Sign in to follow this  
Abtigiis

Goddedkii Saleebaan

Recommended Posts

Abtigiis   

Qaybta 1aad

 

Inkastoo dadka ku nool tuulada uu ku dhashay Saleebaan ayna ogeeyn, reer guuraaga ka ag dhow waxay Saleebaan ku yaqiineen dhow arimood. Waxay odhan jireen saleebaan siduu u itaal gaaban yahay, uma aqli gaabna. Waxaa kale oo ay odhan jireen waa nin farsamooyin badan oo yaqaan sida mashaakilaadka isaga shaqsi ahaan ama eheldiisa la soo guddboonaata lagu furdaamiyo. Ma aheyn geesi guulaha uu ka soo hooyo dagaalada loo mashxarado, mana aheeyn fulay kawaabta inuu sheegto waxa uu rabo. Hadii ay la qumanaan waydo talada saaxiibadii waa uu u sheegi jiray oo waliba qaadici jiray fikirka dadka kale hadii ayna la qumanaan.

 

Intii ayna bulshadu u yeelin canbaar ba’an oo ah inuu yahay qof meel ku dheg leh ama khilaaf iyo isqab qabsi dadka u horseeda, wuxuu ahaa hogaan ilbax ah oo bulshada horseed keeda ah. Waxaa taladii ba’day oo uu murugo iyo ciil la ilmeeyay maalinkii gacan ka xaq daran ay dishay wiilkiisii curad, gacantaasina ay aheyd gacan sokeeye. Iyadoo haweenkii reerku ayna furin asaydii, ayey dhacday masiibo micno tirtay geeridii Shar’maarke – waa curadkii Saleebaane.

 

Waxaa war balaf ah Saleebaan ku soo gaadhay in ninman ay jaar ahaayeen balse ayna isqayrsan jirin, ay qorsheeyeen in ay dhisaan Ugaas cusub oo aanu ka war hayn Saleebaan. Saleebaan arintaa waa la yaabay.

 

“Haday ugaasnimo ilmo Saleeye damceen, gartay. Waa rag iyo damacii. Balse aniga miyaan la ila socod siinayen?...Ma Ugaas aana wax ka dhisin ama aana dhismihiisa wax kala socon ayaa dhismi karaa? Xagee lagu furi awrka loo dhaamiyey?”

 

Saleebaan fajac iyo yaab ayuu la hurdo waayey.

 

Wuxuu ku riyooday habeen isagoo gabadh quruxsan oo bikro ah loo soo hooyey. Riyo fiican ayey aheyd, inkastoo markuu lugta qaad is yidhaaba, ee uu dhankeeda u dhaqaaqaba, caghaha unu culays laga saarayey, hadana qosolka gabadha iyo qiirada ku jirta wuu ka arkayey in ay ogoshahay oo ay jeceshahay!

 

Subixii markuu soo toosay wixii ugu horeeyay ee uu la kulamy wuxuu noqday nin ay ilmaadeer yihiin oo waydiistay dayn lacageed.

 

“Kan ayey aheyd inaan Xalay ku riyoodo ...oo tan riyo la iiga dhigo”, ayuu hoos u yidhi.

 

Wuxuu la yaabay waxa wixii fiican ee uu jecel yahayna uu riyo ugu arkayo, wixii uu neceb yahayna uu u la kulmayo isagoo soo jeeda.

 

Riyo iyo dayn isagoo u kala tirinaya, ayaa loo sheegay in Ugaaskii la dhisay. Waxaa kaloo loo sheegay in bulshadii yar iyo wayn, caamo iyo culumo, ay taageereen Ugaaskii, oo waliba ay sacab u tumayaan.

 

Saleebaan ma sacab tumin. Mana dudin. Balse wuxuu go’aansaday inuuna shar iyo khayr ku darsan Ugaaska cusub.

 

Ugaaskii cusbaa se sidii la mooday ma noqon. Kolkuu arkay dadkii oo dhamaan daba booday, aad ayuu u farxay, balse wuxuu dareemay in Saleebaan maqan yahay. Aflagaadeeyn iyo takoorid ayuu ku bilaabay Saleebaan. Saleeban tii uu dhigay waa tu ilaa maanta laga sheekeeyo.

 

Duhurkoo cad ayuu weeraray xaafadii Ugaaska oo uu damcay inuu caana u kaydsanaa ugaaska uu isagu isku boqro oo isku daadiyo. Saleeban hawshaa wuxuu u xilsaaray wiil uu dhalay. Wiilkii wuu dadaalay laakiin cid khiyaantayba waa fashilmay oo la dil.

 

Kolkaas ayuu Saleebaan ka hayaamay dhulkii oo warmo meelo fog ka soo tuntay. Dabkii uu shiday isagu wax kuma helin, laakin Ugaaskii ay coloobeen iyo Ugaas ka danbeeya oo micno leh, dhulkii laga waa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Qaybtii 2aad

 

Sidaa ayuu islahaa.

 

Laakin maalin dhoweyd ayuu maqlay Ugaas hor leh baa la boqray. Isagu waa da’. Dadkii isbarte. Ma odhan karo anigu aan Ugas noqdo. Laakin wuxuu ogolaaday in ninkii Ugaas noqda ay wax wada yeeshaan. Ugaaskii cusbaa oo isba aan khayr la’hayen, ahna nin ababay intii arladu is dhex yaac sanayd, wuxuu toosh lix-iyo-toban qaad ah daba qaatay Saleeban.

 

“Waa tuug. Waa beenale. Mu’aamarad buu wadaa. Hala iska ilaaliyo”, waxaas iyo wax ka daran ayuu meel walba la istaagay.

 

Saleebaan waa yaabay. Hadaana Ugas na rabin, reero kale oo aan u taliyana aana rabin, gurigayga iyo xaaskayga inaan ku koob naado aan go’aansaday, maxaa la iga rabaa, ayuu iswaydiiyay.

 

Guryo-noqod inaan la isaga hadheeyn arag. Wuxuu go’aansaday inuu Ugaaska cusub meel iska mariyo.

 

Waa la ogaa in Saleebaan iyo Ugaasku haday isqabtaan ay labadaba u xuntahay. Laakin cidna kuma tashan Saleebaan goddad iyo boholo hor leh oo aan horey loogu aqoon ayuu heli doonaa.

 

Saleebaan wuxuu raacay nin safar ah oo dadku ay ku yaqaaneen inuu aad u talaabo-dheer yahay. Ninkaas safarka ah ayuu ku yidhi:

 

“War talo ayaan kuu hayaa, adigana safarkan ku dilay ee margiyadan caatada ah kuu yeelay kaa reeba, anigana godkan xun ee abaarta ah ee la igu bildhaansanayo aan kaga gabado. …meeshii ugu danbeeysay ee aad hada safar ku tagtay ma tahay meel tigaad badan?”

Ninkii safarka ahaa wuxuu yidhi,”haa. Waliba ma aha uun tigaade waa meel qaboow.”

 

“Maan oodano meesha oon Ugaas kale ku dhawaaqno”

 

“Way ila quman tahay”

 

Sidii bay yeeleen. Ninkii safarka ahaa wuxuu in badan iswaydiiyey “war aniga la garay oo bal waan nastaye, ninkan aan Ugas noqon, muxuu tunka iigu wataa?”

 

Saleebaan wuu garanayey in laba mid uun dhici doonto. Ama cagtii socod taqaan ma istaagtee, ninkii safarka ahaa ayaa maalin an dhaweeyn xiisoon doona oo odhan doona, “war aniga meel fadhiga waan ku xanuunsadaa’e meel baan gaadhiye, adigu sii ilaali beeraha”, ama Ugaaskii oo dadkii oo dhani leeyihiin “dee Ugaas, Saleebaan ba ma xukuntide, maxaad anaga naga rabtaa, ayaa maslaxo u arki doona inuu Saleebaan hoosta soo gashado”.

 

Ku wii odhan jiray "Saleebaan hal god loow...godkii garanee, xageed galiyey", ayuu ku qoslay.

 

Imaba yaqaanaan. Ma anigaa god waaya, ayuu yidhi, balse in god labaad oo la helay inuuna amaan aheyn waa ogaa.

 

Godded dheeri ah inuu baadi goobo ayuu go'aansaday...lacala hadii cidii uun goddkan hada uu galay ka saarto....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lol@ Saleebaan. Waryaa maad tunka sare ee Talareer ka soo qabatid, waa maxay meesha hoose ee aad ka jaan qaaday. Ugaasyada dhib ma lahee, canaasiir tiro badan baa ka hoos qaylisay, maaha? Qayba 3aad aan aragno

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Gheele, qayb Saddexaad majirto. Qaybta sadeexaad waxay ku xidhan tahay bal in ninka safarka ah ee talaabo-dheere iyo Saleebaan goddka cusub ee ay wada kuwada jireen iyo in safarkiina meeshiisii ku noqdo, Saleebaana kaalintisii helo oo ay mushkiladan soo korodhay ay kaga gudbaan....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Sheekadan Gaaban waxaan ka ilaaway DISCLAIMER aad muhiim u ah:

 

"All characters and events in this short story are entirely fictional; any resemblance to real persons, living or dead, is purely coincidental."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haatu, you may need to pm Xiin to help you decipher this..:)

 

Waryaa Abtigiis, saaxiib odaygaa da'da ah ee daalay oo waliba foodlayaal farda fuul bartay adhigii yaraa ee u haystay ay uga dur duriyeen waagii, hadda waa quus. Talaabo Dheere ayuu hadda wuxuu leeyahay, wiil dheereeya adaa aha, reerka deji, oo colka joog dheh...Marka qaybta seddexaad waxay illa tahay, talaabo dheere sidii uu safarka u furi lahaa inay noqonayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qabtii 3aad.

 

Iyadoo Saleebaan meelkastuu tagaba farsama xumadii wiilkii yaraa ee uu dhalay ku dhacday ay daba socoto, oo dadku aysan xantiisa afka ka qaadin, tallaaba dheerana tuhun naf la yahay oo shakisan yahay, ayaa Ugaaskii cusbaa gabadh markii la boqray lagu xiray uur u yeelatay.

 

Ilaahay amarki Saleebaan oo safar gaaban dhulkii ku yimid, iyo waxa alle isku beegay gabadhii oo fool ah , Ugaaskuna duub cad inta xirtay ilaahay wiil ka baryayo. Gabadhii fooshu waa ku dheeraatay, umulosooyinkii oo dhanna waxay xeelad yiqiineen waa ku dayeen, inay ilmuhu kafka dhaafaan bay diiday. Ugaaskii cusbaa duub cad iyo tuxbax reer Saleebaan lagu yiqiin buu sitaa , wuxuu ku gaaf wareegayaa aqalku gabadhu ku foolanayso. Gabadhii cillada ugu weyni waxayba noqotay inay gudaheeda qarsatto. Xagga iyo xagga laga maray oo quus buu ku dhamaaday dadaal kasta oo laysku dayey inay ogolaato in ilmaha laga dhaliyo. Saleebaan warku waa soo gaaray, inkastoo dadkii u sheegay aysan garan markii laakiin asagu gabadha si fiican buu u gartay. Goor quus la yahay inay isku dhimato laga cabsi qabo, aqalkana ay tuban yihiin ehelkii gabadha oo xatta rag aabaheed , walaalaheed iyo abitiyadeed ku jiraan ka buuxaan, kuligoodna ay ka quusteen inay gabadha ka dhaadhiciyaan inay guda qarsiga joojiso oo ogolaato in ilmaha laga dhaliyo, ayaa Saleebaan bareer usoo dhaqaaqay. Ugaaskii oo welwel badani hayo oo geed halkeer ah duub cad , kuma leexani aqalkii gabadhu ku umulaysay buu soo beegsatay.

 

Markii lays bariidiyey, xogtiina la siiyey buu yiri bal aan anigu gabadha la hadlo. Xal baa la mooday oo la fasaxyey, gabadhii markay codkiisa maqashay is furfurtay, dabadeedna waxyar ka dib wiil bay dhashay. Saleebaan horuu ka dhaqaaqay , Ugaaskii cusbaana shakigii uu awalba Saleebaan ka qabay cuqdad baa ugu darsoontay. Dadkuse nin karaama leh , gabadhuna ogoshahay bay u qaateen.

 

Sancooyinka Saleebaan inay badan yihiin la ogaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labbo nin oo tallo isu diiday hadana kala booday cid is fahansisa na la waayey , selebaan gabadh in laga hor keeno bu raba oo loo hooyo, Eeh Nin lacag weydiya ma rabo:D laakin qeybta Kobaad Selebaan gabadh bikro ah bu ku riyoonaya qeybta labaad na xaas bu leeyahay ma nin dumar kale ku riyooda isago xaas ah ba jira :D Mise xaajiyadisa kaga neefin oo waxasu gabadh kalo taahaysa ugu riyooda. Hadana waxay ku tusaysa ugaaska iyo Selebaan waxa la wayey cid u gar naqda. Nimanka tuulada ku nool ma waxa laga waayey cid u gar naqda ugaaska iyo selebaan.Wakuwan sina isu dhaafi wayeen eh, Somalidu waxay ku mah mahan gari laba nin kama qosliso ama selebaan ba qosli ama ugaaska qosli.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Qaybta 4aad

 

Talaabo-dheere ma garan la' in Saleebaan hiil u yahay, kamana xuma inay Saleebaan ay wax wadaagaan. Wuxuuba in badan iswaydiiya waxa uu intaas oo sanadood oo uu safar ku ag mari jiray tuulada Saleeban, marna uu ula dagi waayey oo bal aan wax isku darsano u odhan waayey. Wuxuu aad u dareensan yahay in inkaarta iyo tafaluulka ku habsatay uu ka baaqsan lahaa hadii Saleebaan xeeladahiisa iyo tabtiisa uu waa hore hiil bido. Wuxuu Saleebaan hada qabo amase uu maagan yahay isaga Talaabo-dheere ah iskadaaye in xataa ilaahay ogyahay shaki baa kaga jira ninka safarka ah.

 

Waayo?

 

Saleebaan hadii uu yahay nin la maleeyn karo, miyuuba naf la soo gaadhi lahaa halkaa? Soow waa hore hororka iyo dugaaga isu sheegay inuu nacab yahay ma goo'goosteen?

 

Saleebaan iyo Talaabo-dheere waa walaalo maanta. Waa niman isaaminay. Waa rag waxay awal ahaan jireenba, maanta Ugaaska kula doodaya waxaanu rabnaa in cid walba meesheeda lagu amaan galiyo.

 

Inkasta oo Talaabo-dheere uu ahaan jiray nin dadku ayna aad u hadal hayn oo kolkuu isagoo safar ah soo ag maro mooye dhib kale ayna ku qabin, hadana waxaa muuqata in sidii Saleebaan ay isu heleen, uu bartay xeelado cusub oo aan horey loogu aqoon. Dadka qaar baa yidhaa Saleebaan baa ilbiyey!

 

Talaabo-dheere wuxuu leeyahay waxbaan ogol ahay isagoo wax diidan. Taasi dabci dadkii yaqaanay ay Talaabo-dheere ku ogaayeen ma aha. Taas wuxuu ka bartay Saleebaan, oo waa marag ma doonto.

 

Waxaase nin cadaan ah oo daraasad ku saabsan xidhiidhka ka dhaxeeya Somalida iyo xawayaanka la yidha bahal-hiiglo - ee isjecel inay is dugsato balse aan isu adkeysan Karin urka afkooda awgeed - uu sheegay in ay suurtagal tahay in Ugas ka ay u suxul duubteen inay iska celiyaan Saleebaan iyo ninka safarka ah, cadow ka sokeeya tuulada ay beerta ka sameeysteen ka kaco.

 

Hadii taasi ay dhacdo, Talaabo-dheere waxoogaa waa ka xumaan, balse waxaa ilaahay mahadii ah in cida laga yaabo inay qaadato beerta tuuladu ay yihiin Ilmo-Saleeye oo ah nimankii waagii curadka Saleebaan dhintay boobay rer-Saleebaan. Ilma-Saleeye iyo Saleebaan isma jecla, laakiin Talaabo-dheere muddo ka badan 20 sano wuxuu alaabta u qaadi jiray oo uu u safar geeyn jiray ilma-Saleeye. Markaa Tallbo-dheere wuxuu isku qanciyey oo hadii beerta la qaato yaa cidla istaagi?

 

Kolkaan ugu yar ahay Saleeyaan saliga u qaadi sidaydii!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

I don't understand every part of the story (though I get the hint) lakin waxaan huba inuu Xiin god khalad iska galay. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ lool god khalad ah iska galey, aniguba sheekadan iguma socoto, one problem is that ma aanan akhrin ehehe

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE;961260 wrote:
I don't understand every part of the story (though I get the hint) lakin waxaan huba inuu Xiin
god
khalad iska galay.
:D

Waa intii Abtigiis kuu sheegay.

 

Abtigiis and I understand each other. The rest dont matter :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this