Sign in to follow this  
Saalax

600 Khaatumo militia defect to Somaliland

Recommended Posts

Saalax   

War Deg-Deg Ah:600 Oo Askari Iyo 13 Tikniko Ah Oo Ka Soo Goostay Maleeshiyadaka khaatumo Oo Somaliland Isu soo Dhiibay.

 

Fiqi Fuliye(Ramaas) July20, 2013-Ciidankii ugu badnaa ee iska soo dhiiba maleeshiyaadka khaatumo ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Deegaanka Fiqi Fuliye ee bariga sanaag,halkaas oo ay ku qaabileen wafti ballaadhan oo heer wasiiro ah oo ka ambabaxay Magalada Hargeysa si ay u soo dhaweeyaan kooxdan.Kooxdan ka soo goosatay ee garawsatay in aanay xabada waxtarayn ayaa la sheegayaa in ay tiradoodu dhantay 13 tikniko ah iyo 600 oo ciidan ah,kuwaaas oo la sheegay in ka hor intii aanay la kulmin waftigani lagu soo dhaweeyay xalay taliska ciidan ee aaga bariga somaliland ku sugan, Wasiirka warfaafinta somaliland oo goordhawayd la hadlayey Idaacada BBC-da ayaa xaqiijiyey in ay 600 oo ka mid ahaa kooxda khaatumo ku soo dhaweeyeen maanta deegaanka fiqi fuliye,isagoo sheegay in ay sidiiran ugu soo dhaweeyen ciidankan oo uu sheegay in ay hada garawsadeen in aan dagaal xal lagu gaadhi karin balse waan waan iyo afgarad wax lagu dhamayn karo,isagoo intaas raaciyey in ay kooxdan soo goosatay ay ku weheliyaan oday dhaqameedyadoodii isla markaana ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan.Ciidammadan kan iska soo dhiibay maanta kooxda khaatumo ayaa noqonaya kii ugu badnaa ee ka soo goosta tan iyo intii la aasasay arrintan ayaa la sheegay in ay ka dambaysay ayadoo mudooyinkii u dambaysay ay wada hadalo u socdeen xukuumadda somaliland iyo qaar ka mid ah horjoogeyaashooda,oo la sheegay in ay la socdaan.

 

 

Ramaasnews

Hargeysa Desk

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/War-Deg-Deg-Ah600-Oo-Askari-Iyo-13-Tikniko-Ah-Oo-Ka-Soo-Goostay-Maleeshiyadaka-khaatumo-Oo-Somaliland-Isu-soo-Dhiibay.html#sthash.jiwFXqaU.dpuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

Fiqifuliye (Somaliland.Org)- Weftigii Xukuumadda ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta degmadda Fuqifuliye ee gobolka Sanaag oo 80km dhinaca koonfur bari kaga beegan magaaladda Ceerigaabo ku soo dhaweeyay in ka badan lix Boqol oo ka mid ah kooxaha nabad diidka ah ee Khaatumo, kuwaasi oo wada hadal dheer ka dib maanta si rasmi ah ugu soo biiray ciidanka qaranka. Waxaanay wateen 13 Gaadiidka Tiknikadda ah.

 

Maleeshiyadan laxaadka leh ayaa iskugu jirta kuwo la qarameeyay iyo sida la sheegay kuwo la nabadeeyay.

Garaad Cabdilaahi Maxamed Guulleed oo ka mid ah isimmadda Beesha deegaankaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maleeshiyadii ugu badnayd ay ku qarameeyeen ciidammadda qaranka Somaliland ka dib wada hadal dheer oo sida uu tilmaamay ay ka dhalatay is faham buuxa.

 

Garaad Cabdilaahi Maxamed waxa uu intaasi ku daray inay ku qanacsan yihiin Somaliland, isla markaana ay safka hore kaga jiraan bulshadda difaacaysa qaranimadda Somaliland, waxaanu xusay inay dadkooda dhinac ka raacayaan. Garaadku waxa uu u mahad naqay cid kasta oo ka soo shaqaysay hawshan midho dhashay.

 

Horjoogihii ama Taliyihii watay ciidankan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida Somaliland u soo dhawaysay isla markaana uga midho-dhalisay wada xaajood muddo qaatay oo uu xusay inay la yeesheen xukuumadda Somaliland. Waxa uu carabaabay in diyaar u yihiin inay ciidanka qaranka ka mid noqdaan.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka hadlay madashaasi ayaa bogaadiyay maleeshiyadan oo ah tii ugu tiro badnayd ee ka soo goosata kooxaha nabad diidka ah, waxaanu tilmaamay in arrintani ay fursad wanaagsan siinayso dedaaladda xukuumaddu ku doonayso inay nabad waarta ka islaaxiso goboladda bari ee dalka.

 

Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu u balan qaaday ciidankan cusub inay heli doonaan dhammaan xuquuqda ay helaan ciidanka qaranka Somaliland. Waxaanu ku booriyay kooxaha baaqiga ku sii ah nabad diidka ah inay ka faa’iidaystaan fursadda nabada iyo horumarka.

 

Sidoo kalen waxa kulankaasi ka hadlay Wasiirul dawlaha nabadeynta gobolada bari Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Taliyaha Ciidanka qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan Shaqalle.

 

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Khaatumo website: Maamulka Siilaanyo oo la wareegay degmada Fiqi-fulliye

 

 

Ka dib markii shalay aan soo daabacnay in dhaqdhaqaa dhagaraysan ka socdo deegaanka Fiqifuliye kaasoo ay dabada ka riixayaan horgalo cusub iyo kuwa qarsoonaaba waxaa maanta si buuxda uga dhacay deegaanka Fiqifuliyey arin Argagax badan, ka dib markii gacan ku dhiigle Xirsi X. Cali{Toorille} yimid halkaasn lagaga wareejiyey ciidamo badan oo deegaanka ah iyo weliba hanti ahaan magaaladii loo siiyey.

Waxaana arintan si weyn uga shaqeeyey Waraabe Uurbayte , Faroole Dhabayaco oo asaguna dhawaan ku Hungoobey Xildhibaanimo federaalka ah iyo Abdullaahi Guulleed oo asaguna iskiis isugu cimaamada Garaadnimo, taasoo dad badan ka fajacisay in maanta Xirsi Toorille la keeno deeganada Dhulabahante, arintan ayaa waxaa ay markale wiiqaysaa jiritaanka maamulka Khaatumo oo aad moodaysay in labada maamul ay beryahan si weyn ugu shaqaynayeen qaar ka mid ah madaxda sar sare, ayadoo durbaba wararkale sheegayaan in shakhsiyaad kale ku dhawaaqaan inay u baxsadeen dhanka maamulka PL, anagoo weli ku daba jirna inaan xogtaas oo sugan soo ogaano.

G/Sanaag hore ayaa intiisa badan dhul ahaan iyo maamul ahaanba waxaa u hantiyey beesha *****, ayadoo Fiqifuliye oo lala wareegayna ay ka dhigan tahay in Khaatumo aysan taako kaga sugnayn Sanaag Bari.

HALKAN KA DHAGAYSO WARAYSIYADA DHAXAL WAREEJINTA FIQIFULIYE…………

 

http://horufadhi.com/2013/07/20/maamulka-siilaanyo-oo-la-wareegay-degmada-fiqi-fulliyedhagayso/

Share this post


Link to post
Share on other sites

I like those round numbers (600), why not 583 or 616. if it's true these guys want free money and if they don't get it then they will defect back as usual. I no longer trust Somali loyalties.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Odey   

 

Here today........ Gone tomorrow....... Qaaranka lugu bixin lahaa mushahaaraadkaan ayaa hada sugesysa Xaaji xanjuf, Saalax iyo Jacaylbaro. Good luck guys, remember- no pay, no WAY!

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

Oiler;969703 wrote:
Can these men be trusted?

We will find out: judging from past qaramayn in Bari few people have defected back to the other side. SOMALILAND provides stability and allows all the various regions to have army units that are tribally akin to the cities they are from.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Homunculus;969707 wrote:
I like those round numbers (600), why not 583 or 616. if it's true these guys want free money and if they don't get it then they will defect back as usual. I no longer trust Somali loyalties.

Everyone wants to work in order to provide his family with decent income. Nothing wrong with that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its not just the militia there was an entire peace agreement signed in fiiqifuliye the Garaad signed the peace treaty for the clan so their Militia was than incorporated into the SL army, there was an SL ministerial delegation there today. Its a good step forward the people of Somaliland stand united very strong.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Hadey 600 is dhiibtay that means Khaatumo has much more troops than I thought. 15,000 kale ee aan is dhiibin maxaad ka sameen doontaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;969744 wrote:
Hadey 600 is dhiibtay that means Khaatumo has much more troops than I thought. 15,000 kale ee aan is dhiibin maxaad ka sameen doontaan?

I doubt they have so much Militia i think this was their Militia in southern Sanaag are fully on board the Militia in Tukaraq and Taleex are maybe close to 1500 men roughly. khatumo has not the resources to pay 15.000 soldiers , it has no source of income other than diaspora money. Ever since the SL government made peace in Buhoodle and Xaglatoosiye joined the SL government. There were no clashes any more, the Taleex and Tukaraq were never a threat to Somaliland, they actually formed a buffer between Somaliland and the Garowe clan enclave. In the times of peace u will hear more of these and more Khatumo elders Militia will join Somaliland. Khatumo never had the interests to form a state, but it was more of a bargaining chip for them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this