Sign in to follow this  
malistar2012

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Somalia oo Maanta ku ansixiyey Shirkoodii Danjirayaal cusub oo la Magac

Recommended Posts

Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo maanta yeeshay kulan uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaare Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ayaa lagu ansixiyay magcaabista shan safiir oo cusub.

Danjirayaasha la ansxiyay ayaa waxay kala yihiin: Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo loo magacaabay daniraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya, Cali Saciid Faqi oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Belgium iyo Midowga Yurub, Nuur Faarah Xirsi oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Malaysia iyo Saciid Nuur Yuusuf oo horay u ahaa danjirihii Soomaaliya ee Itoobiya oo loo wareejiyay dalka Tansaaniya.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa magcaabista safiirrada ku tilmaamay inay ka mid tahay qorshaha xukuumaddiisa ee xoojinta xiriirka dublamaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay caalamka.

 

“Tallaabadan waxay ka mid tahay qorshaha xukuumadda ee lagu adkaynayo xiriirka dublamaasiyadeed ee aynu la leenahay caalamka iyo dar-dar-gelinta shaqada ergada dublamaasiyadeed ee Soomaaliya u jooga caalamka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu Saacid.

 

Intaas kaddib golaha wasiirrada ayaa ka dooday ammaanka dalka, waxyana warbixin laga dhegeystay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyadoo wasiirku sharraxaad ka bixiyay weerar ay shalay A-shabaab ku qaadday dhismihii hay’adda UNDP ee Muqdisho, iyadoo markaas kaddib goluhu si buuxda ayuu u dhaleeceeyay falkaas.

 

Sidoo kale, golaha wasiirradu waxay dood ka yeesheen sidii kor logu qaadi lahaa heerka nolosha ee ciidamada Qaranka, wuxuuna goluhu boogaadiyay kaalinta ciidamada qalabka sida ee ku aaddan suggidda ammaanka dalka iyo la-dagaalanka cadawga lidka ku ah Qaranka Soomaaliya.

 

Goluhu wuxuu garawsaday in loo baahan yahay in sare loo qaado heerka nololeed ee ciidamada iyo qoysaskooda, iyadoo arrintaasi loo xilsaaray inay Khamiista soo socota talo ka keenan wasaaradaha kala ah arrimaha gudaha, gaashaandhiga, maaliyadda iyo horumarinta addeega bulshada.

 

Ugu dameyntiina, golaha ayaa ansixiyey heshiishka “Coutonu” oo ay Somalia dhawaan saxiixday, waxaana qorshuhu yahay in xukuumaddu ay dhawaan heshiishkan u gudbiso baarlamanka federaalka Soomaaliya si uu u ansixiyo.

 

Heshiishka Coutonu ayaa fursad u siiya dalalka saboolka ah ee dunida oo ay ka mid tahay Soomaaliya inay helaan deeqo toos ah iyo in laga dhaafo gabi ahaan lacagaha casnhuuraha ah ee ku waajibay.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

very bad move! appointing your own clansmen to key diplomatic posts suggests you do not trust others. While Ahmed will not change Ethiopian position on Somalia, this appointment will damage Hassan Sheikh. I don't know who is advising the President. Ambassadors in Kenya, Ethiopia and London, all from the President's clan makes one wonder why the President can't find men and women who can be trusted from other clans.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Malistar2012 advises the president

 

malistar2012;963162 wrote:
Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya

 

Good move

EDIT:

 

There are four ambassadorial posts for Somalia : Kenya, Ethiopia, Dubai, and Turkey plus London.

 

Take a look at all four plus London, and it sure depicts a picture of imbalance.

 

ps. The US has thus far refused to has a Somalii ambassador, and the UN is ceremonial post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abtigiis;963171 wrote:
very bad move! appointing your own clansmen to key diplomatic posts suggests you do not trust others. While Ahmed will not change Ethiopian position on Somalia, this appointment will damage Hassan Sheikh. I don't know who is advising the President. Ambassadors in Kenya, Ethiopia and London, all from the President's clan makes one wonder why the President can't find men and women who can be trusted from other clans.

Similar what General Afweyne used to do Tolku ha qadeyo eeh daa

Abtigiis be honest with your self the govt is fighting Jubbaland autonomous states who might get support from Ethiopia and Kenya. He needs to have a trusted diplomats in the neighboring countries.

 

By the way they were appointed by the Prime Minister

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this