Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

What happened?

Recommended Posts

Siyaasiga Cabdi Nuur Darmaan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan oo ay la shaqeeyaan dowlada uu madaxda ka yahay Prof, Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Cabdi Nuur Darmaan ayaa intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay in si daacadnimo ah ay u garab istaagaan maamulka xilligan dalka ka jira oo wajahaya caqabado siyaasadeed oo badan.

 

Darmaan oo hadalkiisa siiwata ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay wada hadal la furto kooxaha diidan jiritaankeeda oo ay ugu horeyso Xarakada Al- Shabaab si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee dalka.

 

“Waxaan ugu baaqaya dadka Soomaaliyeed in ay gaaraan heshiis si looga gudbo dagaalada qabiileed iyo muranada siyaasadeed ee sanado badan waqtiga nagalumiyay” Cabdi Nuur ayaa u jeediyay Shacabka

 

Cabdi Nuur Darmaan oo ah gudoomiyaha xisbiga lamagac baxay Jamhuuriga horana u sheegatay madaxweynimo xillgiii Dr Cabdi Qaasim uu madaxweynaha ka ahaa dalka ayaa xusay in Soomaaliya ay dhibaatooyin badan kala kulmeyso qaar ka mid ah wadamada caalamka, kuwaas oo dano siyaasadeed kaleh sida uu hadalka u dhigay.

 

Darman oo ka hadalay arrinta Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa ku booriyay madaxweyne Xasan Shiikh in si shaqsi uu u dhameeyo arrinta wadaadka, maadaa uu sheegay in madaxweynaha iyo Xasan Daahir ay waqti badan aqoon ka dhaxeysay.

 

Waxaa uu intaas ku daray in muranka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira uu salka kuhayo arrimaha Federaalka taasna lagu xallin karo in maamulada iyo qabiilada Soomaaliyeed ay aqoonsadaan oo ay fursad siiyaan dowlada Federaalka.

 

Waxaa xusid mudan in Darmaan uu hoosta ka xariiqay in xisbigiisa Jamhuuriga ay shaqooyin kala duwan oo caawinta masaakiinta u badan ay xilligan ka wadaan Soomaaliya ayna ugu baaqayaan caalamka in shacabka Soomaaliyeed la taakuleeyo qaab ay ugu gudbaan dhibaatooyinka nololeed ee gudaha dalka ku heysta

 

“Dagaal waxaa ka fiican nabad, fursad dowladnimo ayaan heysanaa ee yaan la dayicin waa iga talo,waxaa inoo bilaabaneysa bisha barakeysan ee Ramadaan waxaan dhamaan umadda leeyahay aan iscafino oo qarankeena garab istaagno” Darmaan ayaa mar kale yiri

 

Baaqa taageerada ee Cabdi Nuur Darmaan ayaa kusoo aadaya xilli qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira oo qaarkood ismagacaabay ay bilaabeen in ay mucaaradaan dowlada dhexe, taasna ay tahay mid dhibaato ku ah qaranimada iyo jiritaanka dalka.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khadafi   

lool cambuulo, that guy even fooled the azerbajani government in 2002 and got and invitation from them. He received a presidential welcome and of course some cash. Yaabka Yaabkis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khadafi;967648 wrote:
lool cambuulo, that guy even fooled the
azerbajani
government in 2002 and got and invitation from them. He received a presidential welcome and of course some cash. Yaabka Yaabkis.

its azeri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Alpha Blondy;967853 wrote:
^ although, i had to check wikipedia because i'm lacking self-confidence these days
:P
. Azerbaijani is also correct.
so ku duus to you too, inaar.
:D

Alpha, af Somaligagi wuxu gaaray heer aad ku sarbeebtid. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this