Sign in to follow this  
malistar2012

Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia oo Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasa

Recommended Posts

Arbaco, July 03, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia dajire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kaasoo ay kaga hadleen dagaalladii ka dhacay Kismaayo.

 

Intii uu kulanku socday ayaa waxay mas’uuliyiintan si aad ah uga hadleen dhibaatadii ka dhalatay Kismaayo iyo walaaca laga qabo xasillooni-darrada ka taagan magaalada xeebta ku taalla.

 

 

 

Anaadiif_Madaxda_DFS_1.jpg

 

 

 

 

 

 

 

Wakiilka iyo madaxweynaha Soomaaliy ayaa si gaar ah uga hadlay sidii ay wadajir uga shaqeyn lahaayeen sidii ay u yareyn lahaayeen xaalado dhinaca bani’aadamnimo oo ka dhaca magaalada Kismaayo, iyagoo kaashanaya xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

 

Kulanka kaddib ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray dajire Anaadiif wuxuu ku sheegay inay isku raaceen madaxda dowladda in AMISOM ay sii wado caawinta shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in waajibkooda uu yahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen nabad iyo xasillooni.

 

“AMISOM waxay sii wadaysaa daweynta dhaawacyada dhamaan dhinacyada ku dagaalamay Kismaayo,” ayuu yiri ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in howlahooda ay yihiin caawinta dadka Soomaaliyeed oo dhan.

 

Ugu dambeyn ergaygu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan guud ahaan afarta qaybood ee Soomaaliya inay yihiin kuwo waajibaadkoodu yahay xaqiijinta ammaanka oo aysan jirin cid ay gaar ah ula safteen, isagoo xusay inay kaashanayaan mar walba ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

 

Anaadiif_Madaxda_DFS_3.jpg

 

 

Anaadiif_Madaxda_DFS_4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Gudi loo Saaray Eedeeymaha loo soo Jeedinayo Ciidamada Kenya ee ka howlgala Kismaayo

 

 

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga africa AMISOM Col Cali Aadan Xaamud oo wareysi gaar ah siiyey radiyo muqdisho ayaa waxa uu ugu horeyn wax uu bulshada soomaaliyeed ugu hanbalyeeyey 1 luuliyo oo ku beegneyd markii ay gobollada koonfurta ee soomaaliya xornimada ka qaadateen gumeystiihi talyaniga iyo midowgii gobollada goonfureed iyo kuwa waqooyi.

 

Sidoo kale afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Col Cali Aadan Xaamud ayaa waxa uu faah fahin ka bixiyey arrimaha la xiriira in ciidamo ka tirsan nabad ilaalinta AMISOM gaar ahana ciidamada dowlada kenya ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay magaalada kismayo ee xarunta gobolka jubbada hoose waxana uuna sheegey afhayeenku in loo saaray gudi baaritaano la xiriira arrimahaasina ay socdaan.

 

Hadalkan afhayeeka Ciidamada AMISOM ayaa imanaya xili Maalmihii ugu danbeyey ey bulshada soomaaliyeed caro iyo qeylo dhaanba ka muujiyeen ciidamo ka tirsan dowlada kenya oo la sheegay inay duqeymo dad shacab ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen kuwo kalana ku barakaceen ka geeysteen magaalada kismayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

Allow me to narrate:

 

Picture one: "is this guy for real"

 

Picture two: "thank God that's over, this guy is funny"

 

Picture three: "why the hell am I in this mans living room"

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

Naxar Nugaaleed;966549 wrote:
on the heels of the unheard off level of corruption and sound defeat of the tools now sent to xamar, you people are still on about Kismaayo. Talow meesha maxa ka yaal

Adiga Maxa ka Yal Saxib you are from las canod why the hell you interested in kismayo. I am against SOMALILAND because wa qabil I support jubaland because wa qabil that's the truth somaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this