Sign in to follow this  
MoonLight1

Erdogan: Kooxahan isku sheegay Muslimka Maxay ku weerareen Dadka Walaalahooda Caawinaya?

Recommended Posts

Raysalwasaaraha dalka Turkiga Tayyib Erdogan ayaa weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday xarunta ay degen yihiin shaqaalaha safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaasi geysteen dad sheeganaya inay yihiin Muslim.

 

Erdogan oo si toos ah khudbadiisa warbaahinta xalay looga siidaayey ayaa sheegay in Turkiga waxa kaliya oo ay dalka Soomaaliya u joogaan ay tahay inay caawiyaan Walaalahooda Muslimiinta ah, wuxuuna la yaab ku tilmaamay kooxaha sheeganaya muslimnimada ee burburka iyo dagaalka ku haya dadkooda iyo dowladooda.

 

Weerarkii shalay lagu qaaday xarunta ay degen yihiin shaqaalaha Turkiga ee ku taal nawaaxiga KM4 ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen 3 qof oo uu ku jiro mid kamid ah illaalada Turkida ah ee xaruntaasi ku sugnaa.

 

Weerarkan ayaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa lasoo saaray kaasi oo la sheegay inuu ka faa’iideystay inuu irida xaruntaasi isku qarxiyo xili gaari kale oo ay Turkida leeyihiin irida laga furayey si uu halkaasi u galo.

 

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay weerarkaasi halka dhaawaca uu gaarayo 9 qof.

 

Kooxda Al Shabaab ayaa bartooda Twitterka ku sheegtay weerarkii lagu qaaday xarunta Turkida, iyagoo ku eedeeyey dowlada Turkiga inay xubin ka tahay Isbaheysiga NATO oo ay sheegeen inay cadow ku yihiin Muslimiinta.

 

Dhinaca kale Afhayeenka Kooxda Al Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa war bishaaroleh ku tilmaamay weerarkii lagu qaaday xarunta ay ku sugnaayeen diblumaasiyiinta Turkida.

 

Cali Dheera ayaa weerarkan ku sheegay inay geysteen ciidamadooda oo halkaasi galay kadibna si nabadleh uga baxay isagoo sheegay in Turkida ay cadow ku yihiin muslimiinta, isagoo qiil u raadiyey weerarkan oo u sheegay in Turkida ay gacan siinayeen gaalada kusoo duulay Muslimiinta, ayuu yiri.

 

Weerarkan ay Al Shabaab ka fulisay Muqdisho ayaa qeyb ka ah weeraro is xig xigay oo ay kooxdan ka geysaneysay bilihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho, iyadoo ay muuqato in kooxdaasi ay weli awood uleedahay in weeraradooda sii wadaan kadib markii la sheegay in dowlada ciidamadeeda iyo kuwa AMISOM ay baaritaano ka sameeyeen inta badan xaafadaha Muqdisho.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

I fear if things keep getting as they are and more Turks die there will be pressure for Erdugan at home to pull out, and that will be a big loss for Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

turkida ma ahan sidii reer galbeedka oo kale hadii dhawr qof laga dilo iska cararaya,,turkida ayagaba argagixiso way soo arkeen oo sii fiican ayey u yaqaanaan waxaasi cabsi galinmayso,,somaliyana dan fog ayey ka leeyihiin oo si fudud ku bixi maayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

i agree with cadnaan its worth it Somalia is Turkey's target for neoottomanism , they will not leave because of some security problems. What they will gain is much more important.

Share this post


Link to post
Share on other sites

but remember Erdugan is keeping a very aggressive opposition at bay,just, these secular parties are looking for the slightest excuse to come out and protest against Erdugan, seeing images of their sons blown to bits will give them enough material to attack the AK party and its PM, I believe if more lives lost they will abandon their mission fearing a backlash from seculars.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Thats a good point they can use it against him the secular extremist but than again they are turks to but people try to use all kind of tools to stop erdogan so they can use. But the question is will that happen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this