Sign in to follow this  
xiinfaniin

Former Prime Minister Abdirizak Haji Tells Hassan Sheekh to Back Off from Kismayo

Recommended Posts

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ” Maamulka Jubaland iyo Ahmed Madoobe sharci ayaa lagu doortay, balse raga kasoo horjeeda Xamar ayaa laga soo diray ”

June 24, 2013 - Written by admin - Edited byadmin

 

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen hadda ku dhaw da’da 90-jirka ayaa waxaa uu warbaahinta VOA- Laanteeda Soomaalida la hadasho u sheegay sida uu u arko maamulka Jubaland iyo doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe iyo raga kale ee xilkaasi la sheegtay.

 

Cabdirisaq Xaaji Xuseen ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay in maamulka Jubaland uu waafaqsan yahay dhismihiisa dastuurka federaalka ah ee dalk Soomaaliya loo sameeyey. Waxaana uu sheegay inay dhisteen maamulkaasi dadka deegaanka oo si sharci ah ugu sameystay maamul wax ka qabta baahidooda maamul.

 

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Axmed Madoobe uu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Jubaland wixii ka soo harana ay yihiin rag fowdo wada oo laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, isagoona si gaar ah ugu eedeeyey inay dowlada Soomaaliya ragaasi usoo dirtay inay dhib ka abuuraan Kismaayo iyo maamulkaasi dadku ay dhisteen.

 

Cabdirisaaq Xaaji” Axmed Madoobe sharci ayaa lagu doortay, maamulka uu madaxda ka yahayna waa mid waafaqsan oo la jaanqaadaya dastuurka federaalka ah ee dalka u yaal. Marka aan sidaasi leeyahay waxaan soo xiganayaa ragii la tartamayey Axmed Madoobe waxaa ka mid ahaa Shiikh Shakuul oo ah ganacsade aan ka ah Kenya iyo Somaaliya kaasi oo markii uu arkay in awooda doorashada uu kusoo baxayo Axmed Madoobe uu isaga haray doorashada, isagoona taageeray qaabka ninkaasi lagu doortay. Sidaasi darteed ragan kale ee 4-ta ah ee kadib xilka iska sheegtay waa kuwa Muqdisho laga soo diray, rabana inay dhib un ka shaqeeyaan oo dowlada ayaa sidaasi usoo wakiilatay” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

 

Dowlada Soomaaliya ayuu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ku amaanay dadaalkeeda xirirkii caalamiga ahaa oo ay dib usoo celisay, isagoona sheegay inay dowladan ku fiican tahay marka laga hadalyo arrimaha dibada. Balse waxaa uu sheegay inay dhibaato xoogan ka heysato arrimaha gudaha oo ay ugu horeeyaan ammaanka iyo arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka.

 

” Dowlada arrimo lagu ammaano ayey ka sameysay xiriirka dibada , waxaana dhihi karaa guulo la taaban karo ayey ka gaartay intii yareyd oo ay jirtay, balse waxaa heysta guuldaro midii ugu weyneyd oo kasoo wajaheysa gobollada dalka Soomaaliya gaar ahaan Jubaland oo ay ku mashquushay, waliba ay u abaabushay nidaam looga hortegayo oo fowdeysan ” ayuu yiri Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Ra’iisul wasaare hore oo Soomaaliyeed.

 

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen eedeynta uu jeedinayo waxaan isagana ka nabadgelin madaxweynaha Puntland Dr, Abdirahmaan Faroole kaasi oo uu sheegay in qaab beeleed uu ku garabtaagan yahay maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe, isagoona arrintaasi ka leh mid siyaasadeed oo uu rabo inuu kusoo galo doorashada Puntland.

 

” Abdirahmaan Faroole waxaa uu sameynayaa nidaam qaldan oo qabyaaladeed. Waxa uu maamulka Axmed Madoobe si cad meel fagaaro ah oo Nairobi uga sheegay inuu taageerayo, isagoo taasi qabiil ahaan ku muujiyey. Siyaasad ayuuna arrintaasi ka leeyahay waana inuu rabo inuu reer Puntland isaga dhigo nin u taagan danta ******* oo ka celiyey qaska laga soo abaabulo Xamar, laakiin taasi lafteeda ayaaba dhib ugu filan dadka wada degan Jubooyinka kuwaasi oo aan ******* un aheyn” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

 

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa mar uu ka hadlayey xilliga uu ku noqonayo Soomaaliya ayuu sheegay inuu jecel yahay sida ugu dhaqsiyaha badan balse uusan arkin hadda safar uu ku aadi karo Soomaaliya. Waxaana uu intaasi raaciyey in noloshiisa inta ka dhiman uu la jecel yahay Soomaaliya oo nabad ah.

 

Hadalka mas’uulkan kasoo mid ahaan jiray madaxdii ugu horeysay Soomaaliya waliba xillii ay dowlada Soomaaliya ugub aheyd ayaa waxaa uu noqonayaa mid miisaan culus leh. Waxaana la ogeyn sida ay wax ugu qaadan doonaan madaxda siyaasadeed ee maanta maamulka Jubaland ku muransan oo ay ugu horeeyaan Dowlada Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe.

 

Warbaahinta Kismaayo24.com kala soco warbixinadii ugu danbeeyey dalka iyo dibada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra,iisal Wasaarihii Somalia 1964-1967 oo taageerey Doorka Siyaasada Somalia ku wajahayaan Madaxda Puntland,Warbixin..

June 22, 2013 10:36 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor

 

 

Ra’iisalwasaarihii Xukuumadii Soomaaliya sanadkii 1964-1967 Abdirizak H. Hussein ayaa sheegey inuu waafaqsan yahay wadadii ay mareen Madaxda ay ka mid yihiin Cumar C/rashiid oo Ra,isal wasaare Somalia kasoo noqdey, Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole iyo Cabdiwali Cali Gaas oo isna Ra,iisal Wasaare Somalia kasoo noqdey xilligii kala guurka ee laga gudbayey KMG-nimada Somalia.

 

Abdirisaq Xaaji XuseenCabdi Risaaq Xaaji Xuseen oo Wareysi siiyey Xarunta Taxliiliinta Siyaasadda iyo Cilmi Baarista ee CFPAR (Center for Policy Analysis and Research, oo ah Hay’ad Somali-American ah, ayuu C/risaaq Xaaji Tilmaamay in Somalia ay suurto gal tahay inay ku laabato Calool xumadii Muqdisho ka dhacay sanadkii 1991-dii .

 

Wuxuu tilmaamey inay ahayd taariikhdaasi musiibo weyneed oo aanan waligood hilmaameen ummada Soomaaliyeed, madaama Muqdisho ay ahayd magaaladii ay maalgashteen dhamaan ummada Soomaaliyeed islamarkaana laga soo ceyriyey hantidoodii iyo maalkii ay lahaayeen ayna si fudud ku hanteen ******** aan habeena usoo dhididin hantidaas.

 

Mudane C/rasaaq waxa uu tilmaamey inay ahayd natiijadii dhacdaasi ka dhalatey mid aan la dhayalsan karin oo kaliftey in Muqdisho isku rogto mid ay nooshahay hal beel , ayna ahayd sababta dhalisey maamulada ay ka mid tahay Puntland mid ka timid colaadii halkaasi ka dhacdey oo aysan hilmaami doonin dadkii laga soo barakiciyey magaalo Madaxdii Soomaalia.

 

Wuxuuna Yiri Isagoo Arrintaas ka hadlay:( this comes from those who affiliate with the ******* clan. It goes back to the grievances of what happened in Mogadishu in 1991. It was a great tragedy that they will never forget; they were expelled from the city that they invested; their properties were looted, and human lives were lost. As a result, unfortunately, Mogadishu has become a place that belongs to one clan. This is why we see the notions of “Puntland and Jubbaland,” and other so-called “lands” that we hear from here and there.)

 

Dhanka kale Abdirisaaq waxa uu fariin u direy dadka degan Muqdisho ee ku harey ka dib barakici iyo halaagii dhacay 1991-dii , wuxuuna yiri” Reer Muqdisho, ma garwaaqsana qaladaadkii dhacay…illaa maanta aan kula hadlayana ma maqal weli qof ayaga ka mid ah oo raali gelin buuxda ka bixinaya wixii dhacay 1991-kii. Haddii aynu u baahanahy inaynu Soomaali dib isugu keenno waa in arrintan aynu ahmiyad siinnaa”

 

Iyadoona taas bedelkeeda ay u dhigneyd markii uu Ra,iisal wasaarihii horre ee Somalia la hadlayey Reer Muqdisho waxa uu yiri:(On the other hand, my fellow brothers who reside in Mogadishu area, I don’t think they have realized the wrongdoings that happened, and as of today, I have not heard anyone who offered a full and public apology of what happened in 1991. If we want to bring Somalia back together, this issue needs to be prioritized. In my view, if we want to keep Mogadishu as our capital, the constitution must clearly indicate that it must be like Washington DC; a federal city that its borders are known; a federal city that has federal security system; and most importantly every Somali can feel its ownership. That is the only way that Mogadishu can be seen as a capital city for Somalia. We have to be truthful to one another if we want to reach a solution)

 

Ugu danbeyntii Waxa uu kula taliyey C/risaaq Xaaji Huseen Dowlada Federalka Somalia in looga fadhiyo soo celinta Somali loo dhan yahay islamarkaana ay daah iska saarto daciifada iyo wadooyinka aan wanaagsaneyn ee ka dhex muuqanaya Madaxda Dowladu inay u haqal taagayaa.

 

Xigasho: Wareysigii ay la yeeheesheen C/risaaq Xaaji Xuseen The Center for Policy Analysis and Research

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudane Abdirizak should be more neutral in this inuu isku keeno mooye he have no right to say hassan is wrong and madoobe is right specially when both sides are at fault otherwise he'll loose face

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ma hubtaa Canbuulo in ' both sides are at fault' yihiin?

 

al cadaalah muhim; one of them said he will never recognize the outcome of a conference where more than 500 people gathered for a close to a year. Tolow xaggee wax ku ogaa , and what kind of a logic did he use to boldly proclaim such an authority ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^they are close xaaji xunjuf ---unlike the separatists , our disagreement does not prevent us from talking and respecting each other

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;963949 wrote:
I think an agreement is inevitable now ,.

Agreed.

 

but the government paid a price in terms of trust and credibility

Exactly how? The president tried to reach for Madoobe many times and we've seen its fruits thus why the government is playing tough politics.. We need to distinguish the fantasies and the reality and by that i mean the media and their daily fabrications

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^The president is on record saying 'he will never recognize' the outcome of Kismayo conference. That is not fantasy or fabrication, it was a bad slip of the president.

 

Now whatever face saving formulations that will be put in place, one thing Jubbaland supporters can sleep on is their efforts will not be wasted and the state foundations are set in.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinow i like to hear that audio preferably the whole speach as that bit could've been taken out of context. I doubt it though why would he risk saying something that can endanger his legitimacy?

Share this post


Link to post
Share on other sites

C & C ,

 

Actually it was a prepared speech for president's parliament speech. If it was an interview I would have given the president the benefit of the doubt. But to include such an obvious defeatist statement in a prepared remarks is a recipe for losing credibility.

 

The president lost credibility and trust among large segment of Somali people because of his actions on Kismayo. He can repair , and he does have a time indeed,but that requires to suppress his ego and eat some words back...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinow do you remember when i said you puntlanders only talk,talk and talk this is why. :D

 

You said he was on record saying that yet you cant provide any evidence. Hadal maan waadeyna?

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;963952 wrote:
^^they are close xaaji xunjuf ---unlike the separatists , our disagreement does not prevent us from talking and respecting each other

Lol i love how Xiin tries to create some imaginary Unity between Koonfurians, this is just cute but the reality tells other wise

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this