Sign in to follow this  
xiinfaniin

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Itoobiya oo la bedalay iyo kuwo cusub oo la magacaabey

Recommended Posts

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay Khamiis kasta isugu yimaadaan ayaa maanta lagu shaaciyey Shan Safiir oo loo magacaabey in ay Dowladda uga wakiil ahaadaan qaar kamid ah dalalka Deriska iyo kuwa Qaarada Yurub.

 

Gen. Muuse Xassan Cabdulle oo ka mid ahaa Baarlamaanka isla markaana haa mudanaha ugu da’da weyn ee shirguddoominaayey baarlamaanka ka hor inta aan la doooran Afhayeenada Baarlamaanka ayaa lagu xoojiyey in uu Soomaaliya wakiil uga noqdo Xiriirka dalka talyaaniga.

 

Axmed Cabdisalaam oo Xukuumaddii raysalwasaare Nuur Cadde ka soo noqdey Wasiir ayaa loo magacaabey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, halka Safiirka laga bedalay Itoobiya Siciid Yuusuf Nuur loo magacaabey safiirka cusub ee Tansaaniya u fadhin doona Soomaaliya.

 

Golaha Xukuumadda ayaa sido kale isku raacey in Cali Siciid Faqi uu noqdo safiirka cusub ee Dalka Biljamka iyo Midowga Yurub, kuwaas oo uu horey u hayey Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde9 Safiirka Talyaaniga.

 

Safiiradan cusub ayaa la sheegay in ay soo jeedisey Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dowladda Xassan Shiikh ayaa lagu eedeeyaa in ay Safiirada Soomaaliya u fadhiya ay ku soo xuleen qaab ka baxsan caddaaladda isla markaana lagu qaybiyey ay eex iyo qabyaalad, iyada oo aan loo eegin aqoonta diblomaasiyiinta iyo qaabka dib u heshiineed ee Soomaali wax ku qaysbaneysey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Cadaalad xumo weyn ayaa ka muuqato magaabistan 5 safiir waxaa loo qeybiyey

 

2 from SAHAL GROUP

1 FROM HAG

1 D/M

1 FROM BURCO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this