Sign in to follow this  
malistar2012

Dowlada oo Bilaabeysa Dagaalkii Al-Shabaab looga saari lahaa goobaha ay ku suganyihiin “Dhageyso”

Recommended Posts

Dowlada oo Bilaabeysa Dagaalkii Al-Shabaab looga saari lahaa goobaha ay ku suganyihiin “Dhageyso”

http://balcad.com/wp-content/uploads/2013/06/Abaanduulaha-C.risaaq-Qaliif-i.mp3" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga Soomaaliyeed Mudane Cabdirisaaq Qaliif Cilmi ayaa sheegay ineey bilaabalaayaan Dagaal wajigii labaad ee looga saarayo Ururka Al-Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Dalka.

Abaanduulaha oo ka hor hadlayay 1,000-askari oo towbar loogu xiray Muqdisho ayaa Sheegay ineey Diyaariyeen Ciidamadii Al-Shabaab ka saari lahaa Deegaanada ay kaga Sugan yihiin Gobalada Dalka Soomaaliya.

Cabdirisaaq qaliif abaanduulaha ciidamada Xooga Soomaaliyeed ayaa hadalkiisa intaasi ku daray ineey tayeeyeen Ciidamada xooga Soomaaliyeed isla markaana ay abuud buuxda u leeyihiin in Ururka Al-Shabaab ay deegaano horleh kala wareegi karaan.

Halkaan ka Dhageyso Hadalka Aban Duulaha Ciidamada Xooga Soomaaliyeed

Hadalka Abaanduulaha ayaa ku soo beegmaya xili Ururka Al-Shabaab mudooyinkii ugu danbeeyay laga saarayay deegaano muhiim ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ayaa ka jira qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, halkaasoo saacadihii u dambeeyay laga dareemay, iyadoo ciidamada dowladda ay ku guda jireen diyaar garowgii u dambeeyay oo ay doonayaan in Al-Shabaab uga saaraan deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolka.

 

Wararka laga helayo Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay soo gaareen deegaan qiyaastii 9-KM u jira degmada Buurdhuubo oo ay ku sugan yihiin Xoogaga Shabaab.

 

Ciidamada ayaa ka soo dhaqaaqay saldhig ay ku lahaayeen degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, waxaana deegaanada qaar ee gobolka xilligan ka jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka duwan kuwii horay loo arki jiray.

 

Xoogaga Al-Shabaab ayaa diyaar garow ballaaran ka wada degmada Buurdhuubo, iyadoo dadka deegaanka ay la soo deristay cabsi ku aadan dagaalo halkaas ka dhaca.

 

Inta badan deegaanada Gobolka Gedo ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda, halka labo degmo oo kala ah Baardheere iyo Buurdhuubo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

it will be common sense for the new troops to liberate Baraawe , Buule burde and ceelbuur first .......Alshabaab will soon be history they are surrounded everywhere ................

Share this post


Link to post
Share on other sites

The government is busy fighting Kismayo , not Alshabaab. That was where the defense minister has been cooking a mini civil war, and almost succeeded.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiisad tuu ugu darneed ayaa haatan waxay ka bilaabatay degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan ka dib markii halkaasi ay u dhaqaaqeen ciidamada diowladda iyo Kuwa AMISOM ee ka socda Jabuuti.

Ciidamada Al-shabaab ayaa difaacyo deg deg ah waxay ka qodanaayaan halka degmadaasi laga galo, waxaana ay u diyaar garoobeen inay ciidankaan kusoo wajahan ay la dagaalamaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ayaa la sheegayaa inay wataan dabaabaadka dagaalka sida Taangiyo iyo waxyaabo kale oo aad u badan, waxaana ay doonayaan in degmadaasi Al-shabaab ay ka saaraan.

Shacabka ku dhaqan halkaasi ayaa dhankooda waxay bilaabeen kala carara xoogan, waxaana qof walba ay afka aadisay halka ay nabad ku heli karto.

Lasoco wixii soo kordha.

Balcad Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo Al-shabaab kala Wareegay Deegaano ka Tirsan Gobolka Hiiraan“Sawirro”

 

 

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgallo ay si wadajir ah uga sameeyeen qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan waxa ay kula wareegeen ilaa afar tuulo oo ka tirsan gobolkaasi oo ay horey ugu sugnaayeen Maleeshiyaadka kooxda argagixisada ah Al-Shabaab.

 

Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka Baar iyo tuulooyin hoos yimaada halkaa oo ay mudooyinkii ugu danbeeyay dadka shacabka ah ku dhibaateynayeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

Ciidamada ayaa si nabdoon saaka kula wareegay goobahaasi iyago maleeshiyaadkiina iska cararay waxna ciidamada si weeyn u soo dhaweeyay dadkii deganaa goobahaasi oo sheegay in ay mudo sugayeen inay arkaan ciidamo ka socda dowlada soomaaliya.

 

Taliyaha Ciidamada Militariga ee Gobolka Hiiraan Col Tawane Axmed gururey ayaa sheegay in ay kula kulmeen deegaanada ay saaka gacanta ku dhigeen dad badan oo u sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay dhaceen xoolahoodii.

 

Col Tawane ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada inta xureynayaan guud ahaan gobolka Hiiraan maleeshiyaadka Kooxda Burburtay ee Al-shabaab.

 

Dhinaca kale Taliye Cismaan Dubad Sugule oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada B/weeyne ayaa sheegay in aysan jirin wax iska cabin ah oo ay kala kulmeen A-lshabaab waxaana uu intaasi raaciyay in howlgalkaasi ay ku soo qabteen ilaa 20 qof oo loga shakiyay in ay ahaayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab oo goobahii ay joogeen lagaga cararay.

 

Korneel Cismaan dubad wuxuu intaa ku daray in howlgalka uu bilow u yahay qorsho ay AMISOM ku dooneyso in ay Al-shabaab kaga xureyso dhamaan degmooyinka ay ka joogaan Gobalka Hiiraan.

 

Ciidamada Xooga dalka soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan in guud ahaan gobolka Hiiraan ay ku soo celiyaan gacanta dowlada soomaaliya oo laga xureyo maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al-shabaab.

 

cidamada.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya ayaa la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, iyagoo ku sii siqayay deegaano hor leh.

 

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada oo wada jira ah ayaa la wareegay afar deegaan oo hoos taga degmooyinka Khoryooley iyo Awdheegle.

 

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada deegaanada ay la wareegeen aanay wax iska hor imaad ah kala kulmin, iyadoo Shabaab ay isaga baxeen.

 

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada huwanta ayaa waxaa ka mid ah Mubaarak, Ugunji, Nuun iyo deegaanka Furuqleey oo isku xirta degmooyinka Khoryooley, ********* iyo Afgooye.

 

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa ku sii siqaya degmada Khoryooley oo ka mid ah degmooyinka ugu waa weyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa ciidamada huwanta wadeen abaabulo iyo guluf dagaal oo ku wajahan deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka, iyadoo degmada Baraawe ay tahay saldhiga ugu weyn ee Al-Shabaab.

 

 

Somali news leader

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lol...Culosow fight Al Shabab? Not in this lifetime mate.:D

 

Malistar, if I were you I'd tell the president Al Shabab is in Kismayu and then we can be certain Al Shabab's days are over.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tillamook

 

Culosow is wise man he first trained his army then received moderate weapons and know is on the offence to defeat alshabaab once and for all ...........

Somalia: Govt Troops and Amisom Troops Gain Control of More Towns in the Lower Shabelle Region.

 

Marka- — Somali government troops and AMISOM troops took control of several towns in the lower Shabelle region of Somalia yesterday.

 

The troops gained control of Mubarak,Ugunji,Nuun and Furuqley towns which fall under Qoryoley and Audinley districts in the lower Shabelle region.

 

Alshabab previously controlled these Districts and they were forced out by the surging troops who are on a mission to expand government controlled areas in Somalia.

 

Government officials in the region said that they will not stop there and will advance deeply until the whole region is liberated from the Alshabab militia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Talk is cheap ina-adeer: If anything gets liberated,we shall all be here when and if it happens. As for Culosow being wise, I think you should relearn the meaning of the word 'wise', as I am certain you're not using it correctly.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this