Sign in to follow this  
Jiir-Jiroole

70% of Somaliland youth prefer to tempt death than to continue living in the triangle state!

Recommended Posts

Tahriibinta dadka oo aafo ku ah gobolka Somaliland

 

Xaliimo Ismaaciil, oo daggan Haygaysa ayaa ka warwarsan masiirka wiilkeeda 27-jirka ah Cusmaan iyo gabadheeda Hooda ee 24-jirka ah, oo sida dhallinyaro kale oo badan oo gobolka jooga, ay tahriibiyayaal la qorsheeyeen in ay ka saaraan Somaliland.

 

Tahriibayaal Bariga Afrika kasoo jeeda oo jooga Malta kadib markii lagasoo badbaadiyay doontooda kharibneyd, taasoo maalmo sabbeeynaysay bishii November 2012-kii. Militariga Malta ayaa soo badbaadiyay booliskana u dhiibay 250 tahriibayaan aan diiwaan gashneen, oo ay ku jiraan haween iyo caruur. [Matthew Mirabelli/AFP]

 

Tahriibayaal Bariga Afrika kasoo jeeda oo jooga Malta kadib markii lagasoo badbaadiyay doontooda kharibneyd, taasoo maalmo sabbeeynaysay bishii November 2012-kii. Militariga Malta ayaa soo badbaadiyay booliskana u dhiibay 250 tahriibayaan aan diiwaan gashneen, oo ay ku jiraan haween iyo caruur. [Matthew Mirabelli/AFP]

 

 

 

"Warwar daraaddii ma seexan karo. Waxaan ka baqayaa in ay lama-dagaanka ku geeriyoodaan, la dilo ama ay doontoodu ku lunto badda," ayay u sheegtay Sabahi.

 

Cusmaan waxa uu baxay April, waxa uuna gaaray Liibiya laba todobaad kahor, balse Xaliimo wax war ah kama hayso Hooda oo bishaan baxday. "Midkoodna ma haysan wax lacag ah markii ay baxayeen, balse waxaa caawiyay kuwa dadka tahriibiya," ayay tiri.

 

Tan iyo markii uu baxay Cusmaan, waxa uu hooyadii lasoo xiriiray laba jeer si uu u waydiisto in ay lacag ugu soo dirto tahriibiyayaasha jooga Khartuum iyo Dubai, sidaa daraadeed Xaliimo waxa ay sheegtay in ay diray laba lacagood oo qaddartoodu tahay $2,300 iyo 1,350.

 

Cusmaan waxa uu hadda hooyadii ka sugayaa $1,400 si u ugu bixiyo safarkiia badda ee Yurub. Hooda ayaa u baahnaan doonta, waase haddii ay u suura-gasho in ay saxaraha uga gudubto xeebta Libya, ayay tiri Xaliimo. Tahriibiyayaasha ayaa muhaajiriinta lahayste ahaan ugu haysta saxaraha Liibiya ilaa ay kawada bixiyaan lacagta dhan, ayay tiri.

 

Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, tiro dad ah oo ay da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 25 sano ayaa si aan ammaan eheeyn uga tagay Somaliland iyagoo gacan ka helaya shabakado tahriibiyayaal ah oo shaarci darro ah, ayuu yiri Guddoomiyaha Dhalinyaraa Qaranka Somaliland (SONYO) Mubaarak Ismaaciil Taani.

 

"Waqti xaadirkan, tahriibta dhalinyarada xadka ayay ka baxday -- waxa ay Somaliland ku noqotay musiibo qaran," ayuu u sheegay Sabahi.

 

Taani ayaa sheegay in dhallinyaarada ay ka cararayeen shaqo la'aanta baahsan ee gobolka ka jirta. Dhammaadkii 2011-kii, ayay SONYO sii saartay daraasad muujinaysa in dhallinyaradu ay 70% ka yihiin shacabka Somaliland, base afar meelood seddex ay shaqo la'aan yihiin.

 

SONYO ayaa ku qiyaasaysa in kudhowaad 50 dhalinyarada Somaaliland dalka laga tahriibiyo bil walba, inkastoo habka qarsoodiga ah ee howlahan loo qabto ay adkaynayso in la helo tirada dhabta ah.

 

"Inkastoo khatarta tahriibka ay mar horeba jirtay, haddana koox qorshaysan ayaa la sameeyay sannadkan taasoo dhalinyarada ka tahriibisa Hargaysa iyo magaalooyinka kale ee waaweyn," ayuu yiri Taani. "Waxa ay xafiisyo ku leeyihiin Hargaysa, waana shabakad cusub oo xiriirisa ilaa Liibiya."

 

Mararka qaar, marka qoysaska tahriibayaasha aysan bixin karin lacag ku filan oo ay siiyaan tahriibiyayaasha, muhaajiriinta waa in ay taa baddalkeeda bixiyaan xubnaha jirkooda, ayuu yiri Taani.

 

Si dhibaatada loo xalliyo, maamul-goboleedka iyo shacabka wa in ay si wada jir ah u daweeyaan sinaan la'aanta ka jirta shaqooyinka iyo shaqo qorista ku dhisan qabyaaladda, taa oo niyadda ka dishay dhalinyarada, sida uu sheegayo Professor Sharmaarke Cabdi Ibraahim oo ka tirsan Jaamacadda Hargaysa.

 

"Shaqo abuuris, barnaamijyo taageero ah, barnaamijyo madadaalo ah oo dhalinyaraada loo sameeyo iyo wacyigalin ku aaddan xajmiga dhibaatada [tahriibta] waa in mudnaanta lasiiyaa," ayuu u sheegay Sabahi.

Tallaabo xukuumadeed

 

Iyadoo kaashaanaysa bilayska, ayay Waaxda Socdaalkaa Somaliland ka shaqaynaysaa in ay xirto tahriibiyayaasha xudduudaha ka haajirinaya dhaalinyarada, ayuu yiri Taliye Ku-xigeenka Waaxda Maxamed Saleebaan.

 

Waxa uu sheegay in maamulka Somaliland uu raadinayay in uu kaashado hay'adaha fulinta sharciga gobolka si ay u joojiyaan tahriibayaasha, waxa ayna dhowaan xukuumadda Itoobiya u dirtay liis magacyo ah oo lala xiriiriyay shabakadda oo ka howlgasha Addis Ababa.

 

Maamulka mar hore ayuuba tallaabo ka qaaday kuwa ku lugta leh tahriibinta dadka.

 

April 21-keedii, maxkamad Somaliland ah ayaa sagaal nin oo lala xiriiriyay tahriibinta dadka ku ridday xukunno xabsi oo u dhaxeeyay seddex ilaa lix bilood. Waxaa maalintii kahoreysay lagu soo qabtay Wajaale, oo u dhow xudduudda Somaliland la leedahay Itoobiya.

 

June 16-keedii, maxkamad ku taala Gabilay ayaa bilowday dhagaysiga dacwadda sagaal qof oo kale oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen shabakad tahriibiyayaal ah oo ka jirta Somaliland, Itoobiya, Sudan, Liibiya iyo Yemen, ayuu yiri Salebaan.

 

June 23-keedii, ayuu Madaxweynaha gobolka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ku dhawaaqay samaynta guddi todobo ka kooban oo ka shaqaynaya shaqo abuuris iyo ka hortagista tahriibka.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamuud Axmed Barre ayaa hoggaamin doona guddiga cusub, halka lixda xubin ee kale ay kala ahaan doonaan Wasiirka Dhallinyarada, Cayaaraha iyo Dalxiiska Cali Saciid Raygal, Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Arimaha Diinta Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Qorshaynta Sacad Xaaji Cali Shire, iyo Wasiirka Caddaalada Xuseen Axmed Caydiid.

 

Siilaanyo ayaa sheegay in uu guddiga u magacaabay si ay u joojiyaan "musiibada" tahriibka sharci-darrada ah, ayna "u badbaadiyaan dhalinyarada".

 

"Tirada dhainyarada ee qorshaynaysa in ay tahriibaan ayaa sii kordhaysa, waxa ayna saamaysay shacabka Somaliland, iyaadoo khatarta tahriibta ay taahay dhibaato horseedaysa in ay dad ku dhintaan," ayuu war-saxaafadeed ku sheegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The reality on the ground...the sharks of the red sea are getting a hankering for your cousins meat, watch out they might evolve to walk on land and just drag the delicacy away to the sea :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

I see yet another troll has joined this forum just to post baseless articles and negative propaganda against an advancing nation;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Mogadishu youth are dying for Al shabab and in the Indian ocean trying to escape, what is this kid chatting about. Get your kids out of Al shabab, Somaliland youth have a good peaceful life alhamdullilah ;) and they are getting jobs left and right.

 

Indaha ku qabowso oo ka nax. :D

 

Madaxwayne Siilaanyo Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Xafiis La Magacbaxay Shaqadoon+Sawiro.

 

Hargeysa(Ramaasnews) July 01, 2013-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa saaka Xadhiga ka jaray Xafiiska lamagac baxay xafiiska Shaqodoonka Dhalinyarada, oo ay samaysay iska kaashadeen wasaarada Qorshaynta iyo wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada somaliland.

 

 

- See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Madaxwayne-Silanyo-Oo-Maanta-Xadhiga-Ka-Jaray-Xafiis-Oo-La-Magacbaxay-Shaqadoon-Sawiro.html#sthash.OfL70CVw.dpuf

 

zT2ib1h.jpg

 

wSyKKFc.jpg

 

dYAgjmM.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

loool a small aluminium clad office that the aged open will never deny the facts on the ground

 

Somaliland is the most economically stagnant real estate in the whole horn of africa, it would have been better for you guys to be peasants in wollo for atleast your kids would have had something to do then than provide photo ops for the aged :)

 

Tahriibayaal-Malaaaaaaw.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

I think this Jiir-Jiroole guy is Che Guevara's a new script. I am aware that since yesterday our Che was absolutely furious with ALL the SOL Landers because of the continues provocations by you Saalax. So it is understandable he created a Script to get back at the Landers;) Waayaa Che is deji inaar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tahriibayaal Reer Somaliland oo ku dhintay Shil-gaadhi oo ka dhacay Saxaaraha u dhexeya Sudan iyo Liibiya.

 

Hargeysa(HWD)- Tahriibayaal Reer Somaliland ah ayaa gaadhigii ay wateen uu kula qalimay Xududa u dhexeysa Sudan iyo Liibya Gaar ahaan Saxaaraha Weyn ee Sudan, Baaburkan ayaa la sheegay in ay sarnayeen Tirro gaadhaysa ilaaa 25Qof, kuwaasi oo u badnaa Reer Somaliland kana kala tagay Magaalooyinka Hargeysa, Boorma iyo Burco waxaana la sheegay in ugu yaran 2Qof ay ku dhinteen Halka 4Kalena ay dhawac culusi soo gadhay, kuwaasi oo la sheegay in dhabarka ay ka jabeen, halkan inta kalen la sheegayo in dhawac Fudud uu soo gadhay.

Ma aha Tahriibayaashii ugu horeyey ee Shil gaadhi wax ku noqda, basle wax la sheegay Tahriibayaal badan oo uu khasaro ka soo gadho mudada 7Cisho ah ee ay ku jiran saxaaraha weyn ee u dhexeya Sudan ilaa Liibaya, iyada oo ilaa Imika Raq iyo ruuxtoona aan lahanin Dhalinyaro badan oo reer hargeysa oo sidda ay qoysas koodu noo sheegan lagu layahay Saxarahaasi.

Dhanka kale Tahriibayaal badan oo Somaliland u dhashay ayaa ku xidhan Jeelasha Dalalka liibiya, Sudan Itoobiya, Kuwaasi oo la sheegay in badhkood muddo sanado ah ay ku jiran Xabsiyada dalalkaasi, kuwaasi oo isku jira Ragga iyo Haweenba, Waxana la sheegay in Duruufo Caafimad darro ahi ay la soo Gudboonato, halka qarkoodan ay nolol Xumo ugu dhintan halkaasi, Wax kale oo iyaguna Jira Tahriibayal badan oo ay qabsadaan Dad calooshoda u shaqays tayaal ah oo ay soomalidu ugu magacdareen (Magafayaal) kuwaasi oo Tahriibayaasha inta sidda Xoolaha Xeero ku ururiyaan ayaa waxay ka qaadan Lacag Madax furasho ah oo gadhaysa ilaa Labba Kun oo Dollar.

Sanadkan 2013 ayaa Noqday Sanadkii ugu tahriibka Badan ee Somaliland soo Mara iyada oo Dhalinyaro Kumanaan gadhayaan ay Iskaga kala gooshen Wadamada Itoobiya, Sudan, Libiya iyo Dalka Talyaaniga oo hamigooda ugu weyni yahay, Dadka Qaar ayaa sheegay in aanu Waxaani tahriib ahayn ee uu u eeg yahay Qax laga qaxayo dalka Arrintana loo adkaysan karaynin.

 

Tahriib-3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mafia;966453 wrote:
Hargeysa has 10x better living standard than Mogadishu. Post about that.

So Hargeisa is a slightly better shithole?

Share this post


Link to post
Share on other sites
ElPunto   

^You're just asking for it aren't you?

 

Unleash the hounds....................................................................

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this