Sign in to follow this  
malistar2012

SFG troops are on the move to liberate the remaining regions from alshabaab

Recommended Posts

Ciidamada dowladda ee ku sugan Ceel Barde oo diyaar garow ku jira, amarna ka sugaya Wasaarada gaashaandhiga

 

 

 

Ilaa kun askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee lagu tababaray degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool ayaa sugaya amar kaga yimaada dowladda Soomaaliya, si ay duulaan ugu qaadaan degmada Xudur iyo deegaanada kale.

 

Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Macalin Toll ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay u diyaarsan yihiin sidii weerar ay ugu qaadi lahaayeen deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka.

 

"Bisha Ramadaan waa dhamaatay, hada diyaar ayaa nahay, mar dhow howl galo ayaa bilaabi doonaa, amar waxaa ka sugeynaa wasaarada Gaashaandhiga"ayuu yiri Maxamed Macalin.

 

Waxaa uu sheegay in wafdigii dhowaan gaaray degmada Ceel Barde ee isugu jiray xildhibaanada iyo saraakiisha ay dhiira geliyeen ciidamada, isla markaana ay ka wada hadleen ammaanka iyo sidii loo qaadi lahaa weerar.

 

"Koley dowladda jawaab ka sugeynaa inaan dagaalano diyaar ayaa nahay, markii horena waa diyaar garownay"ayuu mar kale yiri Maxamed Macalin Toll.

 

Xildhibaan Aadan Saransoor oo hogaaminayay wafdigii xildhibaanada ee dhowaan gaaray Ceel Barde ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka loo aqoonsaday ciidamada ugu geesisan Soomaaliya, maadaama uu sheegay inay yihiin ciidanka kaliya ee weerara fariisimaha Shabaab.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow laga dareemayay qeybo ka mid ah Bakool, iyadoo ciidamada Itoobiya ee ka baxay Baydhabo ay qorsheynayaan inay deegaano ka tirsan Bakool ay weerar ku qaadaan.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

golfyare@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Ceelbarde

Sabti, August 10, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray xalay duleedka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

 

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid culus uuna dhashay markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay duleedka degmadaas ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab.

 

“Xalay waxaa duleedka degmada Ceelbarde ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, deegaannadii lagu dagaalamayna waxaa hadda ku sugan ciidamada dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiishii hoggaaminaysay dagaalka.

 

Sarkaalku ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaase uu xusay inay jiraan khasaarooyin labada dhinacba soo gaaray, balse goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen maydad iyo dhaawacyo.

 

“Waxaan aragnay dhimashada lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ah 11-qof oo dhaawacyo ah, kuwaasoo isugu jiray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa deegaannada lagu dagaalamay oo ay warbaahintu soo xigatay.

 

Mas’uuliyiinta gobolka Bakool ayaa sheegay in qorshaha dagaalkan uu ahaa si Al-shabaab looga saaro deegaannada ay ku sugan yihiin eek u dhow Ceel-barde, halkaasoo ay kasoo abaabuli jireen dagaallada.

 

Gobolka Bakool ayaa waxaa kuwada sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo khasaare badan geystay oo dhexmara labada dhinac.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaa kun askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee lagu tababaray degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool ayaa sugaya amar kaga yimaada dowladda Soomaaliya, si ay duulaan ugu qaadaan degmada Xudur iyo deegaanada kale.

 

 

 

SFG troops attacked alshabaab and have taken over degmada ceelbarde where alshabaab used plan and prepare attacks on Baydhabo

 

 

 

“Xalay waxaa duleedka degmada Ceelbarde ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, deegaannadii lagu dagaalamayna waxaa hadda ku sugan ciidamada dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiishii hoggaaminaysay dagaalka.

 

"Bisha Ramadaan waa dhamaatay, hada diyaar ayaa nahay, mar dhow howl galo ayaa bilaabi doonaa, amar waxaa ka sugeynaa wasaarada Gaashaandhiga"ayuu yiri Maxamed Macalin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Milatariga Dowlada Soomaaliya Ee Gobolka Hiraan Oo U diyaar Garoobaya Sifeynta Xarakada Al-shaab ee Gobolka “Sawiro

 

 

12-08-2013-Baladweyne-Iyadoo mudooyinkii dambey amaanka magaalda madaxda gobolka Hiraan ee Baladweyne uu ahaa mid aan xasil neyn ayaa dhamaan Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo ku sugan magaalda Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan ayaa lugu diyaariyay Duleenka Mgaalada Baladweyne.

 

Saraakiisha dowlada ee gobolkaas ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamadooda qalabkoodii iyadoona Ciidamada Sida ay Sheegeen Saraakiisha ay Sifeyn Meelaha al-shabaab ay ka joogaan Gobolka Hiiraan iyo Wiliba Gobolada Dhexe ee Bartamaha Soomaaliya Walow qeybo kamida Gobolada Dhexe ay Gacanta Kuhayaan Culmaaudiinka Ahlusuna Waljameeca.

 

Waxaa Qoray: C/Fitaax Shiino Axmed Cali

Hoos Kadaawo Qaar kamida Sawirada Ciidamada La Diyaariyay

 

 

Beled-6.jpg

 

They look ready and well trained

 

 

Beled-1.jpg

 

 

Beled-3.jpg

 

 

SFG Troops are ready to liberate Hiiraan and Gobolada Dhexe ee Bartamaha Soomaaliya , The South will be alshabaab free soon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

With Alshabaab regaining thier foot in Mogadishu , and the up rise in Lower Shabeele taking an ugly turn, Malistar's talk of distant Hudur represents a whistle in the dark

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ambassador there is only 2 problematic districts in the city and its going to be take cared of, more than thousand police and military forces has been sent to those areas thus why we havent heard anything the past couple of days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

So Al shabab is only in two out of the 16 districts? Highly doubt it because that would make them an open target. They aren't that dumb. Moreover, when were these "1000s" troops sent?

Cambuulo iyo bun;973265 wrote:
Ambassador there is only 2 problematic districts in the city and its going to be take cared of, more than thousand police and military forces has been sent to those areas thus why we havent heard anything the past couple of days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Mashallah. Sidaas kusii wada.

 

Xiin, don't let you opposition take you far sxb. Al Shabaab being defeated is a good thing, whether in Xuddur or elsewhere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ambassador,LOL sxb the people in those areas are kinda pro Al shabab and im talking about Huriwaa and Dayniile.You wont hear any problems in other districts. If Al shabaab tries to cause problems in places like suuq bacaad,fagax,kaaraan,wadajir waa lagu casheynayaa, no mercy..

 

Their where reinforcment sent to those areas during the ramadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haatu;973290 wrote:
Mashallah. Sidaas kusii wada.

 

Xiin, don't let you opposition take you far sxb. Al Shabaab being defeated is a good thing, whether in Xuddur or elsewhere.

Haatu,

 

Claim alshaab defeat in Xudur while they are ruling some parts of Mogadishu is not credible. Only the gullible would congratulate such a fairytale

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amaanka magaalada Muqdisho oo aad loo adkeeyay iyo xaalka oo sidii hore ka wanaagsan.

 

Amaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa hadda kasoo yara hagaagaaya sidii hore ka dib markii ciidamo badan lagu daadiyay magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliiska Birmadka ayaa meel walba oo ka mid ah magaalada Muqdisho la geeyay, waxaana ciidamadaan ay yihiin kuwo heegan ugu jira sidii ay u sugi lahaayeen amaanka magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa degan Isgoys walba oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana ay yihiin ciidamo u tababaran sidii looga hortagi lahaa rabshadaha iyo wixii la mid ah.

Waxaa aad iyo aad loo sugay amaanka wadooyinka gala garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho gaar ahaan wadooyinka ka kala baxa Afisyoone iyo sidoo kale dhanka KM-4.

Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this