Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia rejects , Somaliland and Somalia airspace joint committee agreement in Turkey.

Recommended Posts

Carafaat   

Tillamook;970597 wrote:
You're missing the point, saaxiib. The agreement in Turkey was merely about establishing an office for the federal aviation agency of Somalia in Hargaysa-- Nothing more, nothing less. However; It is unfortunate that some delusional secessionists believed their own lies and tried to turn that agreement into something it never was.

The agreement was clear sxb. Point 6 of the agreement clearly stated the establishment of the Air Control body in Hargeysa. Even the Turkish goverment Press release mentioned it.

 

http://www.mfa.gov.tr/no_-197_-10-july-2013_-press-release-regarding-the-second-round-of-talks-between-somalia-and-somaliland.en.mfa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miyir;970576 wrote:
Clock ticking:mad:

Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Ka soo Yeedhay Dawladda Soomaaliya

 

July 27th, 2013

 

“Hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Soomaaliya waxaanu u aragnaa inuu carqaladayn karo wadahadalada labada dal u socda”

 

“Waxaan ugu baaqayaa dawlada Soomaaliya in ay ka waantoobaan in ay si khaldan oo aan ahayn sidii lagu heshiiyay…”

 

Hargaysa (Somaliland.Org): Wasiirka Ganacsiga iiyo Maalgashiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar, ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeedhay wasiirka war-faafinta, Boosaha iyo Is-gaadhsiinta ee dawladda Soomaaliya ee uu ku sheegay in maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliya laga maamuli doono magaalada Muqdisho ay carqaladayn karaan wadahadalada u socda labada dal.

 

Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo xalay telefoonka ugu waramayay Tifaftiraha Guud wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, isaga oo jooga magaalada Hargeysa, ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dawlada Soomaaliya in ay ka waantoobaan in ay si khaladan oo aan ahayn sidii lagu heshiiyay arrimaha.

 

Wasiirku waxa uu kaga jawaabay hadalkii Wasiirkaasi “Hadalada ka soo yeedhay wasiirka ka tirsan dawlada Soomaaliya waxaan u arkaa in arrimahaasi ay carqaladayn karaan wada hadalada labada dal u socda, waxaanan ugu baaqaynaa dawlada Soomaaliya in ay ka waantoobaan in ay si khalad ah oo aan ahayn sidii markii hore lagu heshiiyay u dhigaan arrimaha, markaa arrimahaasi waa kuwo xumayn kara wada xaajoodkii u socday labada dal.axaan filayaa arrintaasi in aanay ahayn arrin sax ah, Somaliland iyo Soomaaliya waxaa ilaa mudaba u socday sidii uu dhigayay qodobkii 6-aad ee shirkii London ee sanadkii 2012-kii, waxaa u socday shirar laba geesood ah, iyaga oo laba dal oo siman ah inay ka wada hadlaan xidhiidhkooda, inay ka wada hadlaan iskaashigooda iyo arrimo kale oo siyaasad leh, dhaqaale leh, oo nabadgelyo leh”.

 

Wasiirka Ganacsiga iiyo Maalgashiga Somaliland waxa kale oo uu tilmaamay in aanu wasiirka war-faafinta ee dawlada Soomaaliya ka mid ahayn weftigii ka qayb galay shirkii u danbeeyay ee Istanbul isla markaana uu si khaldan u turjumay qodobkii qeexayay in maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliya laga maamuli doono Hargaysa.

 

“Wasiirka kamuu mid ahayn weftigii ka socday dawladiisa Soomaaliya ee wada hadalka ka qaybgalay, markaa waxaad moodaa inuu ka bixiyay turjumaad aan sax ahayn, heshiiska labada dal ay wada galeen waxa uu qeexayay in maamulka hawada labada dale e Somaliland iyo Soomaaliya ay maamulaan guddi ay labada dal u soo magacaabaan oo xaruntiisu noqonayso caasimada Somailand ee Hargeysa, gudidaasi farsamada ahina uu ka soo taliyo qaabka loo wada shaqaynayo iyo sidii dhaqaalaha ka soo bxa loo qaybsan lahaa. Shirkayagii u danbeeyay guddidii Somaliland ka socotay ee aan anigu guddoomiyaha u ahaa ee ka qaybgalay shirkii Istanbul, markaa inay Soomaaliya ka baxday wada hadaladii ay Somaliland la lahayd war sax ah ma aha war rasmi ahna ma aha” ayuu yidhi Dr. Maxamed C/laahi.

 

Wasiirka oo la waydiiyay wakhtiga uu wareejinayo xilkii wasaaradda arrimaha dibada maadaama oo uu dalka yimid wasiirkii dhawaan wasaaraddaasi loo magacaabay waxa uu yidhi “Munaasibadii xil wareejinta waxaanu qabanaynaa berito (maanta) oo Sabti ah”.

 

Dhinaca kale xisbiyadda mucaaridka ah ayaa si hubsiimo la’aan ah xukuumadda ugu cambaareynayay hadalkan ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, iyagoo aaminay kuna doodayay inay Soomaaliya dhinaceeda ka baxday heshiiskii ay dhawaan Somaliland ku gaadheen magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga.

 

XIGASHO;WARGEYSKA MADAXA BANAAN EE DAWAN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this