Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Series of Attacks in Mogadishu tonight

Recommended Posts

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa qasan, iyadoo qaraxyadii ugu badnaa mar qudha ay ka dhaceen wixii ka dambeeyay afurkii caawa.

Qaraxyada oo ahaa kuwo tiro badnaa ayaa lala eegtay saldhigyo ciidanka booliska, goobo baro ciidan iyo wadooyin, waxaana tani ay muujineysa shakiga laga qabo ammaanka caasimada.

Sida ay wararku sheegayaan qaraxyadan ayaa ahaa mid gees magaalada ilaa bartamaha ay gaareen, ka bilow min Isgoyska Ex Koontarool Afgooye oo ah halka Muqdisho looga baxo ilaa degmooyinka waqooyi.

Meelaha qaraxyada bambaano laga maqlay ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, Suuqa Beerta ee nawaaxiga Jaamacadaha oo fariisin ku lahaayeen AMISOM, Seybiyaano, Isgoyska Banaadir, nawaaxiga Saldhiga Waabari qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, Xamar weyne iyo Xamar Jajab oo fiidkii caawa dhowr qarax laga maqlay.

Sidoo kale waxaa qaraxyo laga maqlay xaafado ka tirsan Wardhiigley, gaar ahaan halka lagu magacaabo Cali Kamiin.

Qaraxyadan caawa dhacay ayaa ka badnaa ilaa tobaneeyo qarax oo si aad ah looga maqlayay magaalada oo dhan, iyadoo dadka reer Muqdisho ay caawa u aheyd habeen taariikh ah degmo walbana ay saameeyeen qaraxyada.

Inta la og yahay waxaa qaraxyada ku dhaawacmay ilaa todobo oo qaar ka tirsan ay yihiin askari, inkastoo aanay wali war ka soo bixin saraakiisha caafimaadka.

Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya xilli maanta Taliska Booliska uu soo bandhigay waxyaabo qarxa iyo dad gaarayay toban ruux oo labo ka mid ah ay haween ahaayeen kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal amni daro.

Xalay ayay aheyd markii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu si lama filaan ah u kormeeray Isgoysyada wadooyinka Muqdisho, iyadoo intii uu kormeerka ku howlanaa uu ku arkay goobo ganacsi furnaa iyo dhalinyaro wadooyinka Kubad ku ciyaareysay.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Allaha sahlo umuuraha, nimankan afur, iyo salaad iyo masjid iyo ramadaan wax celiyaa oo ay ka xishoodaan majirto.

Cambuulo, any updates on Tarzan's speculative sacking? and who is this General Maguunba?

Share this post

Link to post
Share on other sites

Its done Muungaab will replace Tarzan maalmaha so socda ayaa lagu wareejinaya. Muungaab is not a man who plays around he was guddomiyaha maxkamadda ciidamada he is the man who ordered that every soldier who robs,kills or rape will be sentenced to death under his leadership hundreds of ****** soldiers was sentenced to death penalty, he is a man of justice he also studied islamic sharia, waa nin culus who can do his work.

Share this post

Link to post
Share on other sites

In what world does a nabadsugida qaranka's responsibilities fell to a mere duq magaalo. Kun jeer ayaa jago la iska qaadi karaa and nothing will change.

Tarsan, kii ka horeeye iyo kan dambeen doono will not, cannot pevent qaraxyadaan, if they happened. Neither will anyone else. Soomaaliweyn kuli inay hal meel kasoo horjeesato ma'ahee.

Plus those latest attacks and qaraxyo says more about Godane than anything else. It now seems he has the firm hand of Barbaarta. Kuwii check and balance ku haaye waxee noqdeen kuwa uu qaarjiyo, kuwa naftooda ula baxsado iyo kuwa dhumaaleysi ku jiro. That is why he is targeting Turkiga xataa.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;972131 wrote:

`

+ 1000000

Share this post

Link to post
Share on other sites
nuune   

Meelaha qaraxyada bambaano laga maqlay ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, Suuqa Beerta ee nawaaxiga Jaamacadaha oo fariisin ku lahaayeen AMISOM, Seybiyaano, Isgoyska Banaadir, nawaaxiga Saldhiga Waabari qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, Xamar weyne iyo Xamar Jajab oo fiidkii caawa dhowr qarax laga maqlay.

Sidoo kale waxaa qaraxyo laga maqlay xaafado ka tirsan Wardhiigley, gaar ahaan halka lagu magacaabo Cali Kamiin.

Most of the mentioned places there is where PM Saacid was walking down by foot last night, Tarzan and Wasiirka isgaarsiinta were with him to prove that Xamar amnigeeda in la isku halleen karo.

Share this post

Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Sida la sheegay Kuwa qaraxyada tuuraayey waxay wateen baabuur marka sidee ku dhacday in baabuur qarax kasoo bilaabo ex control afgooye ilaa iyo xamar jajab , xamarweyne ilaa kaaraan, yaaqshiid oo aan la qabanin. Sxbyaal howshaan way ka weyntahay alshabaab waa dad ka mid ah dowlada qaasatan dadka kasoo jeeda beesha daahir aweys.

Share this post

Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Sxb dadka xamar qasaaya alshabaab kaliya maaha waxaa ka mid ah hogaamiye kooxeedyo iyo dad fowdada ka faaiday oo dowladnimo dhibayso.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this