Sign in to follow this  
MoonLight1

Now they blame PLanders SLanders for Muqdisho's inflation.

Recommended Posts

Jawahir Cali ``Xamar guryihii waxaa qaali ka dhigay dadka ka soo laabanaya gobolada Puntland & Somaliland``

(WARBIXIN XIISO LEH)

 

 

Jawaahir Cali oo ka mid ah Ururka haweenka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa ku nuuxnuuxsatay in isbedeladda dhinaca nabadda & horumarka ah ee ka hana-qaaday Magaalada Muqdisho muddooyinkii ugu dambeeyey in ay suurtageliyeen in ay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtaan dadkii horay ugu qaxay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya horraantii 1991-dii.

 

Jawaahir oo maanta ka hadleysay shir ururka haweenka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxey ammaan u jeediyey Guddoomiyaha & Duqa Gobolka Banaadir Tarzan oo ay sheegtay inuu yahay halyey u guntaday sidii ay dadkiisa uga bixi lahaayeen dhibaatada ku raagtay.

 

Jawaahir waxey sheegtay in magaalada Muqdisho oo hadda ammaankeedu si wanaagsan u soo hagaagayo in ay u baahan tahay dhiiragelinta qurba-joogta & sidii dowladda Soomaaliya looga garab siin lahaa sugitaanka ammaanka, taasina ay tahay waajib saaran qof kasta oo Soomaali waxgarad ah.

 

"Xamar guryihii waxaa qaali ka dhigay dadka ka soo laabanaya gobolada Puntland & Somaliland oo ay ugu dambeysay magaalada mar hore ayaa soo buuxiyey, kuna soo laabtay . Ummaddii guryaha ku lahaa magaalada Muqdisho guryahoodii ayey ku soo laabteen, kuwii guryahoodii iska gaday markii ay arkeen isbedeladda magaalada waxey doonayaan in ay guryo kale ka iibsadaan" ayeey tiri Jawaahir waxeyna intaa ku daray in ay nasiib darro tahay in ay jiraan kuwa Muqdisho ku dhashay, ama ku soo barbaaray, waxna ku bartay in ay qarsan waayeen naceybka ay Muqdisho u qabaan & halaaga ay la doonayaan, iyaga oo meel walba ka sheega in Muqdisho ay beel keliya leedahay iyo in aysan ammaan aheyn.

 

 

"Koox Puntland ka tirsan oo Faroole uu ka mid yahay ayaa dagaalo & masiibo la jecel magaaladii ay ku soo qaateen inta ugu badan noloshooda. Dadkii magaalada Muqdisho ku soo laabtay, gaar ahaan kuwii Puntland ka yimid markii ay arkeen jawiga magaalada waxey haaraamayaan Faroole oo ay leeyihiin been buu inoo sheegay, mar walba oo uu nabadda Muqdisho maqlo meel baa damqata" ayeey tiri Jawaahir.

 

"Dadkii uu duufsaday Faroole ayaa maanta ka shaleynaya Xamar oo aysan cidna ka xigin oo ay wax ku leeyihiin, isagoo ku guubaabin jiray guryiihii ay lahaayeen in ay iska gadeen maadaama isaga gurigii uu ku lahaa uu iska iibiyey sida uu yiri, dadkii taladiisa dhageystay ayaa maanta ka shaleyna, guryihii ay taana taanada ku gadeen maantana waa guryaha ugu qaalisan, habaar iyo inkaar ayey la koreen walee mar dambe nama duufsatid ayey leeyihiin" ayeey tiri Jawaahir.

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

^ Adigunna sheekadii meel Kale ayaad ula carartay. All they saying is there is more demand than over.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this