Sign in to follow this  
Saalax

Breaking news:Cabaas heads from Gedo to attack Kismaayo

Recommended Posts

Saalax   

WAR DEDEG AH : Col, Cabaas Gureey iyo ciidan uu kasoo watay Gedo oo ku soo wajahan Kismaayo.

 

 

Col, Cabaas Ibrahim Gureey ayaa wareysi uu bixiyey xilli uu ku sii jeedo magaalada Kismaayo waxaa uu sheegay inay isaga iyo ciidanka uu wato dagaal ku yihiin magaaladaasi oo maalmo ka hor ciidan taageersan isaga laga soo saaray. Halka isagana lagu xiray xero ciidan oo Dhoobleey ku taal.

Col, Cabaas ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga warqabo xaalka Kismaayo oo uu wax badan ka qaban gaaro haddii ay ciidankaasi halkaasi gaaraan. Waxaana uu sidoo kale sheegay in ciidanka Kenya dalka ka saari doonaan.

“Ciidanka Kenya iyo ururka la socdaba dalka kama sii shaqeyn doonaan waxaana ku sii jeednaa sidii aan dalka uga saari laheydn. Dagaal toos ah ayaan la geli doonaa marka aan gaaro magaalada Kismaayo” ayuu yiri Col, Cabaas Ibrahim Gureey.

Sarkaalkan ayaa waxaa uu sheegay in fowdada Kismaayo ka jirto ay ugu weyn yihiin Janaraal uu sheegay inuu Kenyan yahay kaasi oo ka danbeeyey xitaa xariga Col, Cabaas dhawaan loo geystay. Isagoona xitaa magaca sarkaalka Kenya ka ah ee uu hadda u socdo dagaalkiisa sheegi waayey magaciisa kuna tilmaamay mid ku adeg sheegidtiisa.

” Magac adeg ayuu leeyahay waase Generaal Kenyan ah oo ogaa maalintii la isoo xirayey. Fowdada isagaa qeyb ka ah waxaana rajeynayaa inaan dagaal dalka uga wada saarno Kenya iyo wixii la socdaba” .

Dhinaca kale waxa uu sheegay inaysan isla socon Col, Barre Hiiraale oo isagana magaalada laga soo saaray isagoona sheegay inuu xitaa aqoon meel uu Barre Hiiraale ku sugan yahay. Laakin waxa uu sheegay inay ka siman yihiin in magaalada labadooda ciidanba xoog looga soo saaray.

” Barre Hiiraale ma aqaan meel uu joogo. Waana mid aan dadka ula simanahay meesha uu joogo . Waxaanse sheegayaa inan isla socon oo hadda uusan ila joogin. Lamana aan hadlin Barre . Waana maqlayey inuu meelaha duurka ah joogo” ayuu yiri Col, Cabaas Ibrahim Gureey.

 

Col, Cabaas Ibrahim Gureey ayaa ah sarkaal in badan dagaalo kusoo galay deegaanada Jubooyinka iyo Gedo waxaana uu aad u kala yaqaan dhulka hadda lagu muran yahay ee Jubooyinka iyo Gedo. Waxaa ciidankiisa ay joogaan iminka duleedka Kismaayo, halka isagana uu iminka ciidan intii hore ka badan uu kasoo wato gobolka Gedo.

 

Xilligii Maxkamadaha Col, Cabaas waxaa uu ahaa hogaamiyaha kaliya oo aysan maxkamadaha dagaal la gelin kaasi oo isaga iyo ciidankiisaba deegaan ka sameystay magaalada Beerxaani. Iyaddoo mar wadahadal ay la galeen Col, Cabaas kooxdii maxkamadaha oo ay kusoo dhaweeyeen Kismaayo, haddana uu habeen oo madow isaga iyo ciidankiisaba ka baxeen kismaayo. Taasi oo subixii wax la yaab ah ku noqotay maamulkii Maxkamadaha.

 

Lama yaqaan xaalka Kismaayo sida uu ku danbeyn doono maadaama hadda ciidamo badan kusoo wajahan yihiin Kismaayo kuwaasi oo kala imaanaya Gedo iyo Muqdisho, ujeedkoodana uu yahay inay magaalada kala wareegaan maamulka hadda gacanta ku haya Kismaayo ee garabka ka helaya Kenya.

 

 

http://horufadhi.com/2013/07/02/war-dedeg-ah-col-cabaas-gureey-iyo-ciidan-uu-kasoo-watay-gedo-oo-ku-soo-wajahan-kismaayo/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Question is where were all these colonels/generals etc.(=warlords) when Shabab was running around? They were all shook in Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Passdown   

Kismayo is not free for all. It is someone's deegaan and there is a dawlad there today. It will be defended the way Mogadishu is defended.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mafia   

Passdown;966100 wrote:
Kismayo is not free for all. It is someone's deegaan and there is a dawlad there today. It will be defended the way Mogadishu is defended.

Exactly my thinking. Gedo brothers need to rethink their strategy and figure out how they fit into map.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabal, thinks Kismayo is for his community , the rest are either latter day settlers or nomads from Afmadow who should never rule the region :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

If Cabaas joins forces with Barre hiiraale than it will be the SFG versus raskambooni/ Kenya, interesting development. And i am hearing Aw libaax might defect to Barre hiiraale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xaaji, Xiin was right, dagaal unbaad u baryootantaa har iyo habeen, maxaad u jeceshahay iney ummadan wada dhalatey is dagaasho horta, waxaaga fikrad aad dhiibato ka weyn ee waxa ku hayo sheeg adeer, two brotherly communities baad jeceshahay iney is laayaan, taariikh ahaana waligood isma aysan dagaalin in fact they fought together in many battles before, maxaad ka faa'iidi horta isku dirka

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Nuune ama aw jin horta dib u akhri waxan so qoray meel aan idhi dagaaal ha dhaco ama aan ugu sahadiyey halkeed ku aragtay waxan kaliya so qoray haday sidasi dhacdo sida laiskaga so horjeedo sidasay noqonaysa. Meel aan dagaal ugu baqay ma jirin adeer. By the way its hadh iyo habeen not har iyo habeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Xaaji, you don't have to say dagaal haka dhac dhaco, laakin the amount of times you expect in uu dagaal ka dhaco those communnities lama xisaabin karo, aan sugno, aan ka war sugno, ciidan buu wataa, wuu qabsadey, wuu la wareegay, waa la eryey, xaalku ma sahlana, weey kala xog badanyihiin, xeelad dagaal bey yaqaanaan qaarkood, waala is leyn, qofkii raayo reerka ha u haro, waligaa waxaas iyo wax ka daran ayaad qortaa, bal adoo wax fiican qorayo halagu arko for the first time oo waanwaan iyo maslaxo ka sheekee oo wax iskula har for the first time, dabkaad hurineyso adiga unbuu kuugu danbeyn, remember, waxey la mid tahey adoo dagaalka ka qeyb qaato hadaad dagaal u mashxarado had iyo jeer, marka is ilaali kutubta Fiqigana waad dhigatey kutuba xooryahow kadabshiirka ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji habaar is at it again :D

 

Macallinka, I think some of Gedo folks have a hard time distingueshing fadhi-ku-dirir tookh/faan and the history of this region :D

 

Based on current power allocation, I am not sure anyone understands why Barre is getting support for a fight.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta nuune topica korkisa eeg waxa ku qoran cabas oo u diyaar garoobay inu weeraar ku qaado Kismayo isagu col wata , meesha iyado dagaal la isu hub urursanyo baad leedahay xaajiyo waxad ka hadasha waagi anu beeraha wada falan jirnay. Iyo in ay tolku is jecelyihin iyo wax kalo oo aan lo joogin. Marka bal i sheeg waxa qalad eeh aan qoray oo aan ahayn inan sadaaliyey sida la isaga so horjeedo. Ileen meeshu wa dood iyo ka hadal strategy iyo waxyalo kalo badan. Anigu inta badan nbada baan la jecelahay geeska africa oo dhan. Iyo barwaaqo laakin wuxu xaajigu jecelyahay inta badan ma dhacdo sabab anigu xaaji kaliyaan ahay. Malayaanin kale ba jooga. Laakin been ha iga sheegin waligay maan odhan hebel wax bu qabsaday oo meel bu qabsaday. Xitaha kooxa ma kala tageero. Siday wax u jiraan uun baan sheegey. Nuune beryahan aad baad u cadheysantahay war yaan laga garan. Ama mamuulku wu idin hirgali ama idin hirlgali mayo mar kalaad tijaabin doonta, Inkastow aad ka dhako qabowdahay xiin. ileen isagu wa waranle assal ah,, oo shafka qaraaca. Hadal iyo dhamaantis anigu kheyr baan idin wada rajeynaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Xiin, ii daa anaa Xaaji Xeyraan gaaweeto ku dhax ridanayee

 

Xaaji, anigu maamulna ma taageersani walaa dowlad, hadaad nabada jeceshahay ood barwaaqo dooneyso qoraalkaaga ayay ka muuqan laheyd, qof nabad doon ah intuu google farfareeyo wixii negative oo dhan ma soo aruursado, illaa hada waxaan garan la'ahay sababta aad Kosovo uga soo guurtey, hadaan runta kuu sheegana waxxaad tidhi makala taageersanid kooxaha fooda isku hayo, miyaanad President Baasto adiga iyo Abuunaa Waraabe taleefan kula hadleynin maalin dhaweyd markuu dabaqa sare ka soo tuurayey fridgeka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune naga daa hoostaad kala xiidhisantahay axmed madoobe wa caadi waad u ducayn karta in mamuulkisa hirgalo inadan dhex dhexaad ahayn alleh wa ogyahay anana wa ogahay, Anigu inta badan kheyr baan sheega laakin doodu inta badan waxay ku fiicantahay topic markay conflict jiro Abtigiis ba fahansan. Nuune adigu waxad rabta in Kenya iyo Axmed madoobe kismayo loo daayo oo ay iyagu u taliyaan dabeedna gabbal iyo kooxdisa gabbalku u dhaco waan ogahay taas. Xiinfaniin ba arinta kugu raacsan markaas taas dhex dhexaad maha. Kosovo wa wadan wanaagsan ilahay ha barakayo Ictraaf na wan u baryaya inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this