Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galkayo - Heavy Clashes Grips The City As Puntland Govt And Anti Democratic Rebels Collide

Recommended Posts

Dr_Osman   

Dag dag : Dagaal xoogan oo ka socda Magaalada Gaalkacyo

| on July 3, 2013

 

7 Comments

 

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Birmadka Puntland iyo kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda banaanbaxyada ay ururada siyaasada puntland ay ka wadaan gobolka ayaa haatan ka socda bartamaha magalada Gaakacyo.

 

Dagaalkan oo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa culus iyo kan fududba ayaa qarxay ka dib markii barxada goboalka loo laga cayrshay masuuliyiinta ururka horseed oo hogaaminayo duqa Gaalkacyo in ay xaflad ku qabsadaan waxaana halkaas soo gaaray ciidamo ka tirsan Birmadka gobolka Mudug .

 

Xaalada Dagaalka ayaa haatan ah mid aad u kharaar iyadoo rasaas culus ay ka dhacayso bartamaha Magaalada waxaana aan haatan la ogayn inta uu le’egyahay qasaaraha dagaalkaas oo ka socda bartamaha magaalada oo ay dad badan oo shacab ah joogen .

 

Ciimada Mucaaradka ayaa haatan gacanta ku haya xarunta dawlada Hoose ee gaalkacyo iyo aagaas iyadoo ciidamada dawladana ay haatan ku suganyhaiin bartamaha laamiga waxaana si xawli ah u socota rasaasta noocyadeeda kala duwan.

 

Wariye ku sugan goobta dagaalka uu ka socdo ayaa horseed Media u xaqiijiyay in gaari ka mid ah kuwa dawlada uu galay gacanta kooxaha mucaaridka ah iyadoo ay jiraan qasaaro nafeed oo iskugu jirta dhimashiyo dhaawac .

 

Wixii War ah ee ka soo kordha dagaalkaas goor dhow ayaad idiin soo gudbin doonaa

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Illahi dagaalku ha kala gaboojiyo, waxan oo kale looma bahna. Galkacyo dagaal kale yaan loo horseedin horseedow. I have an inkling feeling that gaagaab has his dirty hands in this somewhere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin Xaalada Gaalkacyo oo aad u degan ka dib Rabshadihii saaka ka dhacay, iyo sida wax u dheceen

 

Waxaa maalmahaan socdey Banaanbaxyo ay sameynayaan Xisbiyada Puntland iyadoo Xisbi walba maalin loo qoondeeyey iney Taageerayaashoodu isusoo bixi karaan, shalay waxaa Gaalkacyo lahaa Xisbiga UDAD waxayna Taageerayaashoodu isugusoo baxeen Wadooyinka iyadoon wax rabshado ah ka dhicin, Maanta waxaa lahaa Xisbiga Horseed e hada talada haya.

 

Dadweyne farbadan oo taageerayaal u ah Horseed ayaa bilaabey iney Wadooyinka isugusoo baxaan iyagoo muujinaya Taageeradooda iyo xisbigoodi, wax yar ka dib waxaa isasoo dhoobey Goobtii ay Horseed isugusoo baxeen Dhalinyaro Hubeysan oo kasoo horjeeda Hanaanka ay Xukuumadu wado ee Dimoqoraadiyenta, waxana isla markiiba goobta soo gaarey Ciidanka Amaanka, Rasaas aan la aqoon cida bilowdey ayaa meeshii ka dhacdey, waxayna socotay Qadar yar, Waxaa isla goobta ku dhintey Afar qof oo laba Ciidanka tahay.

 

Isbitaalka Gaalkacyo waxay sheegeen in ugu yaraan 8 dhawac ah lasoo gaarsiiyey, Xaalada guud ee Magaalada ayaa aad u degan Hada, Rabshadihii saaka dhacayna way istaageen.

 

Sargaal ka tirsan Ciidanka oo Puntlandi la hadley wuxuu sheegey iney baarayaan cida ka dambeysay Falkaan, Wuxuu kaloo sheegey in Xaalada amaan ee Magaaldu uu hada caadigiisii kusoo laabtey.

 

Dhinaca kale waxaa jira saxaafado buunbuuninaya rabshadaha Gaalkacyo ka dhacay kuwasoo qaarkood Warka u dhigayaan in Magaalada dagaal culus uu ka dhacay, Wariyaha Puntlandi oo ka agdhowaa goobta falku ka dhacay wuxuu xaqiijiyey in Rasaasta la isdhaafsadey ay ahaayeen qoryaha yaryar markiina ay Ciidanka waxay ku guuleysteen iney kala eryaan Isusoo baxayaashii.

 

Gaalkacyo waxay kamid tahay goobaha ay aadka ugu xoog badan yihiin Mucaaradka kasoo horjeeda Hanaanka Dimoqoraadiyada ee Dowladu wado, Waxaa Magaalada Saldhig u tahay kooxo isugu jira siyaasiyiin hore, kuwo cusub iyo Nabadoono si xoogan u diidan hanaankaan, kuwasoo doonaya in Doorashada Madaxweynuhu ay u dhacdo sidii hore ee dhaqanka u ahayd Puntland, tasoo ah in Xildhibaanadu soo doortaan Madaxweynaha.

 

Ilaa hada ma jiro Cid sheegatay alkii maanta iney ka dambeeyeen.

wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

waxaan u naxsanahay dhaawicii masaakiinta ahaa ee laga soo qaaday kismaayo oo hadana colaad ku qabsatay meeshii daawada loo keenay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

xiinfaniin;966418 wrote:
^^Ma naxsanid

 

 

Meeshana dhib weyn kama dhacin by Galkacyo standards

runtii waan u naxsanahay hadii meesha lagu kala cararo xageey aadayaan waana dhaawaca liita oo sariir saaran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this