Sign in to follow this  
Carafaat

HAG sub-clans ask government to pardon Dahir Aweys

Recommended Posts

Carafaat   

http://www.jowhar.com/news.php?readmore=517

 

Beelaha iyo oo ka mid ah beelweynta HAG ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga hadlay arrinta ku saabsan Sheekh Xasan Dahir Aweys oo maanta gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo xarun u ah Maamulka Ximin iyo Xeeb.

 

Imaam C/llaahi Khaliif Rooble oo ah Imaamka beesha oo kulankaas saxaafada ugu warbixiyay ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xaalada ku soo korodhay Gobolka Galgaduud ee uu maanta Xasan Dahir gaaray.

 

"Adeer kulanka wuxuu ahaa, waxyaabaha ku soo kordhay Galgaduud, oo xasan dahir yimid, maamulka ximin iyo xeeb ayuu hada la joogaa, Xasan Dahir waa nin shabaab ahaa, maadaama in meesha yimid lagama maarmaan waaye in laga tashado, arrin culeyskooda leh weeyaan"ayuu yiri Imaam Khaliif.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ka codsanayaan inay cafis u fidiso, isagoo xusay inay muhiim tahay in xaaladiisa laga tashado, maadaama uu ka soo jeedo Gobolka Galgaduud, nin Soomaalina yahay.

 

"Waxaa laga tashaday sidii dowladda cafis loo weydiisan lahaa, waa nin Soomaali ah, dowladda albaabkeeda waxaa u furan tahay dib u heshiisiin, waxaa soo jeedinay inay cafis u fidiso inay soo dhoweyso, beelaha meesha degan dowladda ayay taageersan yihiin"ayuu yiri Imaam C/llaahi Khaliif Rooble.

 

Si kastaba ha ahaatee arrinta ku saabsan Sheekh Xasan Dahir ayaa aheyd mid aad u hareysay siyaasada dowladda iyo warbaahinta gudaha iyo tan caalamka, waxaana arrinka ugu weyn ee muuqda yahay in wadaadkan mayalka adag uu haatan baxsad ka yahay Ururka Al-Shabaab.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddi Hassan Dahir Aways la cafiyo, waa in la cafiyaa , Godane,Abu Mukhtar Robow,Fuad Mohamed Khalaf,Hassan Turki, iyo Cali Dheere, iyo kuwa kale ba. Yaa been la isku sheegin dawlada ma awoodo iney maxkamad soo istaajiyaan ninkaan sababtoo ah, wuxuu ka soo jeedaa beesha (UNUKA), waxaaba dhici karta in laga dhigo Wasiirka Difaaca, ama Lataliyaha madaxwaynaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciyaal Facili;964581 wrote:
Waan ogahay inuu ka soo jeedo Beesha () lakiin UNUKA iyo HAG waa isku mid.
UNUKA ma waxaad u taqaanaa Beesha ()
keli. qoysaska mala kala saaro .

yes unuka can only beesha yalaxow, HAG is the umbrella group name for the whole clan ma garatay. ha isku khaldin brands sxb:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho (RBC Radio) Warar naga soo gaaraya Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa ay sheegayaan in marka uu waaga baro SH Xassan Daahir Aweys loo duulin doono Magaalada Muqdisho.

Diyaarad si khaas ah ay madaxda Dowlada Fedraalka ay u direen SH Xassan Daahir ayaa hada ku sugan Magaalada Cadaado.

Sh Xassan Daahir, Dowlada Fedraalka, Odayaal Dhaqameedka Beesha Shiikha, iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa isku wada afgartay in Dowlada Fedraalka lagu wareejiyo Sh Xassan.

Xog ogaaliinta Raxanreeb.com u waramay ayaa waxa ay sheegayaan in SH Xasaan uu balanqaadyo ka heysto Madaxda Dowlada.

Qabanqaabada soo dhaweynta SH Xassanb Daahir ayaa waxaa ka socda qeybo kala duwan ee caasimada Dalka Soomaaliya.

Wararka waxa ay sheegayaan in labadii bilood ee ugu danbeeysey ay dowlada dadaal badan ku bixisay SH Xassan sidii uu uga tanaasuli lahaa mabaadiida Al Shabaab ugana soo farabaxsan lahaa Al Shabaab.

Wadaniyiinta Xorta ah ayaa waxa ay u arkaan talaabadaan mid rajo galin karta in raga kale ee wali ku qanacsan Al Shabaab ay u noqon doonto mid ay ku daydaan una sahli doontana bari iska yeelida Al Shabaab.

Waxaan wali kala cadeyn sida shacabka Soomaaliyeed u arki doonaan isbadalka Sh Xassan

 

dayuurad.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Congrats Mr President Hassan for reaching out SH Dahir Aweys it is welcoming , Remember it took the United State 12 years to realize they have to sit down with Talibans who commited more crimes to humanity then xisbul islam let by Sh Dahir aweys this would put on end to Alshabaab activities in South .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay qabashada Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku sugan degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo ay socdaan wada hadalo ku aadan mustaqbalkiisa sida laga yeeli lahaa.

 

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in qabashada Xasan Dahir uu bilow u yahay soo afjarida dagaalka kooxaha nabad diidka ka wadaan Soomaaliya.

 

"Arrintaas mid bilow u noqonaya soo afjarida dagaalka kooxaha nagala soo horjeeda, dowladda mowqifkeeda wuxuu ahaa si xal, nabadeyn iyo dib u heshiisiin lagu dhameeyo, dhowr jeer oo hore ayaa kooxaha nabad diidka nabad loogu baaqay"ayuu yiri Eng.Yariisow.

Eng. Yariisow oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in arrinta Xasan Dahir warbixin dheeraad ah ka bixin karin, isagoo xusay in dowladda wax walba ay ku dooneyso inay ku dhameyso wada hadal sida uu yiri.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya markii hore ay qabtay in wixii Soomaali ah dhexdeeda wada hadal iyo nabadeyn lagu dhameeyo, taasna uu wali yahay mowqifka dowladda sida uu yiri.

 

Xasan Dahir Aweys ayaa saaka la gaarsiiyay degmada Cadaado, iyadoo mas'uuliyiin u hadashay Ximin iyo Xeeb ay sheegeen inay gacanta ku hayaan, isla markaana lagu haayo guri si gaar ah ammaankiisa lagu sugayo.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

master on June 26 2013

0 Comments · 4658 Reads · ·

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Nin naftiisa lasoo baxsaday oo xeebta lagasoo qabtay yaa wafdi balaaran uu hogaaminayo imaamka beesha horweyn la kulmay, dawladuna waxay bilaabaysaa siday wada hadal ula furi lahayd sheekha, sow uma eka riwaayadii dhado roob noqon weyday?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Somalias goverment recently requested the US to pardon Ali Samater from facing justice. I expect Sh.Dahir Aweys to join the goverment just like Gen.Indhocade, Mahamed Dheere, General Morgan, Sheick Madobe, Sheick Shariif and all the other former criminals warlords, Shabaabi Sheicks, who still roam the corridors of goverment.

 

Yaan been la isku sheegin, justice waxa la dhaho ma naqano.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;964800 wrote:
Somalias goverment recently requested the US to pardon Ali Samater from facing justice. I expect Sh.Dahir Aweys to join the goverment just like Gen.Indhocade, Mahamed Dheere, General Morgan, Sheick Madobe, Sheick Shariif and all the other former criminals warlords, Shabaabi Sheicks, who still roam the corridors of goverment.

 

Yaan been la isku sheegin, justice waxa la dhaho ma naqano.

for goodness sakes, let the man rely on his tribe's protection instead of facing the kangaroo courts. i'm afraid, Somalia, today, just doesn't have the capacity to try the likes of Sheekh Dahir Awey. what we're talking about here is a complete dereliction of the judicial process. Somalia's courts, when not being blown up, do not have the capacity to function. will Somalia's courts use Italian penal codes from the 1960s to try Sheekh Dahir Awey? Somalia unlike the SL Republic, just isn't able to rely on a more developed judicial structures with symbiotic workings (customary (xeer), islamic and statutory laws) to deliver justice.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this