Sign in to follow this  
SOO MAAL

Waa Arin Adag: Fikir, Aragti iyo Mab’da kala Duwansho aad Qoto Dheer

Recommended Posts

SOO MAAL   

Waa Arin Adag: Fikir, Aragti iyo Mab’da kala Duwansho aad Qoto Dheer

http://oodweynenews.com/2013/08/3-sano-kadib-siyaasadaynta-danaha-guud-ee-qaranka-iyo-masiibooyinka-ka-dhalan-kara/

 

 

 

Fikir ahaan, Aragti iyo Mab’da ahaan ayaaan inta badan ee dadka deegaankaasi la dhacin Qadiyada Madaxbanaanida, sida kuu cad arintu maaha mid Dhaqaale, Mana ah mid Xil ama Saluug awoodeed ee waa Mid Fikir, Aragti iyo Mab’da kala duwansho qoto dheer , tan macneheedu waxa weeye wax kastoo 22 sano la soo dhisayey anagu ma aqoonsani, (Waa Arin Adag).

 

 

 

 

Qormadan aan ku eego qodobkeeni labaad ee Siyaasada Gobolada Bari iyo Ciidanka ee halkaa ku sugan sanadkii 10-aad, ugu horeyn intaanan ka hadal Siyaasada Xukuumada horta bal aan eego waxaan uga jeedo Goboladda Bari si aan iskula fahano dooda iyo falanqaynta, Gobolada Bari qormadaydan waa Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Hadaba su’aasha Muhimkii waxay tahay Maxaa Goboladaas ka dhigay kuwa farta lagu fiiqo, kuwa ka danbeeya inta kale ee dalka, Kuwo ay dul hoganayaan Ciidanka, Kuwo dawladu wax u qabadkooda ka dhigato libin siyaasadeed, su’aalahan jawaabohooda ayaa ah kuwo ina siinaya Qiimaynta Siyaasad kastoo lagula dhaqmo deegaanadaas.

 

Dabacan cidna kama qarsoona jawaabtu oo waa Fikir ahaan iyo Mab’da ahaan ayaaan inta badan ee dadka deegaankaasi la dhacin Qadiyada Madaxbanaanida ee inta kale ee shucuubta S.land, taaso ka muuqata Fikirkii Shirkii Khaatumo ee taleex dhidibada loogu taagay Dawlad iyo maamul u gaara beela kamida beelahas (***********), kala Cadaan la’aanta masiirka siyaasadeed ee beesha kale ee Warsangali, iyo ku dhex asqawga fikiradaas ee beela kale daga iyo u dabranaanta xifiltankaas, sida kuu cad arintu maaha mid Dhaqaale, Mana ah mid Xil ama Saluug awoodeed ee waa Mid fikr, Mab’da iyo Aragti ka duwan ta taal Hargaysa, Burco iyo Borame, tan macneheedu waxa weeye wax kastoo 22 sano la soo dhisayey anagu ma aqoonsani, (waa Arin Adag).

 

 

Arintan ayaa ku xasuusinaysa dagaalada ka socoda AFghanistan, kuwaaso oo dawladii Aduunka ugu waynayd ku fashilantay soo afmeerkooda, sababtuna waa kaliya inay adeegsatay Awood, Dhaqaale iyo Siyaasad Cabudhin ku dhisan, iskana ilawday ama isdiidsiisay dariiqii saxa ahaa ee Wada-hadal, Hoos-u-eegid, iyo tix-galinta dhinaca fikirada kala duwan ee kasoo horjeeda, iyo waxay Washiton Damacsantahay (Democratization), taasi waxay dawlada maraykan ku keentay Dhimashada Askar, dad Masaakina, Dhaqaale burbur baaxad wayn, iyo sumcad xumo soo gadahay kaalintii hogaamineed ee ay ku lahayd caalamka, ama soo Xasuuso dawladii Kacaanka iyo awoodeedi, meeday waxa cunay SNM, waayo fikirkooda la cabudhiyey.

 

Hadaba hadii Washiton ay xoog waxba kusocod siin wayday, rer Hargaysana ay leeyin wayo aragnimadii Kacaanka iyo inaan Awoodi waxba qaban, Maxay ciidankooda ugu direen Jiida Bari waa arin Maan gaabinimo ka muuqato, ma maxay kula tahay Hargaysa, iyo Xukuumadeena Kulmiye inay Xoog, Mansab, Lacag iyo koolkoolin wax ku helayso ama ugu soconayan, Jawaabtu iyadoo gaaban waa Maya? Waayo Ciladii iyo Bu’dii khilaafku lama dayin ee wali waxa jira” Fikir iyo Ra’yi kala duwan”, Erayga ugu qaalisan ee dawladi dhistana wali waa lagu kala duwan yahay (Muwaadin), yaa muwaadina lama garanayo, ma ka Aabihi Wasiirka yahay mise ka Adhi jirka, Ma ka Laas-qoray kaluunka kasoo saaraya mise Askariga qoriga la dul jooga?

 

Muwaadin Xalku wuxuu ku jiraa in Dib loo eego waxa Jira, Sababta ay Muwaadiniintaasi u diidan yihiin Aragtida Hargaysa, lala fadhiisto geed hoostii, lagu qanciyo lana tuso sababta loo abuuray S.land,la dhagaysto sababta ay ku diidan yihiin, laga dhaadhicyo waxay ku badalanayaan fikirkooda hore, taaso qudha wax lagu heli karaa, Tasoo qudhaa Ciidanka dib loogu soo celin karaa, Tasoo qudha dadku isku calan ugu heesi karaan, Tasoo qudha dalku ku noqon kartaa mid qaran, hadii kale xaalku waa Xunbo Daad wato, waa in Danaha Guud laga saaraa siyaasadaynta iyo Libin ku raadisiga. si loo gaadho natiijo midaysan

 

Mustafe Baroud

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this