Sign in to follow this  
MoonLight1

Puntland has zero mercy for terrorists.

Recommended Posts

Garowe oo lagu qisaasay ragii Dilay AHN Shiikh C/Qaadir

 

23 Jul 23, 2013 - 1:51:04 AM

 

Magaalada Garowe ayaa saaka 23 July,2013 waxa dil toogasho lagu fuliyay laba nin oo horey maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ugu riday ka dib markii lagu helay falkii lagu dilay AHN Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.

 

Shiikha ayaa lagu dhex dilay Masjidka Al-Badr ee bartamaha magaalada Garowe salaadii Casar isaga oo tukanaya 15 February,2013.

 

Nimanka la qisaasay maanta ayaa kala ahaa Cabdiraxman Xuseen Jaamac Bile oo ahaa ninkii dilay Shiikha iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed ''Caynte'' oo ahaa qabanqaabiyihii falkan.

 

Cabdirxman oo fuliyay dilka ayaa isku dayay inuu ka baxsado goobta balse dadweyne ka agdhowaa ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan ka dibna ku wareejiyaan booliska ,inkastoo uu dhaawacyo gaarsiiyay saddex ruux.

 

Halka Caynte uu u baxsaday dhanka Laascaanood oo ay gacanta ku dhigeen Booliska Somaliland ka dibna wadahadal dhexmaray Puntland ay dib gacanta ugu soo geliyeen dhigooda Puntland 13 March,2013.

ffff.jpg

Cabdulahi cisman axmed Caynte.

 

gacandhiigle.jpg

C/raxmaan xuseen Jamac Bile

 

Qisaasta ayaa goob joog waxa ka ahaa masuuliyiinta garsoorka ,maamulka iyo taliyaasha ciidamada.

 

16 Feb,2013 Aaskii Shiikha ayaa culimo faro badan ay ka soo qaybgashay Garowe iyo weliba masuuliyiin ka tirsan DF Somalia.

 

24 Feb,2013 Banaanbax balaaran ayaa ka dhacay isla magalaada Garowe oo dadku ku muujinayeen carada ay ka qabaan dilka Shiikh iyagoona ka soo horjeeday kooxda Al-shabaab.

 

24 May,2013 Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Puntland ee gobollada Nugaal,Mudug ,Sool iyo Cayn ayaa xukuno dil toogasho ah ku xakuntay 7 dhalinyaro ah oo loo haystay dilkii Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax.

 

16 July,2013 Maxkamada Rafcaanka ee ciidamada Puntland ayaa mar kale ku xakunta dil toogasho.

 

Magaalada Bossaso ee xarunta gobolka Bari ayaa 30 April,2013 lagu fuliyey xukun dil toogasho ah 13 qof oo ay ku jirtey haweeney kuwaasi oo lagu helay dilkii AHN Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxman iyo dilal kale oo ka dhacay gobolka Bari.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fagaare ku yaala magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa maanta lagu toogtay labo nin oo ka mid ahaa kuwii ka dambeeyey dilkii Shiikh C/qaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo ka mid ahaa culimaa’udiinka Soomaaliyeed.

 

 

Labada nin ee saaka ciidamada Puntland toogashada ku fuliyeen oo lagu kala magacaabi jiray C/raxmaan Xuseen Jaamac (Bile) oo isagu ahaa gacan ku dhiiglihii dilka geystay iyo C/llaahi Xuseen Axmed oo isna la sheegay inuu wax ka abaabulay ayaa ka mid ahaa dhowr iyo toban qof oo dhowaan maxkamada darajada 1aad ee Puntland ay ku heshay iney ku lug lahaayeen dilka Shiikh C/qaadir Gacamey.

 

Goobta ay ciidamadu ku fulinayeen xukunka toogashada ah ayaa waxaa loo diiday iney tagaan qeybaha warbaahinta iyo dadweynaha magaalada Garowe, waxaana weli ku jira xabsiga dil sugayaal kale oo la xukun ahaa labada nine ee saaka la toogtay.

 

Shiikh C/qaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo ka mid ahaa culumaaudiinka Soomaaliyed ee wax badan ku soo jiray fidinta diinta Islaamka ayaa lagu toogtay isagoo salaad u taagan masjidka Al-Rowda ee magaalada Garowe 15kii Febraayo ee sanadkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ How, when the SFG is full of Alshabaab itself, I know this may sound series accusation to some, but in reality, we know that they work in every piece of department in the SFG, even in the Central Bank they have guys, when dowlada tries to reason with them, they answer with explosions, this was the case since uu Hassan Madaxweyne noqdey, Shariifka at least avoided the Shabaab.

 

President Hassan seems to be begging the Alshabaab to stop dhibka, hadal jileeciisa ayey ka faa'iideesteen and started asking him important positions including having 2 security officers at the front door of Villa Somalia(I was confirmed this by a friend who frequently visits Villa Somalia representing an NGO from Australia).

 

Ciidmada Policeka of higher ranking wey ku jiraan, the most important positions ay heestaan is based at the airport, they have different roles, few of them have even cleaning jobs there and nobody can fire them, Xamar dhan bey xaaraan ku heestaan nimankan.

 

 

By the way, Xamar is not the same as it was 6 months ago, housing prices reduced dramatically by 70% in some places, this is one factor alone amongst others.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Powerful uma baahnid inaa noqotid to undermine the government, ma ahan inaa suug taangi iyo baazuuko lagugu arko dariiqayad, but rather argagax fajjac iyo jahwareer lagu rido bas ayaad u baahantahey to undermine dowlada iyo iney kaa cabsadaan, wey ka shaqeeyaan meel walboo dowlada ka mid ah plus on top of that they recieve some of the funds ay qeybiyaan dowladaha yurubta iyo kuwa kale ee UNtaba.

 

Salary caadi ah ayey helaan had iyo goor sidaas ayaana ugu wacan in aana la dhabar jabin karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   

nuune;970241 wrote:
^^ How, when the SFG is full of Alshabaab itself, I know this may sound series accusation to some, but in reality, we know that they work in every piece of department in the SFG, even in the Central Bank they have guys, when dowlada tries to reason with them, they answer with explosions, this was the case since uu Hassan Madaxweyne noqdey, Shariifka at least avoided the Shabaab.

 

President Hassan seems to be begging the Alshabaab to stop dhibka, hadal jileeciisa ayey ka faa'iideesteen and started asking him important positions including having 2 security officers at the front door of Villa Somalia(I was confirmed this by a friend who frequently visits Villa Somalia representing an NGO from Australia).

 

Ciidmada Policeka of higher ranking wey ku jiraan, the most important positions ay heestaan is based at the airport, they have different roles, few of them have even cleaning jobs there and nobody can fire them, Xamar dhan bey xaaraan ku heestaan nimankan.

 

 

By the way, Xamar is not the same as it was 6 months ago, housing prices reduced dramatically by 70% in some places, this is one factor alone amongst others.

Nuune said the truth. The extremists are in every department, no government official can walk without security guards. Cambuulo stop romanticizing the place and smell the coffee.. They have not been defeated. They melted away and are now coming with full force. Existential questions are: Amisom will go away just as the ethiopians did what will happen then?

 

Cambuulo, look at ciraaq, the yankees went home and now we have full rebellion going on. I dont want to be pessimistic but this the reality ( A very close relative of mine is high ranking member of the government and he confirmed my worries.)

 

By the way did you know after the bombings on the UN-compound all the foregin workers said that their security could not be guranteed in Mogadishu, most of them want head Nayroobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

That C/raxmaan xuseen bile (second picture)is the same guy that got caught in that cellphone video right? If it's the same guy and he was the one that carried out the execution, than i don't see anyone more deserving than him.

 

Would've been nice if they broadcasted Live.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MoonLight1;970234 wrote:
The blood stained point in Badr masjid where the sheikh was shot dead.

masjidka_badar.jpg

What a lucky man he was, being killed during the prayer in Masjid! To top that he was over 70. Allaho. danbigiisa ha dhaafo janadan fardoowsana kawaraabiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No mercy such an evil individual who have no vlaue in life, killing innocent ppl is sin, so plz hang him as soon as possible . All those that he named were also after the killing must be sought and brought to justice each and every one of them. Peace

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this