Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland First Ever Election Rallies Begins. PICS + AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Ururka Horcad oo banaanbaxdey

30 Jun 30, 2013 - 7:17:10 AM

 

 

GAROWE ONLINE

 

Urur siyaasadeedka Hormarka iyo Cadaalada Puntland ee HORCAD ayaa maanta 30 June,2013 banaanbixiisii kowaad ku qabsaday Puntland,iyadoona ay isku soo baxeen taageerayaashiisu fagaarayaasha magaalooyinka.

 

Banaanbixii HORCAD ee Garowe ayaa ka dhacay baraxada magaalada ,waxana halkaasi dadwaynihii ka soo qayb galay kula hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta Ururka oo hoosta ka xariiqey inay diyaar u yihiin isbadal dhab ah oo Puntland ka dhaca.

 

Yuusuf Bashiir Nuur oo ka mida xubnaha u sharaxan golaha deegaanka ee urur siyaasadeedka Horcad ayaa taageerayaasha u sheeagay in ay wax badan u qaban doonaan hadii ay door taan codkoodana siiyaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la qorshaynayo 15 July,2013.

 

Maxamed Khaliif cawil ayaa shegay in urur Horcad uu u arko in cadaaladu tahauy wax walba asaaska u ah

 

Sahuur Xaashi Maxamed oo ka mida xubnaha golaha dhexe ee ururka ayaa sheegtay in ururuka HORCAD uu mudnaan gaar ah siin doono gabdhaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

 

Ugu danbayntii ayaa waxa soo xiray gudoomiyaha ururka HORCAD ee gobolka Nugaal Axmed Cali Faarax oo taageerayaasha u sheegay in ururku uu soo xulay dadka u sharaxan golayaasha deegaan dad dhalinyaro ah aqoona leh isgoona sheegay %40 ay haween yihiin.

 

Isu soo baxan uu maanta sameeyay ururka HORCAD ayaa dabo socda kuwo la mida oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ururada siyaasada Puntland ay ka sameeyeen magaalooyinka kala duwan ,waxana ay qayb ka ahaayeen ololaha ay ugu jiraan doorashooyinka deegaanka ee soo socda.

 

1_63.jpg

2_58.jpg

4_53.jpg

5_53.jpg

6_47.jpg

9_25.jpg

HORCAD6.JPG

HORCAD1.JPG

HORCAD3.JPG

 

Audio

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Horcad_oo_isku_soo_baxeen_taageerayaashiisu_Garowe.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Taageerasyaasha Urur siyaasadeedka Wadajir ee puntland oo maanta isu soo baxay+SAWIRO

June 27, 2013 // diyeeshe // News

 

Garoowe(PV):-Isu soo bax ay uu soo abaabulay urur siyaasadeedka Wadajir ee puntland ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

 

Isu soo baxaan ayaa u muuqday mid tirada taageerayaashooda ku muujinayaan Urur siyaasadeedka Wada jir oo ka mid ah Ururada ku tartamaya doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland.

 

shacabka isku soo baxay ee taageersan urur siyaasadeedka Wadajir waxaa ay wateen boorar ay ku qornaayeen ereyo muujinaya hal ku dhigyada ururkaasi iyo kuwa taageero muujin ah.

 

Wadooyinka Garowe qaarkood ayay dadkaasi ku soo wareegeen iyagoo isugu yimid fagaaraha inta badan lagu qabto isu soo baxyada.

 

Qaar ka mid ah xubnaha ururka Wadajir ayaa hor kacayay dadka maanta isku soo baxay waxayna dalbanayeen in codka la siiyo ururkaasi sidoo kale waxay dhiirigelinayeen in shacabku ka qeybqaataan doorashooyinka guud ahaan.

 

Intii dibad baxu socday waxaa dadweynaha la hadlay mas’uuliyiin ka tirsan ururka siyaasadeedka Wadajir kuwaasoo inta badan sharaxaad ka bixinayay siyaasadooda iyagoo dadaal badan u galayay inay ku qanciyaan shacabka hadafkooda siyaasadeed.

 

Si kastaba dhawaan ayaa war ka soo baxay gudiga doorashooyinka waxaa asbuucaan loo qorsheeyay ururada inay soo bandhigaan awoodooda iyadoo dhamaan ururadana loo kala qeybiyay in midba maalin taageerayaashiisu isu soo baxaan.

 

Wadajir oo loogu hormarshay ayaa maanta oo ku qornaa inay sameeyaan Campaign-kooda waxaana waqtiga loo kala siiyay sidan:-

 

27-ka June urur siyaasadeedka Wadajir

28-ka June urur siyaasadeedka UDAD.

29-ka June urur siyaasadeedka HORSEED

30-ka June urur Siyaasadeedka HORCAD

 

Xafiiska Garoow

puntlandvoice.com

 

Wadajir Campaigns In Garowe

 

urur-siyasade.jpg

banan-300x150.jpg

isu-300x150.jpg

isusoos-300x150.jpg

urur-300x150.jpg

wa-300x150.jpg

wadajir-300x150.jpg

wadajir1-300x150.jpg

wadajr-300x150.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Ururada Siyaasadda Puntland oo wali ku guda jira banaanbaxyadooda [sawiro&Maqal]

 

Urur siyaasadeedka Horseed ayaa maanta banaanbixisii kowaad ku qabsaday deegaanada Puntland,waxana banaanbaxyadaasi kasoo qayb galay taageerayasha ururka.

 

Isku soo bixii ugu waynaa ee ururka Horseed ayaa ka dhacay magalada Garowe xarunta Puntland,waxana wadooyinka magalada lagu arkayay dad sita calanka ururka iyo astaamo ay ku qoran yihiin erayo ka hadlaya hilimada ururka,ka sakow socodka ay tageerayaasha ururku ku mareen wadooyinka magalada,waxana kasoo qayb galay banaanbaxaasi gudoomiye ku xigeenka ururka Gen,Cabdisamad Cali Shire iyo masuuliyiinta ka hoosaysa.

 

Masuuliyiinta Ururka Horseed ayaa teegarayaashooda kula hadlay ugu danbayntii fagaaraha wayn ee barxada,waxayna dadka kula dardaarmayeen inay isbadalka u codeeyan oo ay taageero u muujiyaan ururka Horseed.

 

Cabdiqaadir Nuur,Cabcasiis Nuur Cilmi Koor,Jaamac Cabdi Bulshaale,Cabdilaahi Ciise,Maxamad Cabdiqaadir Shiine,Xaawo Qaylo wayne,Farxiyo Shire,ayaa ka mid ah dadka u tartamaya duqa degmada Garowe ee ururka Horseed,waxayna dadkii kasoo qayb galay isku soo baxa ka codsadeen inay isbadalka u codeeyaan oo ay taageero balaaran u muujiyeen dadka tartamayaasha ah si loo helo hadafka nidaamkan loo hirgashay.

 

Gudoomiye ku xigeenka ururka Horseed ahna ku simaha gudoomiyaha Gen.Cabdisamad Cali Shire,ayaa dadwaynihii kasoo qayb galay banaanbaxa u sharaxay waxyaabaha ay dalka ka qabteen,wuxuna sheegay inay wax badan oo kale dadka reer Puntland gaarsiin doonan.

 

Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa waxa uu shacabka Puntland ka codsaday inay codkooda ku taageeraan ururka isla markasna ay u muujiyaan taageero hufan.wuxuna balan qaaday inay wax qabad baaxad wayn ay sii qaban doonan hadii ay ku guulaystaan talada dalka.

 

 

Audio

http://www.dunidaonline.com/index.php?id=9898

 

Horseed The Ruling Party Campaigns in Garowe

Hors1.JPG

hors2.JPG

hors3.JPG

hors4.JPG

hors5.JPG

hors6.JPG

hors7.JPG

hors8.JPG

hora9.JPG

Yonis.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Dahir aways is being led to prison and dhusomareeb and guriceel lack any vision for an administration while Puntland is in Campaign mode

 

What a SHOT

17_5.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Urur siyaasadeedka UDAD oo markii ugu horaysay banaan baxay [Maqal+Sawiro]

 

Urur siyaasadeedka UDAD oo ka mid ah ururada iskugu soo haray ka qayb galka doorashooyinka,ayaa maanta qabsaday banaan baxoodii ugu horeeyay, waxana kasoo qayb galay taageerayaal tiro badan.

 

Magaalooyinka sida wayn looga dareemayo banaanbaxa Ururka UDAD waxaa ka mid Magalada Garowe xarunta Dowlada Puntland,waxana wadooyinka qaar lagu arkayay dadyow badan oo sida astaanta ururka UDAD,Socod ay laamiga kusoo mareen dadkaasi ka dib waxay iskugu yimaadeen bartamaha magalada.

 

Faadumo Diiriye oo ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa ururka UDAD ayaa taageerasha ururka ugu baaqday inay codkaada ku taageeraan isbadalka Puntland ka jira,waxayna sheegtay inay yihiin ururka kaliya ee dadka reer Puntland horumar iyo kala danbayn gaarsiin kara.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay isku soo baxaasi odayaal iyo dhalinyaro,waxayna sheegeen nidaamkan inuu yahay mid si wayn loogu liibaanayo,isla markasna shacabka looga baahan yahay inay isbadalka u hiishaan.

 

Ugu danbayntii Gudoomiyaha ururka mucaaradka ah ee UDAD Siciid Faarax Sanwayne,ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay kulanka,wuxuna sheegay inay xooga saari doonan baahiyada ay shacabka u qabeen helitaanka biyo nadiif ah iyo koronto gaarta goobaha dadka danyarta ah ay degan yihiin,wuxuna balan qaaday Siciid inay wax badan ka qaban doonan xaaladaha ka jira Puntland.

 

Taageerayasha ururka UDAD ayuu Siciid Sanwayne ugu baaqay inay codkooda ku taageeraan isla markasna ay usoo baxaan sidii looga dhabayn lahaa in la helo xukumada shacabka iyo dalka si wanaagsan uga adeegta,wuxuna madaxda ururka Horseed ku eedeeyay inay si aan munaasib ahayn ugu isticmaalaan dhaqalaha dowlada.

 

AUDIO

http://dunidaonline.com/index.php?id=9892

 

ud.jpg

ud1.jpg

ud2.jpg

ud3.jpg

ud4.jpg

ud6.jpg

ud5.jpg

ud7.jpg

ud8.jpg

ud9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Don't under-estimate UDAD, it has a heavyweight politician in there. Former Prime Minister of Somalia. Professor Gaas

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maqane   

Waxaan u rajayn Putland, Hogaamiyaal ka fakara danaha dalkooda iyo dadkooda oo waxtar leh. Forward -->

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this