Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Is this True.

Recommended Posts

Muqdisho: Askar ka tirsan AMISOM oo gacanta ula tegey taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya

on June 12, 2013

 

saacidWaxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho arrin dadku aad ula yaabeen, kadib markii Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdixakim Dahir Siciid (Saacid), laba askeri oo ka tirsan AMISOM ay gacanta ula tageen, isla markaana jajuubeen.

 

Arrintan ayaa ka dhacdey Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, halkaas oo ay imaanayeen wefdi ka socdey Midowga Yurub oo kulan la qaadanayey Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, Gen. Cabdixakim Dahir Siciid (Saacid) ayaa tegey halkaas ka hor Madaxweynaha waxaana uu watey ciidamo hordhac ah oo u eegayey xaaladda amniga.

 

Laba Askeri oo ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa u diidey in ay galaan isku day ay damceena si jajuub ah uga soosaarey, waxaana ay u sheegeen in ay halkaas ka taliyaan, isla markaana sinaba ugu oggolaaneyn in ay galaan.

 

Cod maqal ah oo laga duubey fadeexadii maanta ka dhacdey halkaas ayaa la amqlaaya gen.Saacid oo ku dhawaaqaya in uu yahay Taliyaha ciidanka Booliska, sidoo kale waxaa isla codka laga maqlaayaa iyaga oo dhahaya ciidankayaga oo dhan ayaan la baxaynaa, ha itaaban iyo erayo kale.

 

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan AMISMO ay soo dhexgaleen arrinta mar danbe taliyaha loo fasaxay in uu galo isla markaana su’aalo la weydiinayo labadii askeri ee falkan la yaabka leh kula kacay Taliyaha Booliska Soomaaliya.

 

Xukuumadda federaalka ah iyo Xildhibaano ayaa horey uga qaylin jirey AMISOM-ta joogta Kismaayo, waxaana ay isticmaali jireen erayo ah Kismaayo waa dhul Soomaali kadib markii garoonka lagu celiyey, waxaase hadda laga hadlaayo waa caasimaddii dalka oo lagu xumeynaayo sarkaalkii u sareeyey ciidanka Booliska.

 

Dhegayso codka maanta laga duubey:

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Dont touch me" aa ka dhacday. It's hard to verify the authenticity of these audios, but will be embarrassing if the story is true as it's reported.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this