Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Pro Sheikh Xassan daahir aweys protests in Mogadishu.

Recommended Posts

Bannaanbax looga horjeedo xariga Shiikh Xasan Daahir Aweys oo Maanta ka dhacay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

 

Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Dibadbax ay ka qaybgaleyeen dadweyne isugu jira haween, caruur iyo dhallinyaro loogana soo horjeedo xariga Sheekh Xasan Daahir iyo xubno la socday oo dowladda Soomaaliya u xiran ayaa maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Bannaanbaxayaasha ayaa gubay taayarro iyagoo sidoo kalena dhagaxaan ku tuurayay goobaha ganacsiga, waxaana intii uu dibadbaxa socday istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka qaybo ka mid ah Muqdisho.

 

“Xasan Daahir waxaa gacanta loo geliyay dowladda Mareykanka, waana mid aan aad uga xunnahay, dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqay inay sii dayso xubnaha u xirxiran,” ayaa ka mid ahaa erayada ay ku dhawaaqayeen dadka dibadbaxa dhigaya.

 

Dibadbaxyadan ayaa waxay ka dhaceen inta u dhexeysa isgoysada Banaadir iyo Zope iyo isgoyska Tarabuunka, mana jirin wax ciidamo ah oo jawaab ka bixiyay dibadbaxaas am aka hortagay.

 

Sidoo kale, dadka dibadbaxa dhigayay ayaa waxay ku qaylinayeen rayo ay kaga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya, mana jirto cid sheegatay inay ka dambeysay abaabulka dibadbaxa oo noqnoaya kii ugu horreeyay Muqdisho laga sameeyo tan iyo markii Xasan Daahir iyo xubno la socday la xiray habeen hore.

 

Shalay oo Axad ahayd ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay kulan ay yeesheen xubnihii Sheekh Xasan Daahir iyo taageerayaashiisa kasoo waday degmaada Cadaado ee gobolka Galguduud, keenayna Muqdisho, iyadoo markiiba ay la wareegeen ciidamada nabadsugidda Qaranka oo xabsiga dhigay.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan Xiridda Sheekh Xasan Daahir oo kasoo goostay Al-shabaab iyo xubno la socday oo weli ku xiran Muqdisho, waxaana afhayeenka madaxweynaha uu sheegay in dowladdu ay u baahan tahay fursad ay kaga baaraan-dagto sida laga yeelayo hoggaamiyahan iyo xubnaha la socda.

 

Mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin sida ay u arkaan dibadbaxa, waxaana dibadbaxa uu si iskiis ah u joogsaday barqonimadii maanta, iyadoo dib ay furmeen goobihii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   
Dawladda waa in si siyaasadeysan ay hawsha u abaartaa. Maanta ma aha maalintii Aways iyo AS la marin lahaa maxkamad oo xukun lagu ridi lahaa. Sidoo kale ma aha waqtigii gacanta loo gelin lahaa shisheeye. Haddii Hassan uu doonayao in taageerada uu Benaadir ka helo ay sideedii ahaato hadde waa in beeshaa mideysan ee isagga iyo dawladda uu hogaamiyo taagerta waa in uu isku hayaa oo aanu Ina Daahir Aways sarifin oo dartii la isugu dhicin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

I can see two communities getting divided, or getting divided already, and Dahir Alasow is spinning it already saying that beesha wixii kaga jirey dowlada oo shir leh iyo sidey dowlada u wada faaruqin lahaayeen and establish a mucaarad similar to Alshabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mafia   

As always the federal gov is incompetent and cannot handle a single situation properly. Name one if you disagree.

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune;965813 wrote:
I can see two communities getting divided, or getting divided already, and Dahir Alasow is spinning it already saying that beesha wixii kaga jirey dowlada oo shir leh iyo sidey dowlada u wada faaruqin lahaayeen and establish a mucaarad similar to Alshabaab.

A habr gangster Damuljadiid , aweys and sh indho cade al markaawi had their own xisbal islam party before

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune;965813 wrote:
I can see two communities getting divided, or getting divided already, and Dahir Alasow is spinning it already saying that beesha wixii kaga jirey dowlada oo shir leh iyo sidey dowlada u wada faaruqin lahaayeen and establish a mucaarad similar to Alshabaab.

NOT the reality on the ground infact the interior minister ordered the arrest of Hassan Daahir. House looter Ahmed diiriye, Subxaanyo,Moryaan Indhocadde and the undercover Al shabaab Abdiqadir Ali omar will face worse beatings than yesterday and will flee from xamar like their walaalaha galgaduud ally Barre hiiraale did in Kismaayo if they do not stop this clan nonsense. Nobody is above the law, infact if my cousin Kaba ku dukade or Ali mohamed hussein got arrested and beaten in the Airport i wouldnt protect them infact i would join them in the a$$ whopping.

Share this post


Link to post
Share on other sites

That is misguided. Why would they protest for Hassan Dahir Aways.

 

Baashi,

 

The government has very little say in Hassan's fate. Remember the massacre at UN compound is still raw.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Banaanbax!. Cajaaib Sheekhoow!.

 

Oo ma Xasan Dahir baa beel ku tala ahaa. Odayaasha xoogaa dufanka in loo badiyo mey rabaan?.

 

Sheekha, sida muuqata mabda' ayuu ku dheganyahay, taasuunaa u xiranyahay weli sida Yariisoow hadalkiisa ka muuqata

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheikh xassan daahir aweys has caused friction with in the HAG society maybe for HAG political objectives it was better if he had stayed with Alshabaab. But he could not stay with Alshabaab because Amiir Godane was chasing him. Maybe he should've been giving refuge in Asmara his old friend Isaias afewerki would give him asylum. But this is atleast is a short win for Sahal, Xaad and Axmed Diiriye will stop their threats against Jubbaland for a while until this is sorted out.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Wadaadkii kitaabka tuuray oo yiri anigu kitaab aan tol lahayn wadan maayo weeye dawlad nimada soomaalidu,dad baa laga yaabaa inay naftooda u waayaan mudaaharaadkaas ay ku taageerayaan adeerkood

Share this post


Link to post
Share on other sites
uchi   

Amazing, these women jumping up and down with their arms in the air would certainly be something AlShabab would consider stone worthy, tribe makes people blind I guess.

 

Aside from that, this president should be uniting his tribe base first, what was the point of electing someone from Mogadishu if this sort of thing can still occure within this community.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this