Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Breakingnews Fighting in Kismayo President barre hiiraale Militia vs Ahmed madoobe Militia.

Recommended Posts

WAR DEG-DEG AH: Dagaal culus oo goor-dhow ka Qarxay gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose

 

Arbaco, Juun 26, 2013 (HOL) — Dagaal culus ayaa goor-dhow ka qarxay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasoo u dhexeeya maleeshiyooyin magaalada kuwada sugan, iyadoo ay xirmeen guud ahaan isku socodkii magaalada iyo ganacsigii.

 

Maleeshiyinka dagaalamaya ayaa wuxuu dagaalkoodu ka billowday gaari saakay lagu dhacay magaalada gudaheeda, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud.

 

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa HOL u sheegay in dagaalku uu ka qarxay xaruntii hore Kismaayo oo ku taalla xaafadda Farjanno ee bartamaha magaalada, uuna ku faafayo qaybo kale oo magaalada ka tirsan.

 

“Kismaayo waxaa ka billowday dagaal culus oo u dhexeeya kooxo maleeshiyo ah oo kuwada sugan magaalada, ganacsiga oo dhan waa xirmay, isku socodka dadka iyo gaadiidkana way joogadeen, madaafiic ayaana dhacaysa,” ayuu HOL u sheegay goobjooge ku sugan Kismaayo.

 

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo uu dagaalkan dhaliyay iyadoo dadka ku sugan magaalada ay sheegayaan in marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo.

 

Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan saldhigyadoda, mana jiraan wax waan-waan ah oo lagu qaboojinayo dagaalkan oo ka socda magaalada, dadkuna waxay ku sugan yihiin guryahooda.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa tan iyo markii uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba xubnood oo isku haysta xilka madaxweynenimo ee Jubaland waxaa ka jiray xiisado, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhacayeen dagaallo noocan oo kale ah.

 

Wixii kusoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe ee soo socda haddii uu Alle ogolaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah– Maleeshiyo dhacdey Gaari iyo rasaas la iswaydaarsadey gudaha Kismaayo

 

Maleeshiyo ka amar qaadata Korneyl bare Hiiraale ayaa goor dhawayd dhacay gaari uu lahaa Taliye Tooshle oo kamid ah saraakiisha maamulka Jubaland, Xili uugaariga watey darwalka oo qura, Waxaana meesha la isku dhaafsadey dhowr xabadood, inkastoo markii dambe xiisadu degtey ka dib markii Gaarigii ay la carareen Maleeshiyaadkii dhaca geystey.

 

Goor dhaweyd ayaa Maleeshiyo kale iyana soo dhaceen Gaari caasi ah oo loo badinayo in loo dhacay aano ahaan gaarigii Taliyaha, waxaana hada arinta galay Odoyaasha Magaalada si baabuurta looga soo qaado maleeshiyaadka. sida kale Magaaladu aad ayay u degan tahay, waxaana goor dhaweyd gudaha magaalada lagu arkayay Gaadiid Ciidan oo dheerada oo ka tirsan Ciidanka Jubaland.

 

wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal culus oo u dhaxeeya Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe iyo kuwa Barre Hiiraale ayaa maanta ka qarxay magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalka uu iminka si xoogan uga socdo bartamaha magaalada.

 

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dambeeyay markii gaadiid la kala dhacay, kaasoo markii dambe isu rogay dagaal gacan ka hadal ah.

Dagaalka ayaa ka qarxay aargada Kismaayo, iyadoo haatan ka socdo Xaafada Farjano, waxaa la soo sheegayaa in la isu adeegsanayo hub cul culus.

 

Waxaa jira qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dagaalka sababay, hase ahaatee si dhab ah looma oga.

 

Dagaalka ka dhex qarxay Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe ayaa ahaa mid la sii saadaalinayay, maadaama cududa ugu badan ee ciidan ay yihiin kuwo magaalada ku heysta, hub badana leh.

 

Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale ayaa labaduba ka mid ah madaxweynayaasha Jubaland ee Kismaayo ku heysta hub iyo ciidan beelahooda ka soo kala jeeda.

 

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya, waxaase dagaaladan ay qeyb ka noqonayaan kuwo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada, kaasoo u dhaxeeyay dhinacyada magaalada isku haya.

 

La soco wixii ku soo kordho

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is why I respected Alshabab.

 

Even though they sick minded people, they did good job making the country safer by killing each moryaan

 

and moryaanad on the spot

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin Dagaal Khaasare geystey oo kismaayo ka dhacay galabta, iyo sababta keentey dagaalka

 

Saaka waabarigii ayaa koox dabley ah oo ka tirsan Maleeshiyaadka Bare Hiiraale waxay dhaceen Gaari uu lahaa Tooshle oo ah Taliyaha Guutada 94aad, saacado ka dib ayaa Maleeshiyo beeleed kale waxay iyana dhaceen Gaari Caasi ah oo markaas Dekada lagasoo dajiyey, intaas ka dib waxay Ciidanka amaanka oo kaashanaya Odoyaasha magaalada ay dajiyeen xiisadii markaas taagneyd.

 

Sida uu Puntlandi u xaqiijiyey Sargaal ka tirsan Ciidanka Jubaland weerarka saaka lagu dhacay gaariga Taliyaha wuxuu ahaa mid qorsheysan oo ay ka dambeyaan kooxihii bishaan bilowgeeda magaalada qaska ka kiciyey, Waxayna isla Galabta ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen Dhismaha Radio Kismaayo,waxayna kusoo weerareen qoriga SUU-ga loo yaqaan, halxabo oo qorigaas ah ayay dhismaha kusoo rideen waxaana halkaas ku dhintey hal askari , Raadyuhu wuxuu ku yaalaa bartamaha Magaalada, waxaana markiiba bilaabatey Rasaas kulul, ciidanka amaanka Jubaland ayaana markiiba weerar kala daba tagey Maleeshiyadii Idaacada soo weeraray oo ahaa kuwii saaka wabariga dhacay Gaariga Taliye Xigeenka ciidanka amaanka jubaland isla markaasna ah Taliyaha guutada 94aad, Wuxuuna Dagaalku noqdey mid la eryadey Maleeshiyaadkii soo weeraray Idaacada.

 

9 ayaa laga diley Maleeshiyada rabshaaha bilaabay oo u badnaa ilaaladii Bare Hiiraale halka ciidanka amaanka magaalada ay ka dhinteen 2 askari, oo midkood ku dhintey weerarkii Idaacada lagu qaadey oo dagaalku ka bilowdey.

Maxay tahay sababta ka dambeysa Weerarkaan Qorsheysan ee maanta dhacay.

 

Sida laga soo xigtey Maleeshiyaad saaxiib iyo hayb la wadaagaan Qolyaha maanta Weerarka soo qaadey waxay sheegeen in Korneyl Bare Hiiraale uu maalmahaan ka walwalsanaa Ciidan Boolis ah oo lagu tababarayo Garoonkii hore ee ciidamada(Goobweyn) ciidankaasoo ah Ciidan Boolis ah oo loo qorsheynayo iney magaalada amaankeeda la wareegaan, Waxayna ka koobnaan doonaan Laba boqol oo Soomaali ah(200 Askari),100 Kenyan ah iyo 100 Siiraaliyoon ah, shaqadooda ugu wayna waxay noqon doontaa iney magaalada ka xaalufiyaan maleeshiyaadka hubeysan ee aan ciidanka ka Jubaland ka tirsaneyn.

 

Gaariga la dhacay ee maanta ayaa ahaa mid daandaansi ah oo rabsho looga kicinayay Magaalada, si looga hortago in Maamulka Jubaland ay ku guuleystaan iney magaalada ka ururiyaan hubka ay wataan Maleeshiyaadka aan taabacsaneyn Maamulka iyo in loo arko magaalada kismaayo mid amaan ka jiro.

 

Sargaal ka tirsan Dowlada Jubaland oo Puntlandi la hadleen wuxuu sheegey iney la socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo amaanka loogasoo horjeedo, wuxuu kaloo sheegey in Dagaalkii galabta dhacay uusan istaageyn ilaa maleeshiyaadkaas magaalada laga sifeeyo, wuxuuna ka dhawaajiyey in Beri laga yaabo in howlgal xoogan bilowdo, waxaa hadaladiisa kamid ahaa “Waan la soconaa in ay jiraan Dad ka dambeeya weeraradaan kuwasoo doonaya iney u ekeysiiyaan Dagaal beeleed, waxaanse u sheegayaa kuwaas in Amaanka Kismaayo ay dowladu Gacan adag ku qabanayso, dhowaana gacanta lagu dhigayo qoryaha magaalada lagu heysto, ma ahan waxa dhibka wadaa Maleeshiyaadkaan hubka la ordaya,waan ognahay waxaa jira qolyo kale oo aan nabada noo ogoleyn , kuwasaana dabada kasoo riixaya maleeshiyaadka, “

 

Iskusoo duuboo Dagaalkii galabta dhacay wuxuu istaagay qorxdu markey dhacdey waxaana ku dhintey 9 maleeshiyadii soo weerartey Radio kismaayo ah iyo labo askari oo ciidanka Jubaland ah, Waxaana Caawa Mgaalada dib usoo Galay Ciidan xoogan oo kamid ah Ciidankii dhowaan magaalada banaankeeda la dajiyey oo ka tirsan Ciidanka Dowlada Jubaland.

 

Beri subax waxaa shir jaraa’id qabanaya Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Mudane Farataag oo ka warbixinaya khasaaraha Galabta dhacay iyo Xaalka magaalada

Share this post


Link to post
Share on other sites

they are very resourceful --they never disappoint me too unlike Hiiraan Online.

 

regarding Kismayo news, Dhanaan is also very resourceful

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

You seem to always throughout Puntlandi. I wouldn't be surprised if Mandela died and you posted an article of puntlandi. Any who it seems your militia in "control of kismayo" a city is struggling to do that even with the support of Kenyans. Walahi that is sad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

^^^ they are awaiting the orders of Kenyatta on that but rest assured the complaint has been put forward to Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

a very elaborate plan is being cooked. a combo of AMISOM and Jubbaland police is being trained to take over security functions of the city. Soon there will be a security sweep, that will net whatever weapons in the city .

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

xiinfaniin;964536 wrote:
a very elaborate plan is being cooked. a combo of AMISOM and Jubbaland police is being trained to take over security functions of the city. Soon there will be a security sweep, that will net whatever weapons in the city .

Amisom/Kenya has given the orders to clear the town lol. Comply????? Yes sir General A.Matata.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this