Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galkayo - Technical Veterinary Medicine Institute Opens. Twin Sister Of Sudan University of S/T

Recommended Posts

Dr_Osman   

OgeysiisTadamun_large.jpg

 

OGEYSIIS…OGEYSIIS…OGEYSIIS

| on July 19, 2013

 

Waxaa loogu bishaaraynaa dadweynaha reer Puntland ee waxbarashada jecel in la furay Macad la mataana ah SUDAN UNIVERSITY OF SCIENCE AND TECHNOLOGY , macadkaas oo loogu magacdaray Macadka Xanaanada iyo daaweynta xoolaha ee TECHNICAL COLLEGE OF VETERINARY MEDICINE ee ku yaala Magaalada Galkacyo.

 

Waxay isdiiwaangelintu bilaabanaysaa 18 Bishan July,2013 iyadoo ay socondoonto muddo gaaban lana qaadan doono tiro arday oo xadidan.

 

Shuruudaha ardayda looga baahanyahay ayaa ah:

 

In ardayga uu dhamaystay dugsiga sare, sitana shahaado dugsi sare oo la aqoonsanyahay ama wax u dhigmaIn uu keeno orginal iyo copy shahaadadiisa

 

In uu la yimaado 8 xabo oo sawiro teesare ah

 

In uu l ayimaado cadayn dhalasho iyo sugnaan

 

In luqada Englishka uu si fiican uga dhisanyahay

 

In ardaygu uu diyaar u yahay barashada xanaanada iyo daaweynta xoolaha

 

Macadkaas oo lagu qalabeeyey qalab casri oo ay ku jiraan Shaybaarada ugu hormarsan caalamka waafaqsana Shaybaarada Jaamacadaha caalamka, Macadka waxaa wax ka dhigi doona Dhakhaatiir isugu jirta Somali iyo Ajaanib.

 

Macadka wuxuu ku haminayaa inuu soo saaro dhakhaatiir xanaanada iyo daaweynta xoolaha, maadaama wadanka uu ku tiirsanyahay waxsoo saarka xoolaha, ayna jirto baahi dhakhaatiir xanaanada iyo daawenynta xoolaha loo qabo.

 

Sidoo kale Macadka ayaa leh deegaan loogu talagalay in lagu tababaro ardayda baranaysa Xanaanaada iyo daaweynta xoolaha waxayna ka heli karaan noocyada xoolaha lagu tababari doono ee ay dhaqdaan dadka soomaalida iyo duurjoogta.

 

Macadka waxaa bixinaysa Shahaadada Diplom ka koowaad Jaamacada SUDAN UNIVERSITY OF SCIENCE AND TECHNOLOGY, ardayda waxay dhamaystiran karaan Degreega 1aad marka ay diplomka dhameeyaan.

 

Isdiiwaagnelintu waxay ka bilaabanaysaa magaalada Galkacyo, gaar ahaan xafiiska ku meel gaarka a Macadka ee ku yaala daarta weyn ee Amal Bank, qolka 103 dabaqa 2aad.

 

Wixii faahfaahin dheeri ah kala xiriir telephonadan:-

7003200 ama 7790098 Email: somali.vet@gmail.com

 

Mahadsanidiin

 

Maamulka Macadka Xanaanada Xoolaha ee Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Another step in the right direction for Puntland. This state is truly proving it is by far the No 1 in the educational sector of Somalia.

 

Were talking about primary/high school school curriculums unified and developed by the Puntland Ministry of Education.

Were talking about universities across the region delivering educational outcomes. Even some universities have medical faculty and on-site university hospitals.

Were talking about technical institutes ranging from vocational to technical across the region

Were talking about Puntland high school certificates recognized as qualifiers to Sudan, Kenya, Ethiopia, Yemen, and Turkey universities.

 

The educational sector is doing very well in this state. I suggest somalis take note

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr_Osman;969706 wrote:

 

In uu l ayimaado cadayn dhalasho iyo sugnaan

 

In luqada Englishka uu si fiican uga dhisanyahay

 

Hmmm....these don't sound right!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this