Sign in to follow this  
wyre

Ramadan Jokes Nights

Recommended Posts

wyre   

Hada ka hor nin reer miyi ah oo waligiis arkin meel dad lagu duugaayo ayaa yimid magaalo kadib waxaa dhintay nin qaraabada ah waxaa dhacday inuu meydki wax ka raaco kadib intaan qabriga la galin ayaa sheekh muxadaro qabtay waxuu dhahay sheekhi meeshaas ayaa na sugeysa ee aan alle ka baqno ninki reer miyiga ahaa intuu soo booday ayuu yiri mahaana

haa ayaa la yiri

hadana wuxuu yiri hulkaanaa

haa ayaa la yiri

Kuye : an uma soo socdo huuraanba kula jiri karin

 

:D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Hadda ka hor ayaa oday la oran jiray TOOXOOW wuxuu tagay meel muxaadaro diinta ah lagu hayo. muxaadaradu waxay ku saabsanayd maalinta YOOMAL_QIYAAMO iyo sida Gaalada loo cadaabayo maalintaas.

 

Tooxoow markii uu muxaadaradii soo dhamaystay oo uu gurigiisa u soo socdo ayaa waxaa jidka kaga hor yimid nin saaxiibkiis ah oo la yiraahdo Dhabareey waxaaana dhex martay sheekadan:

 

Dhabareey: Ar Tooxoow ahaa….. xaa la sheegay beriga.

Tooxoow: nabadi ma jirto beriga

Dhabareey: Saay wax u juraan?

Tooxoow: meel inta ah oo la isku wacdaayo aan tagay Yoomul-qiyaamo aa beriga oo dhan laga warramaayay

Dhabareey: Haye.

Tooxoow: Haye xay tahay?…. Naarta waxa laga sheegaayo manaad maqli laheyd haba tegin aa ku qabaheeso.

Dhabareey: Ya qiyaamaha ma isbaaradii afgooye taal aad u qabtaa oo loo gambaaye :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Maah Maah reer xamar

 

Roor roorki ribaxi mudeysi hadaas ragaat ku dhaway ka reeso :D bal macneeya

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Naf daallina bay rabaan

Inaan dulmigeedu qaban

Dawgii noloshay rabaan

Inay shar ku daydayaan

Xumaan qof ku daalayaa

Wanaag damaciis hayaa

dammiinka halkii ahayd

 

Siday uga soo durkeen

Miyay dib u soo noqdeen

Siday u duleed-baxeen

Ayay u dabayshadeen

 

Waxay dumiyeen Runtii

Waxay u dumeen Runtii

Markay dumiyeen Runtii

Nin daacad hoggeeda qoday

Miyuu ka danbaynayaa.

 

Intuu bahalaa dugsado

Intuu Dubur hawd ka xulo

Ayuu qofku doonayaa

Dugaaggu inaanu cunin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Waa mid lasoo xaday :D

 

Berri dhexdaa ah ayaa waxaa magaalada Hargeisa ka dhacday sheeko gaaban oo qosol leh kana tarjumaysa xaqiiqda jirta; sheekadu waxay ku saabsan tahay Seminaradan dadkii lagu jahowareeriyay ee aan waxba ka soo bixin:

 

Goobtu waa Maansoor Hotel, Seminarku waa saddex cisho, waxaa laga hadalayaa Juvenile Justice, waxaa la casuumay odayaal badan oo madax dhaqameed iyo odayaal kaleba isugu jira, seminarka waxaa daadihinaysa gabadh si fiican loogu tababaray child rights iyo waliba sida loo abaabulo seminarada, seminarku waa full time oo waa min 8:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo, maalintii kowaad goor ay casar dhaaftay ayay gadbdhii seminarka waday suaal waydiisay odayaashii mid ka mid ah oo waxay ku tidhi adeer maxaad seminarkii maanta ka fahantay, intuu kor u eegay ayuu ugu jawaabay adeer in aan wax ka fahmo umabaan iman meesha ee miyaan la gaadhin afartii oo isfahamkii yaraa la bixneyn calashaan (20 USD per day per person)

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Nin reer Xamar ah ayaa qolo waraysatay waxay weydiiyaanba wuxuu ugu jawaabaa waa aqaanaa, markii dambe ayuu mid la soo booday oo yidhi tafsiirka ma taqaan, haa si fiican ayuu ugu jawaabay, kadibna ninkii ayaa ku yidhi faataxada macnee, isna wuxuu ku bilaabay bisinkii waxaanu yidhi sidan:

 

Bismilaahi: Magac eebe waaye

Alraxmaani: isaga lee waaye

Alraxiimi: laftirkiisa waaye

 

Inta ay dhamaantood qosol la daateen ay ku yidhaahdeen wax kasta waad taqaan ee hore u soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wyre;967274 wrote:
hadda ka hor ayaa oday la oran jiray tooxoow wuxuu tagay meel muxaadaro diinta ah lagu hayo. Muxaadaradu waxay ku saabsanayd maalinta yoomal_qiyaamo iyo sida gaalada loo cadaabayo maalintaas.

 

Tooxoow markii uu muxaadaradii soo dhamaystay oo uu gurigiisa u soo socdo ayaa waxaa jidka kaga hor yimid nin saaxiibkiis ah oo la yiraahdo dhabareey waxaaana dhex martay sheekadan:

 

Dhabareey: Ar tooxoow ahaa….. Xaa la sheegay beriga.

Tooxoow: Nabadi ma jirto beriga

dhabareey: Saay wax u juraan?

Tooxoow: Meel inta ah oo la isku wacdaayo aan tagay yoomul-qiyaamo aa beriga oo dhan laga warramaayay

dhabareey: Haye.

Tooxoow: Haye xay tahay?…. Naarta waxa laga sheegaayo manaad maqli laheyd haba tegin aa ku qabaheeso.

Dhabareey: Ya qiyaamaha ma isbaaradii afgooye taal aad u qabtaa oo loo gambaaye
:D

 

Lmaaaooooo

 

:D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Nin Sarkhaan Ahaa Ayaa Malin Maqlay Wiil uu Dhalay oo Suliga Ka heesaya - Dalacal Badru Calynaa - Ayuu qaadayay Ilaa uu Ka so Baxayay Suuliga , Odaygi Marku arkay Inuu Wiilki Suliga Ka soo Baxay Ayaa intu Dhirbaaxo Qaday Dhag Iyo Dhaban Furay ...... Islantii Reerka oo Meesha Ka dhawayd Ayaa Ku tidhi Ninkii war Wiilka maxad ku Dhirbaaxday Markaasu Si Dag-dag ah ugu Celiyay Quraan Ayuu Suliga dhexdiisa Ku akhrinayay .... Inanki oo Halkan Foorar Garan La,na wax Abihii ku dhirbaaxaya ayaa Marku Maqlay Hadalkii abihii Yidhi Intu Soo Kacay Aabo Quraan Maan Akhriyayn Nashiido ayay Ahayd . Odaygii intu Dhulkii Isku Tuuray waaka oohin Qabsaday -xaaskiisa oo Garan la' waxa ku Dhacay Ayaa Hadana ku celisay war Maxaad La ooyaysaa Wuxuu Ugu Jawaabay :- Waxan la ooyaya Sodon Sanno Ayaan Ku Tukanayay oo aan Quraan U haystay :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Alpha Blondy;967320 wrote:
Ramadan is no laughing matter. PLEASE delete this thread immediately. i'm SHOCKED. SubhanAllah.

Adigu sawirkaa kore ii sheeg waa halkee??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

wyre;967322 wrote:
Nin Sarkhaan Ahaa Ayaa Malin Maqlay Wiil uu Dhalay oo Suliga Ka heesaya - Dalacal Badru Calynaa - Ayuu qaadayay Ilaa uu Ka so Baxayay Suuliga , Odaygi Marku arkay Inuu Wiilki Suliga Ka soo Baxay Ayaa intu Dhirbaaxo Qaday Dhag Iyo Dhaban Furay ...... Islantii Reerka oo Meesha Ka dhawayd Ayaa Ku tidhi Ninkii war Wiilka maxad ku Dhirbaaxday Markaasu Si Dag-dag ah ugu Celiyay Quraan Ayuu Suliga dhexdiisa Ku akhrinayay .... Inanki oo Halkan Foorar Garan La,na wax Abihii ku dhirbaaxaya ayaa Marku Maqlay Hadalkii abihii Yidhi Intu Soo Kacay Aabo Quraan Maan Akhriyayn Nashiido ayay Ahayd . Odaygii intu Dhulkii Isku Tuuray waaka oohin Qabsaday -xaaskiisa oo Garan la' waxa ku Dhacay Ayaa Hadana ku celisay war Maxaad La ooyaysaa Wuxuu Ugu Jawaabay :- Waxan la ooyaya Sodon Sanno Ayaan Ku Tukanayay oo aan Quraan U haystay
:D

lol niyow is it Ramadan tomorrow?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this