Sign in to follow this  
cadnaan1

Tarsan oo la xaqiijiyey in shaqada laga qaaday.

Recommended Posts

cadnaan1   

Ilo wareedyo muhiim ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in la dhameystiray qorshayaashii xilka ka qaadista ee Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan oo muddo saddex sano xilkan hayay.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qeyb ka ahaa Qorshahan xil ka qaadista Mr Tarsan oo dhowaan la sheegay inay isku dhaceen, kadib markii uu dib u soo magacaabay nin uu horay Tarsan xilka ka qaaday.

 

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay la tashiyo ku saabsanaa magacaabista Duqa Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo uu ugu cad cad yahay xubnaha xilkaas loo magacaabayo Jen. Xasan Maxamed Xuseen oo loo yaqaano Mungaab.

 

Warkan aan ka helnay ilaha lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda laga yaabo in lagu dhawaaqo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Jen. Mungaab oo hada haya xilka Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida.

 

Jen. Mungaab oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha Mudullood ayaa in muddo ah u xusul duubayay xilka Maamulka Gobolka, iyadoo beelaha Mudullood ay wadeen dadaalada la xiriiray sidii xilkaas loogu magacaabi lahaa.

 

Kulamo hoose oo ka dhacay Madaxtooyada ayaa dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo beesha uu ka soo jeedo Mr Mungaab, kaasoo la sheegay in Madaxweynuhu ugu xaqiijiyay in xilkaas uu u magacaabayo.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Mr Mungaab loo gacan geliyay waraaqdiisa magacaabista, hase ahaatee aan wali la shaacin, waxaana arrintan xalay aad looga hadal hayay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho oo dad siyaasiyiin, saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay ku sheekeysanayeen wararka ku saabsan magacaabista aan wali la shaacin.

 

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabay bartamihii sanadkii 2010, xilligaasoo magaalada Muqdisho inteeda badan maamulayeen Al-Shabaab, iyadoo mudadii uu xilka hayay uu wax badan ka qabtay xaalada Muqdisho, gaar bilicda Muqdisho.

 

Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa ka mid ahaa ardayadii ku soo waxbaratay dalka Sudan, waxaana Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay isku dhowaayeen u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

golfyare@gmail.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilo wareedyo muhiim ayaa u xaqiijiyay

 

Thats where i stopped reading they always do that when they start speculating with rumors and stuff. Ilo wareediyo oo u dhuun daloola madaxtooyada ayaa xaqiijiyey bla bla bla. Come with real news saaxib

Share this post


Link to post
Share on other sites

its true guys i can confirm this as well. This interior minister is playing with fire this man is the guy who messed up the Kismayu issue its the same guy who deployed forces from his clan to shabeellada hoose just weeks ago and now he wants to get rid of Tarzan.. We'll see whats gonna happen this government is going to hell. Unuka needs to create a maamul goboleed in xamar and tell the SFG good bye waxaan wax lo dulqaadan karo maaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this