Sign in to follow this  
cadnaan1

Shirkad joojisey shidaal ay ka baareysay Jubbada Hoose

Recommended Posts

cadnaan1   

http://kismaayonews.com/2013/07/17/shirkad-joojisey-shidaal-ay-ka-baareysay-jubbada-hoose/

 

http://kismaayood.com/?p=12720

 

 

Shirkad laga leeyahay dalka Kenya oo qandaraas shidaal baaris ah la gashay dowladda Kenya taasi oo lagu magacaabo Statoil ayaa joojisey hawlo shidaal baaris ahaa oo ay ka waday ceel ku yaala badda gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay sheeganayso dowladda Kenya.

Xogtani waxa ay ku jirtey warbixin guddiga Qaramada Midoobey ee kormeerka cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya taasi oo loo gudbiyey golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Warbixinta ayaa lagu sheegey in shirkadda Statoil ay Kenya u sheegtey in aysan dooneynin in uu qarash kaga boxo dhul la’isku heysto lahaanshiyihiisa, islamarkaasina Soomaaliya leedahay, waxayna Kenya ka dalabtay in marka hore ay Soomaaliya ku kala baxaan dhulka uu ceelka ku yaalo.

Ceelka waxaa lagu magacaabaa ama astaantiisa aqoonsiga ay tahay L26, wuxuuna ka midyahay illaa 5 ceel oo dhaca dhul badeedka Soomaaliya oo ay Kenya sheeganayso.

Sargaal ka tirsan dowladda Kenya ayaa gudiga u sheegey in shirkadda Norway ay danaynayso in ay shidaalka soo saarto haddii lagu heshiiyo dhul badeedka.

Norway ayaa waxa ay aad ugu ololeyneysaa in dhul badeedka Soomaaliya lagu soo koobo 12 mile oo kaliya, si inta ka taloowsan cabirkaasi ay shirkadaheeda shidaal oga baaran karaan si dhib yar, waxaa kale oo ay dowladda Federaalka ku riixeysaa in ay Kenya u fasaxdo in ay la wareegto dhul badeedka la’isku hayo.

Arrintani waxa ay marqaati ka tahay danaha dhabta ah ee ay Kenya ka leedahay goboladda Jubbooyinka iyo danta ugu jirta mashruuca Jubbaland, waloow dadka ku kala aragti duwanyihiin, islamarkaasina aanan si rasmi ah loo ogeyn danta rasmiga ah ee dadka deegaanka Jubbooyinka ugu jiri karta haddii ceelashaasi shidaalka ay Kenya la wareegto.

Si kastaba, kani waa moowduuc xasaasi ah oo oo madaxda Jubbaland iyo dad badan oo taageersan aysan ogoleyn in laga hadlo.

Warbixinta Qaramada Midoobey waxa ay dhanka kale walwal xooggan ka muujisey in shirkadaha reer galbeedka ee shidaalka ka baaraya Soomaaliya ay horseedi karaan shaqaaqo cusub iyo dagaalo hor leh oo ka dhaca geeska Afrika, waxaa farta si gaar ah loogu fiiqey dowladaha Norway iyo Sweden iyo waliba Canada oo Soomaaliya ka leh dano shidaal.

Kismaayood.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

lol qof xanaaqsan oo comment usoo qoray websiteka newska soo daabacay,, waxaan u malaynayaan qofkan waa reer SOL.

 

 

2 Responses for “Shirkad Joojisey shidaal ka baaraysay Jubbada Hoose”

goobwayn says:

July 17, 2013 at 9:26 am

kadib salaan waxaan lahadlayaa kismaayo news markaad ufiirsato qoraalkiina waxaad moodaa inay qoreen dadkii xamar kasoo weeraraayay jubbaland waliba waxuu u egyahay inaad garab siinayso dadkii cadawga ahaayee jubbaland burburinaayay dacaayada hoodii aadbaana u necbaystay qoraalkaaga waxaan dhihi lahaa soomaalia wax dhexdhexaad layiraahdo kama jiro haba lasiikala daraadee marka adi maxaa kuu diiday inaad sheegto waxii jubbaland u fiican ,warkan kasaar meesha .

Reply

goobwayn says:

July 17, 2013 at 9:31 am

walaal xataa hadduu run yahay waa mid aan loo baahnayn this time anugu waxaan u arkaa haddii gaas laga hello inuu yahay subag xeedho ku daaatay sina kuma xuma haduu soomaalia yeelato waa kaygii haddii kenya yeelaana waa kaygii marka adugu maba tihid dadkii dacaayada fidin lahaa iga raali ahaw waaaniga fikirkaygee haddaad dhibsato

Reply

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this