Sign in to follow this  
puntnomads

Col.Bare Hiiraale: Al Shabaab waxaan ulla midoobi doonaa Colaada Kenya iyo ka-saaridooda dalka

Recommended Posts

^

LOL...President Barre Hiraale of Jubaland waa nin libaax ah, laakin Xaaji Habaar baa i nacsiiyey!

 

Maalin walba dhareer buu inta meeshaan ku soo qoro buu wuxuu ku lifaaqaa magaca Barre Hiraale...:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

You gotta be kidding me. i don't know how these warlords with their pea sized brains and non existent loyalties still rule a lot of Somalis, this really doesn't make me optimistic about the future.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I don't think Col Bare Hiiraale is wise man, if he didn't anticipate his chances in this conflict, he should have avoided any conflict with Madoobe and his militia whether they were backed by the Kenyans or not. this was total embarrassment,,, he had no chance of winning this war still he started it, putting many young boys at risk who were either killed, injured or captured. I feel sorry for the mothers and fathers of those boys

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

puntnomads;965443 wrote:
Col.Bare Hiiraale oo shalay laga saaray magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay warar sheegaya inuu xiriir ka dhaxeeyo dhankooda iyo Al Shabaab.

 

Wareysiga uu maanta bixiyey Col.Bare Hiiraale ayuu uga jawaabay warar sheegaya in dhinacooda ay isu dhiibeen ama xiriir dhow laleeyihiin kooxda Al Shabaab, wuxuuna sheegay in aysan hada ku biirin Al Shabaab, balse ay jiraan waxyaabo badan oo ka dhaxeeya dhinacooda iyo Al Shabaab.

 

Col.Bare Hiiraale ayaa markii ugu horeysay shaaciyey inay Al Shabaab ka wada shaqeyn doonaan ama ku midoobi doonaan la dagaalanka Kenya iyo sidii ciidamada Kenya looga saari lahaa dalka Soomaaliya.

 

“….Anaga iyo Al Shabaab Soomaali baanu isla nahay dalka ayaa naga dhaxeeya, Kenya waa Gaalo dalkayaga ayey kusoo duushay, waxaan ku midoobi doonaa colaada Kenya iyo ka saaridooda dalka….” Ayuu Wareysiga ku yiri Col.Bare Hiiraale oo sheegay in hada isku aruursanayaan duleedka magaalada Kismaayo sidii ay dib ugu ulla wareegi lahaayeen Kismaayo.

 

Waxaa xusid mudan Col.Bare Hiiraale wareysi uu shalay bixiyey xiligii uu magaalada kasii baxayey ayuu ku sheegay inuu nabad diyaar u yahay iyo in xal laga gaaro dagaalka Kismaayo.

 

Hadalada maanta kasoo baxay Col.Bare Hiiraale ayaa u muuqda kuwo xoojinaya eedaynmihii maamulka Jubaland ku heystay Col.Bare Hiiraale iyo xoogaga isbaheystay. Maamulka Jubaland ayaa horey ugu eedeeyey in Dowlada Federaalka iyo kooxda Al Shabaab iyo xoogaga laga saaray Kismaayo isku baheysteen dagaalada ka dhanka ah maamulka Jubaland.

 

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in dagaaladii Kismaayo ka dhacay ay ku qabteen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo ay magaalada soo geliyeen Col.Bare Hiiraale iyo ciidamada hoostaga dowlada Federaalka, maalinimadii Khamiistii ayaa weerar miino ay xoogagaasi la beegsadeen ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu Col.Bare Hiiraale si toos ah u shaaciyo inay Al Shabaab ka wada shaqeenayaan la dagaalanka ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

 

Dagaaladii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa wuxuu u dhaxeeyey maamulka Jubaland ciidamadiisa iyo xoogaga isbaheystay oo uu Col.Bare Hiiraale kamid ahaa, iyadoona la xaqiijiyey in ciidamada AMISOM ee Kenya ay dagaalkaasi aysan ka qeyb qaadan.

 

Horseed Media

News Desk

Any audio of this intervueuw? Where did he make these statemebts?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this