Sign in to follow this  
malistar2012

Daawo Sawirada Ra'iisul Wasaaraha oo xalay socod ku maray isgoysyada Muqdisho

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay Saq-dii dhexe ee 12:00am saacadda geeska Afrika, waxaa uu socod lug ah ku maray degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaana Isgoys-yada Beexaani, Sanca, Fagax, Cali-kamiin, Laba-dhagax, Baar-ubax, Black sea, Al Barako, iyo isgoyska Banaadir, waxaana socdaalkani uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladda amniga iyo howlaha ciidamada amnigu ay ka wadaan magaalada.

 

Kormeerkan Waxaa Ra’isul Wasaaraha ku wehliyay Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur, Warfaafinta Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiiru dawlaha Arrimaha Gudah Mudane Mahdi Maxamuud Cali, taliyeyaasha Boliiska Jen. Cabdixakiin Daahir “Saacid”, Ciidanka Xoogga S/guuto Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarsho” iyo Nabadsugida Qaranka Jen. Bashiir Maxamed Jaamac.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkan ka hor kulan ballaaran kula qaatay xarunta Nabadsugida Qaranka dhamaan saraakiisha ammaanka, isaga oo kala hadlay xoojinta sugidda amniga dalka, gaar ahaana magaalada Muqdisho, waxaana uu kula dardaarmay in looga fadhiyo inay ka hortagaan falalka lidiga ku ah amaanka shacabka.

 

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha ku weheliya kormeerkiisa ayaa ugu horeyntii ku hakaday isgoyska Cali-kamiin ee wadada Soddonka halkaasoo ay kula kulmeen dhalinyaro kubadda cagta ku ciyaareysay kuwaas oo ka faa’iideysanayay leyrarka cadceeda ku shaqeeya ee wadadaasi ku xiran, waxayna sacab iyo mashxarad ku soo dhoweeyeen madaxda, iyaga oo oranayay soo dhowaada.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u degay dhalinyarada lana sheekeystay isaga oo weydiiyay kooxaha ay u kala cayaarayaan, “Waxaan u kala baxnay labo xaafadood oo kala ah kooxda Furayaasha iyo kooxda Cali-kamiin, waxaana ku gaarnaa halkan illaa suxuurta” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii goobta ku ciyaareysay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale weydiiyay inay jirto wal wal amniga, waxayna ku jawaabeen “Maya amniga xaafada wuu wanaagsan yahay mana jiro wax wal wal ah”.

 

Intii uu ku guda jiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon kormeerkiisan waxaa kaloo uu ku hakaday xaafada Laba-dhagax waxana uu halkaasi kula kulmay mid ka mid ah ganacsatada Internet-ka kireysa oo xilligaasi ku sugnaa goobtiisa ganacsiga iyadoo Ra’iisul Wasaaruhuna gudaha u galay goobtaasi oo muddo kooban uu kula sheekeystay, xilligaasina waxaa ku sugnaa goobta dhalinyaro adeegsaneysay aaladdaha bulshadu ku wada xiriirto sida Facebook.

 

Mudadii uu Ra’isul Wasaaruhu ku jiray booqashadiisa waxaa la arkayay dhalinyaro raxan raxan u fadhisa goobaha maqaaxiyaha, kuwaasi oo aysan ka muuqan wax wal wal amni ah, waxaana qaarkood ay naga salaamayeen dusha.

 

Taliyaha Boliiska Jen. Cabdixakiin Daahir “Saacid” ayaa intii lagu guda jiray kormeerkan waxa uu warbixino siinayay Ra’iisul Wasaaraha isaga oo xusay in ciidanka amniga ay 24-ka saac ku jiraan heegan, ayna ka hortagaan saacad kasta falal amniga shacabka lidi ku ah, inkastoo ay jiraan falal qaraxyo ah oo kooxaha nabadiidku ay la beegsadaan mararka qaar goobaha dadweynaha sida suuqyada iyo goobaha ganacsiga.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku hakaday goob ganacsi oo lagu tolo dharka, waxaana xilligaasi shaqaalaha goobtaasi ay ku howlanaayeen tolista dharka. Ra’isul Wasaraha ayaa weydiiyay qiimaha ay ku tolaan dharka iyo qaababka ay u tolaan iyadoo sidoo kalana uu wax ka waydiiyay xaalamadaha Amni ee goobahaas. Ganacsatadu waxay ku ammaaneen ciidanka amnigu inay sugaan ammaankooda inta ay ku jiraan shaqadooda.

 

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo warbaahinta kula hadlay isgoyska Al Barako ee degmada Hodon ayaa sheegay in kormeerkiisan uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladdaha ammaanka caasimadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko habeen Saq-dhexe in dhalinyaradu ay kubadd ku ciyaaraan xaafadahooda, wuxuuna tilmaamay inay tahay dadaalka ciidanka ammaanka, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban laabaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

saacid-wareg_1.jpg

 

 

 

saacid-wareg_3.jpg

 

 

saacid-wareg_4.jpg

 

 

saacid-wareg_5.jpg

 

 

Who said Mogadishu is not safe , You have the entire cabinet of SFG walking in the streets in midnight .

 

 

saacid-wareg_6.jpg

 

Internet cafe open midnight.............

 

saacid-wareg_7.jpg

 

ntii uu ku guda jiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon kormeerkiisan waxaa kaloo uu ku hakaday xaafada Laba-dhagax waxana uu halkaasi kula kulmay mid ka mid ah ganacsatada Internet-ka kireysa oo xilligaasi ku sugnaa goobtiisa ganacsiga iyadoo Ra’iisul Wasaaruhuna gudaha u galay goobtaasi oo muddo kooban uu kula sheekeystay, xilligaasina waxaa ku sugnaa goobta dhalinyaro adeegsaneysay aaladdaha bulshadu ku wada xiriirto sida Facebook.

 

 

saacid-wareg_8.jpg

 

Boys are playing soccer Late nights ........

 

 

saacid-wareg_10.jpg

 

Congrats to the PM saacid .

 

saacid-wareg_11.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

saacid-wareg_12.jpg

 

 

saacid-wareg_13.jpg

 

 

 

saacid-wareg_14.jpg

 

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo warbaahinta kula hadlay isgoyska Al Barako ee degmada Hodon ayaa sheegay in kormeerkiisan uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladdaha ammaanka caasimadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko habeen Saq-dhexe in dhalinyaradu ay kubadd ku ciyaaraan xaafadahooda, wuxuuna tilmaamay inay tahay dadaalka ciidanka ammaanka, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban laabaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

Maaddeey;972154 wrote:
Intaasoo isgoys ah socod laguma mari karee, wax kale sheeg, sxb!. Meeqa ciidan & Tikniko aa lagu waardiyeynaayey, sxb?.
:D

labo Guuto lool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this