Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Ahmed Siilaanyo appoints a whole new Cabinet

Recommended Posts

^^there is not debate to have here awoowe ---xoogaa markaad joogtid baa waa dhuustaa, and there is nothing you and I can do about that

 

It is a curse

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROODI;964329 wrote:
The foreign minister was ok Lakin he lacked the progression we needed Dahir Riyales foreign minister Cawil was good I felt we went backwards with our good friend Dr Bidar.

Abdullahi Mohamed Dualeh was MFA under Daahir Riyale Kaahin. Awil was the finance minister ee sida uula soco. :o

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

xiinfaniin;964524 wrote:
^You mean supporting Jubbaland somehow proves that we are not unionist
:D
:D--you are a disappointment

Licking Kenyatta's boots in the name of your clan is worse than breaking away from Somalia, it is treason and a back stabbing of your country men.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

Alpha Blondy;964545 wrote:
Abdullahi Mohamed Dualeh was MFA under Daahir Riyale Kaahin. Awil was the finance minister ee sida uula soco.
:o

Walahi wa runta it was so long ago Dualeh was good foreign minister.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Carafaat;964540 wrote:
Xiinoow, why do always start calling names when you loose the debate.
:D

;) It is a good disguise for an utter lack of ideas

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

Tallaabo;964560 wrote:
;)
It is a good disguise for an utter lack of ideas

Indeed lol. Xin : "I am a nationalist SOMALILAND should stay part of Somalia, jubaland should not let he president of Somalia or his campaign into kismayo we should weight for orders from Nairobi they support our clan ambitions against the hags of mugdisho" lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ They have a point too. You bit a tad more than you can chew with this argument, saaxib. Sometimes, it is best to stay out of the way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeah they have a point in believing all the nonsense they believe in real life let alone their views on a online persona . Adeer even you one of their sharpest knives cannot escape from these nonsensical stories of equating Jubbaland squabble with SNM views of dismembering Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Never "equating", saaxib. However, they do have a point in that only someone who is whiter than white could have digs at SL's position re Somalia. In your case, you can't get too excited about Hassan's treatment of Jubbaland on the one hand (and you did cross the line a few times when it came to the SFG) and attack SL's positions on the other. Horta fix Jubbaland, agree with Hassan and then come back to talk about SL safe in the knowledge that nothing you do or say elsewhere undermines Somalnimo. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Understood the conflict in Kismayo might have confused few kids. But it shouldn't have you confused awoowe.

 

Kismayo conflict is a play in the park compared to what Somalia has gone through. Yet we always maintained our views on Somalia's unity even as we shot down those with anarchist tendencies in the South. And further more, this Kismayo issue has nothing to do with dismembering Somalia however rough its politics may seem.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

^^^ when the jubaland initiative came to the fray it was a Kenyati led objective to create a buffer zone inside Somalia to insure Kenyan security. You take orders from Nairobi not mugdisho therefore you are dismembering Somalia only you are to blind or ignorant to see it. Stop preaching unity and let the president of Somalia and his government deal with juba issue he is your president. You are in no position to lecture others when you are hiding behind Kenyan tanks swearing at your own president.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirkii Hore Ee Daakhiliga Oo Xilkii Wasaaradda Ku Sagootiyay Khudbad Qiiro Leh

 

June 29th, 2013

 

“Haddii la iga Filayay Inaan Matago oo sidii Nin Cadhaysan u Hadlo, cidii intaas iga Sugaysay Raali ha iga ahaato”

 

“Culays Baa iga degay, waxaan ku faraxsan nahay inaan ku biiro inta Nasatay, Madaxweynahana waan uga mahad naqayaa”

 

“Waxaan ka ilaalin doonaa Bulshadda wax kasta oo kala fogayn kara bulshadda Somaliland sida eexda, qabyaaladda iyo nin jeclaysiga”

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa maanta khudbad taariikhi ah oo laab qaaday dadweynaha ku sagatootiyay xilka Wasaaradda daakhiliga Somaliland oo uu maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Wasiirka cusub Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo Madaxweyne Siilaanyo magacaabay Isniintii todobaadkii hore.

 

Xafladii xil wareejinta oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda, Taliyeyaasha ciidammadda Booliska, xeebaha, laanta socdaalka, Wasiir ku xigeenadda wasaaradda Daakhiliga, agaasimeyaasha waaxaha, shaqaalaha wasaaradda Arrimaha gudaha iyo marti-sharaf kale.

 

Wasiirkii hore Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa u mahad celiyay shaqaalaha wasaaradda iyo ciidamamada kala duwan ee wasaaraddu xukunto, waxaanu yidhi “Wax baa noo qabsoomay oo wada jir iyo isku duubni ayay wax noogu qabsoomeen. Himilo ayaanu lahayn oo aanu hiigsanaynay in halkii laga qaado oo la sii wado ayay u baahan tahay. Haddii aanu wax ka gaabinayna waxa masuulka cusub Madaxweynuhu u doortay inuu dar-dar geliyo oo uu halkii ka sii qaado,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Daakhiligu.

 

Wasiir Duur waxa uu sheegay in wasaaradaas mudadii uu Wasiirka ka ahaa ay ku soo mareen duruufo kala gedisan oo uu wax ka bartay isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waayo ayaa igu soo maray Wasaaradan adag oo duruus iyo cibro ayaan kala kulmay, casharro ayaan ka bartay, aad ayaan ugu faraxsan nahay duruustaas. Waxay iigu jirtaa baal dahab ah. Dacaladda Somaliland Bari illaa Galbeed ayaan bulshadda degta cid walba hor-fadhiistay anigoo nabad iyo wanaag doonaya. Casharro ayaan ka bartay ii dhaxal noqon doona.”

 

Wasiirkii hore oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxay I dhaxal siisay ayaan idiin sheegayaa waxay I dhaxal siisay inaan nabadda dhawro oo nabad dhawre noqdo. Waxay I dhaxal siisay inaan danta dhawro, waxay I dhaxal siisay inaan Masuulka dhawro cid uu yahay-ba. Dantu waa khafiif. Adeegaha danta guudna waxa uu ilaalinayaa wax khafiif ah, markaa waa qof nugul, laakiin qofka tuuraya ee shiidaya danta guud ee dhaawacayaa ma oga nugulka ay danta guud tahay.

 

“Dantu waa quraarad oo way jabaysaa oo waxay u baahan tahay in la dhawro, qaranka Somaliland-na waa qaran daciif ah oo dhawr iyo labaatan sanadood ayuu soo jiray, laakiin wali halkii uu doonayay ma uu gaadhin. Mudadaas dheerna wali waa raad barad, dhaqaaluhuna waa qadhiidh oo wax yar baa wax lagu wadaa,”ayuu yidhi Mr. Duur.

 

Wasiirkii hore waxa uu intaas ku ladhay “Adeegaha danta guudna ee masuuliyadda intaas leeg ilaalinayaa, in loogu duceeyo oo la yidhaahdo ALLE ha kugu asturo mooyee, tuur-tuur uma baahna waxaynu baranay in hadba Tagtaa ay fariidadii tahay, cida joogtaana uu aabihii naarihii yahay. Waxaan idinka codsanayaa in Fariidku ka jooga noqdo oo aanu kii tagay noqon. Waa in farriidka iyo kii taageeradda u baahnaa uu yahay ka jooga uu noqdo.”

 

“Guul-darada adeegeyaasha danta guud oo ah masuuliyada qaranka, guul-daradoodu waa guul daradda qaranka, fashilkooduna waa fashilka qaranka, ummaddana waxay ka sugayaan taageero, laakiin waxaan qirayaa in shacbiga reer Somaliland ay shacab wanaagsan ahaayeen, khalad waa jiraa, waxyaabo way inagu soo baxeen, duruusi way dhacday, qabyaaladii baa dib u soo kacday, doorashadii baa carisay illaa ciyaarihii bay gaadhay,”ayuu yidhi Mr. Duur.

 

“Waxaan u mahad naqayaa ciidammadda kala duwan ee danta iyo daciifka ku samray. Shalay waxa la iga rabay masuuliyadda amniga qaranka, maantana Anigaa amnigayga gaarka ah xataa u daba fadhiisanaya Cali Waran cadde (Wasiirka Cusub), culays baa iga degay, waxaan ku faraxsan nahay inaan ku biiro inta nasatay. Madaxweynahana waan uga mahad naqayaa, Waxaan noqonayaa nabad dhawre, waxaan ku biirayaa inta nabadda jecel ee daljiraha ah, waxaan dusha ka ilaalinayaa oo dayr u noqonayaa in danta qaranku guulaysato, ”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Daakhiligu.

 

Wasiir Duur waxa uu sheegay inaanu caytamayn isla markaana aanu mantagayn haddii xilkii laga qaaday, waxaanu yidhi “Haddii maanta la iga filayay inaan mantago oo sidii nin cadhaysan u hadlo, cidii intaas iga sugaysay raali ha iga ahaato.”

 

Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo halkaasi ka jeediyay khudbad dheer ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Somaliland xilka culus ee uu u magacaabay, waxa kale oo uu u mahad celiyay Wasiirka xilka wareejinayay.

 

Waxa uu sheegay inuu xilkiisa u gudan doono si daacadnimo, xilkasnimo iyo waddaniyad leh. “Waxaan ka ilaalin doonaa Bulshadda wax kasta oo kala fogayn kara bulshadda Somaliland sida eexda, qabyaaladda iyo nin jeclaysiga.waxaynu u baahan nahay inaynu dhexdeena ka abuurno jawi iskaashi, wada tashi iyo is aamin si loo heli shacbi wada jira oo ka qeyb qaadan kara horumarinta dalkooda,”ayuu yidhi Wasiirka cusub Md. Cali Maxamed Waran-cadde.

 

Wasiirka cusubi waxa uu balan qaaday inuu dhawri doono xuquuqul insaanka iyo xoriyatul qawlka. Wax kale oo uu xusay inuu la diriri doono kooxaha habeenkii dadweynaha ku laayana,kuna baadha dariiqyada xaafadaha magaalooyinka waaweyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this