Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Prof Samatar SL unity is a must, Xasan sh has no clue about S/land, aspirations are legit and real

Recommended Posts

Brofesoorku wuxuu u'egyahay nin hamadi gashay. oo meesha wax buuran kusoo arakay. Hase ahaate Sadex wax ayaa Brofesoorka lagu xantaa. Sadexdaa haduu meel iska dhigi waayo umalayn maayo in ay Soomali meel ay joogtoba wax ku aamini doonto.

 

1. Waxaa la yiri waa nin Isla weyn oo dadka kale hoos u eega: Soomali iyo islaweyni, kala ilaali.

2. Waxaa la yiri waa nin dabeecadda ka aradan; Soomali dul qaad uun baa wax lagaga heli karaa

3. Waxaa la yiri; Waa nin diiiinta ka aradan; Soomalidu inkastoo aanay sida lagarabo bdiinta ugu dhaqmin hadana ninkii garab mara waaku shaaahidaan.

 

Profesoorka intii latalisa intaa waa inay marka hore ka hubiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odeygu waa Khalistan yahay hadi soo doween ay kala waynatay Somaliwein. Either way, both Galaydh and Samatar deserve credit for their attempts at breaking the status quo of D&H presidential rotation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

Ninka wa dacad dee ? He went south because he drunk the somaliweyn coolaid when he got there he realised everyone was dead. Nothing such think as somaliweyn anymore it died in 1991 when the last two states ended the union. Nothing such thing as Somalinimo in Somalia Ethier because they wouldn't be using kikuyu or xabashi on each other to gain leverage over one another. Wake up and smell the coffee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here is another one prof samatar saying Somalilanders those who advocated for independence were right after all the past 20 years and we must follow that

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

^A ten year old child can tell you SOMALILAND is not comparable to Somalia let alone baxbax land etc. Lakin Iska indo tiir waxba kumu Hadin. The first guy made me laugh. Imikana as refugees they use media outlets for cheap political game scoring. SSC dervish banu nahay sheko from miniapolis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What do you mean by gods?

 

By the way samatar has changed allot in 2004 i attended a lecture of his this man did not even like to utter the word Somalland, He always said gobolada woqoyiga somaliyeed. When he was referring to Somalilanders he said dadka reer woqyiga. And look at him now what a change and now he is telling Somalilanders u were right all along , and u won the debate and that Somalilanders should no longer wait for left overs. And that the unity of Somaliland should be protected.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laba Weriye Iyo Laba Waraysi Faallo Cumar M.Faarax

July 23rd, 2013 Comments Off

 

Xalay cawayskii 22/07/2013, waxaan daawaday oo ay indhahayga iyo dhegahayguba si fiirro leh uga bogteen laba waraysi oo ka kala baxay Telefishanadda UNIVERSAL iyo HCTV. Waxa labada waraysiba la soo geliyay youtube-ka, waxa ka sii kala xigtay oo soo daabacay ama geliyay qaar ka mid mareegaha internet-ka ee wararka laga daalacdo.

 

Labadaas waraysiba waxa labada Telefishan ay si gooni-gooni ah ula yeesheen Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku laabtay dalka Maraykanka oo uu degan yahay. Waxa labada Telefishan-ba ay Aqoon-yahanka afka hodanka ku ah ay wax ka weydiiyeen socdaalkii uu ku yimid dalkiisa Hooyo oo uu muddo 26 maalmood ah socdaal dheer oo indho indhayn iyo daraasadayn ah ku soo gaalaa-bixiyay goboladda waaweyn ee dalka. Waxay ka waraysanayeen wixii uu soo arkay iyo aragtidiisa siyaasadeed ee socdaalkaas dal tabyadda ahaa ka dib.

 

Aan ku horreeyo waraysiga hore waxa la yeeshay Prof-ka muuq-baahiyaha UNIVERSAL, waxa waraysiga ka qaaday weriye magaciisa la yidhaahdo Sakariye Aadan, waxaanu socday muddo 36 daqiiqo ah, Suxufigaasi inkasta oo uu dhiirranaa isla markaana isku kalsoonaa, waxa haddana ka muuqatay u diyaar-garow la’aan, xog la’aan, taasi oo marinka seejinaysay.

 

Waxa uu ahaa mid aanay dhegahiisu u daloolin waxa la warsatuhu sheegayo, dhawr jeer ayaa intii waraysigu socday lagu yidhi “waanigii hore kaaga jawaabay arrintaas.” taas ah oo laf jab ku ah Weriyaha oo laga doonayo feejigo iyo inuu dhugto waxa uu qofka uu waraysanayaa sheegayo, si uu su’aal uga weydiiyo faah-faahinta xogaha ka soo baxaya qofka waraysiga laga qaadayo.

 

Waxayse u darnayd markii Weriyihii UNIVERSAL ee Prof. Samatar Waraysanayay lagala wareegay gabi ahaanba maamulkii waraysiga, isla markaana isagii la waraystay, taasi oo uu aqoon yahan Axmed Ismaaciil mihnadiisii saxaafadeed iyo aqoontiisa durugsan ku fashiliyay suxufi Sakariye Aadan.

 

Weriye Sakariye waxa laga raacay su’aal ahayd “Somaliland waxa ka jira cadaalad darradii aad Xamar ku sheegayso, waxa jira kuraasida dawladda waxa intooda badan gacanta ugu jiraan hal reer, magaalooyinkana qaarna waa la horu mariyay qaarna waxba looma qabto ee sidaad u aragtaa?.”

 

Axmed Ismaaciil waxa uu kaga hal celiyay “Somaliland goorma ayaa kuugu dambaysay? ma soo aragtay?,” markaas ayuu weriye Sakariyena inta uu yara fir ka naxay ku jawaabay “Haa.”, haddana waxa lagu soo celiyay su’aal kale oo ahayd “Miyaad wada aragtay” markaasi ayuu ku tiraabay “Maya.” Markaas ayuu qofkii daawadayba u yax-yaxayaa suxufigaas makarafoonkii martidiisii kala wareegtay.

 

Aan in yar dul istaago sida uu Prof. Samatar uga jawaabay su’aashii la xidhiidhay reer baa kuraasta Somaliland wada haysta, waxa uu yidhi “Somaliland sideed sanadood ayuu nin ******** ahi Madaxweyne ka ahaa oo waliba kaga guulaystay nin ***** ah oo inta uu sagaashan cod wax ka yar kaga helay ayaa mufaatiixdii loo dhiibay. Laakiin 53 sanadood Soomaaliya qof reer Somaliland ahi kama uu noqon Madaxweyne.”

 

Waraysigaas waxa ka muuqanaysay in la waraystuhu si walba uga gacan sareeyay weriyihii aan isagoon diyaar garoobin soo hor fadhiistay mid ka mid ah aqoon yahanada naadir ah ee qaniga ku ah afkiisa hooyo.

 

waraysiga kale ee ka baxay Telefishanka HCTV waxa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ka qaaday Weriye Cali Cabdi Xaraare, waxaanu socday muddo 32 daqiiqo ah. Waxa suxufiga ka muuqday diyaar-garow baaxad leh oo aan malahayga is idhi waxay ka qaadatay dhawr maalmood si uu u noqdo waraysi saamayn yeesha oo xiise geliya daawadeyaashiisa.

 

Weriyuhu salaan ka dib, waxa daawadeyaashiisa tusayaa filim iyo muuqaal laga soo qaaday Axmed Ismaaciil Samatar oo 2-dii Bishii June ee la soo dhaafay, isagoo ka degaya gegooyinka diyaaradaha ee Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa. Waxa uu waraysigiisa ku furayaa sida uu u arko soo dhawayntii aan loo kala hadhin ee lagu qaabiley. Waxa uu haddana si kooban u soo saarayaa oo lagu yara hakanayaa muuqaaladii sidii loogu soo dhaweeyay magaalooyinka Gabiley, Boorame, Saylac, Berbera, Ceerigaabo iyo Burco.

 

Waraysigan Cali Xaraare waxa uu ahaa mid xog lagu raadinayo oo yool iyo qorshe loo dhigay. Waxa uu si taxanne ah oo is daba joog ah u weydiiyay su’aal kasta oo maan-gal ah oo maskaxdaada ku soo dhacaysa.

 

Waxa uu ku fur-furayaa warasiga dhawr su’aalood oo fudud oo ay ugu muhiimsanayd qoddobadii dhinacyadda bulshadda, dawladnimadda, cadaaladda iyo nolasha ee uu Prof-ku ku soo arkay goboladda Somaliland.

 

Waxa uu waraysiga badhtankiisa uu soo saarayaa muuqaalkii Prof. Samatar oo maraya Gabiley oo si weyn loogu soo dhaweeyay, hase yeeshee isagoo khudbadeynaya calanka Somaliland oo dusha loo saarayay iska tuuraya.

 

Markaas ayuu odhanayaa “sawirkaas ma garanaysaa, maxaad calankaa lagugu caleemo saarayay u diiday?.”

 

Prof. Samatar-na waxa uu dadweynaha ka jaahil tirayaa arrintaas waxaanu yidhi “Qof nool calan lama saaro, waxa calanka la saaraa marka uu qofku dhinto ee maydkiisu naxashka saaran yahay, laakiin dadkeenu arrintaasi ma fahamsana.”

 

“Maalin dambe ayaad dadka u sheegay inaanan calanka diidanayn ee ka warama iyadoo calanka lagu saaray oo uu dushaada saaran yahay haddii aad iska qososho ama wax aan macno lahayn-ba aad sheegayso,”ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

 

Waxaan rajaynayaa in Weriye Sakariye dib isku daawado oo uu kaligii diirada saaro ga-daloolooyinkii uu muujiyay intii uu waraysigaas ku jiray, ka dibna daawado waraysiga kale ee saaxiibkii Cali Xaraare ka qaaday. Markaasi ayuu ka go’aan ka gaadhi doonaa waxa uu mustaqbalka yeelayo marka uu waraysi siyaasi ah oo noocan oo kale ah qaadayo. Labadan suxufi ee wadaaga mihnadda waxay soo kala saareen laba wax soo saar oo aan isku dhawayn, waxaan bogaadinayaa labadoodaba sababtoo ah waxay noo soo bandhigeen macluumaadka siyaasi iyo aqoon yahan indho-dheer aanu ku eegaynay.

 

Geesta kale, Waraysigan Prof-ka waxa uu ku cadeeyay mowqifkiisa Somaliland-nimo oo uu waliba muujiyay inuu aad ugu ad-adag yahay, maadaama oo uu gar-waaqsaday in Somaliland ay tahay meesha kaliya ee rajo horu-socod ahi ka jirto marka weynayso lagu eego wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee burburtay.

 

Samatar waxa labadiisan waraysi iiga baxay inuu si dabiici ah dusha ugu ritay inuu noqdo looyarka koowaad ee caalamka ka difaacaya madax-banaanidda iyo qanimadda Somaliland. Waxa intii uu hadlayay ka muuqatay sida uu ugu soo muraaqooday dalkiisa hooyo oo uu tilmaamay in daabiyad kasta laga arkayo raadadkii dawladnimada oo aan iska yeel-yeel ahayn ee dhab ah.

 

Prof. Samatar waxa uu sheegay in la gaadhay ammintii uu dadkiisa reer Somaliland dhinac ka raaci lahaa, si uu ula ilaaliyo wanaaga iyo horumarka ay ku naaloonayaan isla markaana ka badhitaaro inay hayaanka iyo halgankooda adag halkaas ka sii balaysimaan.

 

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr Samatar's case illustrates the fact that most Somalis have no principles whatsoever. When the facts change, most change their minds but not Somalis. A Somali changes his mind first and then he manufacture the facts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Professor Axmed Samatar was forced to change the situation changed he miscalculated he not the natural flipflopper he is an academic scholar. He is still firmly believes in the Somali as one race , he just believes sharing nations between the Somalis is unreachable goal and is infeasible. He explained what caused that in several interviews he gave. I am looking forwards of his August lecture.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"He is still firmly believes in the Somali as one race" Xaaji is there an alternative theory on the matter.lol

As for mr Samatar, i will tell you what is a miscalculation, discrediting your entire career's work in a twenty minute interview with an amateur journalist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How did he discredit his career work there are Somalis who dont believe in the closely tied Somali people. But the Professor is not one of them . Samatar believed he said i tried to promote Somaliweyn for the last 2 decades, Laakin as he said it markanu xamar geyney walana la garan waayey. And he is right, so there is nothing that stops him to join his people. Professor samatar is an educated man who is one of the well learned professors with in the Somali society so lets give credit where its due.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this