Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Hassan Daahir aweys oo isku dhiibay Maamulka Ximan iyo Xeeb

Recommended Posts

Arbaco, June 26, 2013(HOL) :- Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa shaaciyay in xalay saqdii dhexe uu isu soo dhiibay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin sare ka ahaa ururka Al-shabaab islamarkaana hore u hogaamin jiray ururkii burburay ee la magac baxay Xizbul Islaam.

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Xubno uu hogaaminayo ayaa dhawaan isaga soo cararay degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose, waxayna arintaasi ka danbeeyay kadib khilaaf soo kala dhexgalay xubno uu kamid yahay Sheekh Xasan Daahir iyo masuuliyiinta ugu sareeysa ee Al-shabaab.

 

Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Max’ed Cumar Xagafeey oo wareysi gaar ah siiyay laanta Af-soomaaliya ee VOA ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Sheekh Xasan Daahir Aweys, wuxuuna xusay in xalay saqdii dhexe uu isu dhiibay maamulkaasi.

 

“Xasan Daahir Aweys waxa uu ku jiraa gacanta ciidamada weliba uu hogaaminayo Madaxweeynaha maamul goboleedka Ximin iyo Xeeb, sedexdii aroornimo ayuuna soo galay gacanta madaxweeynaha,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

 

Sheekh Xasan Daahir iyo ciidamo la socday ayuu masuulkani sheegay in ay soo gaareen deegaanada dhanka xeebta ee maamulkaasi Ximin iyo Xeeb, wuxuuna sheegay in isa soo dhiibidiisa ay ka danbeeysay wada hadal badan iyo ishorfadhi badan oo dhexmaray ciidamada maamulka iyo kuwii uu watay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

Mar la weeeydiiyay in uu jiray wax dagaal ah oo dhacay kahor isa soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir Aweys ayuu masuulkani yiri “Xaqiiqdii hadal badan iyo dood badan iyo is-horfadhi badan ayay ka danbeeysay isa soo dhiibidu marka sida ayay u dhacday wax xabad uhuna ma dhicin waana isa soo dhiibay.”

 

Afhayeenka maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa intaa ku daray in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu imika ku jiro gacanta madaxweeynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Max’ed Baarleex.

 

Masuulkan ayaa mar la weeydiyay waxa ay ka yeeli doonaan Sheekh Xasan Daahir Aweys mar hadii ay gacanta ku dhigeen ayuu sheegay in maamulka Ximin iyo Xeeb uu qeyb ka yahay dowladda federaalka ee Soomaaliya islamarkaana ay marin doonaan waxa ay ka qabto shuruucda caalamiga ah ee dadka isa soo dhiiba ama la qabto.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maalin ka hor kasoo baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose kadib markii uu dhawaan halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamo ay wateen masuuliyiin uu isagu kamid yahay iyo askar kale oo iyaguna ka tirsan Al-shabaab islamarkaasina ka amar qaata madaxda sare ee Xarakada Al-shabaab, waxaana intaasi ka dib Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno uu hogaaminayo ay deegaanka Baraawe uga baxsadeen doomo iyagoona u jiheeystay dhanka gobollada dhexe ee Soomaaliya oo ah halka imika la sheegay in uu iska dhiibay.

 

http://www.hiiraan.com/news/2013/Jun/wararka_maanta26-22379.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Dahir Aweys uu ku soo wajahan yahay degmadaas, kadib markii wada hadal dhex maray Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb.

 

Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) oo xalay ku baxay deegaan uu joogay Xasan Dahir Aweys ayaa wada hadalo ku dhex maray deegaan ka tirsan gobolka Mudug oo raacsan dhanka Ximin iyo Xeeb, iyagoo isku afgartay in loo soo kaxeeyo Cadaado.

 

Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay Xasan Dahir, isla markaana isaga iyo Madaxweynaha Ximin iyo xeeb ay ku soo wajahan yihiin degmada Cadaado sida uu yiri.

 

Sheekh Xasan Dahir oo ay wehliyaan ilaa 10-xubnood ayaa la sheegay inay soo mareen deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, iyadoo sarkaal ka mid ah saraakiisha aadka ugu dhow uu xaqiijiyay inay ku soo jeedaan Cadaado.

Waxaa la filayaa in marka uu soo gaaro Cadaado la kulmo mas'uuliyiinta maamulka, iyo odayaasha deegaanka, iyadoo uu jiro heshiis is afgarad ah oo dhex maray isaga iyo Maamulka Ximin iyo Xeeb.

 

Inkastoo aan la ogeyn in Sheekh Xasan Dahir saldhigan doono degmada Cadaado, hadana warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu doonayo inuu ka dhoofo deegaanka, waxaana la tilmaamayaa inuu ku sii jeedo dalka Qadar.

 

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa Xasan Dahir waxaa uu ku jahwareersanaa meel uu gabaad ka dhigto, kadib markii uu ka soo baxsaday Baraawe, iyadoo deegaanada gobolada dhexe ay gil gishay sheekada ah in deegaanadaas uu soo gaaray mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha ugu waa weyn Islaamiyiinta.

 

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Well, this will be a big test for the SFG and tricky one to say the least. How they deal with this development will reflect on their credibility in both local and international arenas. Unfortunately, this is not something that can be easily swept under the carpet as Hassan Dahir is not only Somali interest but part and parcel of the IC microscope.

The honeymoon is over and the real test is here, face it up and this will form precedent for the future AS leadership deserters. Or bottle it, and loose the only thing that this government achieved which is, some leverage on the IC circles.

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

damn it, where is the Ecuadorian embassy in Africa when you need one?

 

What a loser and his old pal Sharif, is probably laughing his **** off in Kampla. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Where is our friend Maaddeey to update us on this new development! Markuu awooda lahaa waa isagii diiday heshiiska, hadda dantaa ku khasabtay miyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

YoniZ;964406 wrote:
Well, this will be a big test for the SFG and tricky one to say the least. How they deal with this development will reflect on their credibility in both local and international arenas. Unfortunately, this is not something that can be easily swept under the carpet as Hassan Dahir is not only Somali interest but part and parcel of the IC microscope.

The honeymoon is over and the real test is here, face it up and this will form precedent for the future AS leadership deserters. Or bottle it, and loose the only thing that this government achieved which is, some leverage on the IC circles.

lool this is so silly

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this