho Gashaanle Dhexe Cali Cabdi Faarax ayaa dhankiisa qeexay in uu ku faraxsan yahay hoggaaminta ciidamada loo dhiray gobollada dhexe waxa uuna carabka ku dhuftay in ciidamadan ay ku faraxsan yihiin ka howlgalida gobollada waajibka ciidanimane ay gudan donaan.

 

Ciidamadan maanta loo diray gobollada Dhexe ee dalka ayaa ahaa ciidan loo dhameystiray qalabkooda waxaana qorsha ciidamadan ay yihiin kuwo bilaaw u ah sidii ay dowladda ula wareegi laheyd guud ahaan dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali government to rebuild municipal centers in Galgaduud

 

 

he Somali federal government has started to rebuild municipal centres in Galgadud in partnership with the pro-government Ahlu Sunna wal Jamaa (ASWJ) militia.

 

Local authorities will manage the day-to-day operations of the reconstruction projects, which the Ministry of Interior and National Security will oversee as its influence spreads over larger areas of Somalia.

 

Galgadud Governor Ahmed Yusuf Hassan said the projects, largely funded by the United States Agency for International Development (USAID), would cost $1.2 million.

 

"USAID will pay $1 million and the additional $200,000 will be drawn from the regional treasury," Hassan told Sabahi. "We will use it to build what is critical in each district. The amount allocated for the regional capital is $400,000 while each of the remaining districts will get $200,000."

 

ASWJ liberated most of Galgadud from al-Shabaab in 2009, and the Somali government took official control in July 2012, with ASWJ forming a regional administration.

 

As al-Shabaab still influences some parts of Galgadud, ASWJ and the Somali government have agreed to collaborate on improving security and establishing a more permanent regional government.

 

Reconstruction plans

 

The government plans to restore essential public services by repairing or constructing buildings in the Abduwaq, Balanbale, Guri El, Harale districts and the regional capital Dhusamareb.

 

Eastern districts such as El Bur and El Dher will not benefit from the reconstruction because they still are under al-Shabaab control.

 

All five districts will have their city halls restored, Hassan said. In Dhusamareb, the central court, airport, women's centre and provincial sports centre will be rebuilt. In Balanbale, the high school will be rebuilt. Abduwaq will have its women's centre restored. Harale will have a market and a school construction project completed, while Guri El will have a women's centre and football stadium built.

 

"This is the first part of a stabilisation and reconstruction project that will continue for five years. Other work that is important to governance will also be done here, such as building police stations," Hassan said, adding that the project will eventually be replicated throughout the country.

 

Ministry of Interior and National Security's Rehabilitation and Reconstruction department director Mohamed Aabi Hassan was part of the delegation sent to oversee the project.

 

"Our aim is to expand the [reach of the] government to the people so they can participate in stabilising and reconstructing the country," he told Sabahi. "This project comes after the agreement between the government and Ahlu Sunna wal Jamaa and will benefit districts that are currently under the government's control. We will start rebuilding the regions under al-Shabaab's rule when the government recaptures them."

Benefits for youth, women

 

Dahabo Adam Ali, a member of the Guri El Women's Union, said rebuilding women's centres is step towards better governance.

 

"It is the first time the women of Guri El have received the respect they are due," she told Sabahi. "There was no centre for women here, so we will use the centre being built for us to reach out to girls, educating them and advancing the skills of women."

 

Dhusamareb football federation deputy director Mohamed Ahmed Osman said the sports community is in dire need of a stadium, which is key to the stability and integration of youth.

 

"We were eagerly awaiting this reconstruction and it will help us advance peace and stability because sports cannot exist without peace," he told Sabahi. "We will hold regional sports tournaments here after the sports stadium facilities are restored, such as the locker rooms, toilets and seats."

 

Balanbale District Commissioner Hareeri Hasan Bare said rebuilding city hall would improve the level of government services.

 

"My administration was based in a rented building," he told Sabahi. "From now on, we will serve the public from a government structure and our children will get a high school to get an education."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Oo Ku Baaqay In Laga Wada Qayb Qaato Horumarinta Gobolka

 

 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan xasilinta ammaanka gobolka, iyo sidii loo kobcin lahaa ilaha dhaqaale ee gobolka islamarkaana loo soo nooleyn lahaa dhamaan adeegyada ay bulshadda u baahanyihiin.

 

“Waxaan ku dadaali doonaa dhismaha iyo hirgelinta hay’adaha, waxaan kaloo xoogga saareynaa in aan horumarino adeegyada guud ee aas aasiga u ah bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo kuwa kale” ayuu Cirfo hadalkiisa ku daray.

 

Mudane Xuseen Cali Wehliye Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa ugu baaqay shacabka deegaanadda Gobolka galgaduud kasoo jeeda gaar ahaan dadka qurba joogta ah in ay ka qeyb qaataan Horumarinta Gobolka, maadaama aan looga maarmeyn sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka gobolka.

 

“Waxaan ka codsanayaa maamulada dariska la ah gobolka in ay nagala shaqeeyaan horumarinta gobolka, islamarkaana aan wada yeelano kulamo looga wada tashanayo isdhex galka bulshada iyo sidii gobolka looga hirgelin lahaa mashaariicda ay waddo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Galgaduud.

 

Maalintii shalay ayay aheyd markii Xuseen Cali Wehliye loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka galgaduud, iyadoo maamulkii hore uu waqtigiisii dhamaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this