Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

Sotuh African kills a Somali in Mogadishu

Recommended Posts

Dilkaani ayaa waxaa uu ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaaradaha ee Aadan Cabdulle, iyadoona ninka dilkaasi loo geystay iyo Ninkaani koonfur Afrikaanka ah ee Dilka geystay ay ka wada tirsanaayeen Shaqaalaha Shirkada SKA ee Maamusha Garoonka Muqdisho.

 

Qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkadda SKA ee garoonka Muqdisho oo ay la xiriirtay (_) ayaa sheegeen in ninkaasi Soomaaliyeed qaab ay ka wada caroodeen loo dilay, iyadoona ay tilmaameen in ninkaani Konfur Afrikaanka ah uu awood u adeegsaday dilka ninkaani Soomaaliga ah ee Geeriyooday, waxaa ayna tilmaameen in uu darbi madaxa kaga garaacayay ilaa uu ka geeriyoodo.

 

Lama oga asbaabta uu u Dilay ninkaani Koonfur Afrikaanka ah marxuumkaasi muwaadinka ah ee Soomaaliyeed, balse Shaqaalaha Qaarkood ayaa sheegay in uu ahaa ninka Koonfur Afrikaanka ee dilka geestay madaxa ninka uu dilka u geystay ee Soomaaliyeed.

 

Arinka xiisada dhalisay ayaa ah ka dib markii ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gacanta ku dhigeen Ninkii Geystay dilka xabsiggana loo taxaabay ayaa maalintii shalay aheyd lagu dhex arkay gudaha garoonka Muqdisho ninkii dilka geystay oo wata Shaqadiisii, taasoo dhalisay in ay ka caroodaan Shaqaalaha soomaaliyeed ee shirkadda SKA.

 

Shaqaalaha ayaa haatan Baaqyo kala duwan u kala diraya Hay’adaha Dowladda Soomaaliyeed, iyadoona ay ku kala baaqayaan in ninkaani dilka geystay la marsiiyo waajibkii xabsigana lagu celiyo iyo in ay Dowladda soomaaliya dalka ka saarto Shirkadda SKA oo ay ku tilmaamayaan in ay qarash faro badan ku bixiyeen soodeenta Dilaaga Dilka u geystay Marxuumka Soomaaliyeed.

 

Ugu danbeentii carada shaqaalaha soomaaliyeed ee Shirkadda ay ka qaadeen Dilka ninkaani Soomaaliyeed u geestay ninka Koonfur Afrikaan ah ayaa ka daran carada Bulshada Soomaaliyeed ay ka qabeen dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysanayay Gudaha dalka Koonfur Afrika, lamana qiyaasi karo Arimaha ka soo socda Bulshada Muqdisho oo haatan hadal heyntooda ugu badan ay tahay Dilka loo geysanayo Muwaadiniintooda ku dhaqan Dalkaasi iyo dilka haatan ka dhacay Garoonka Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Thanks Ngonge, too much xayeysiis, I need press release from SKA in their website, will not even settle for PM or President saying the same

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune;958797 wrote:
I doubt they know the difference and refer all as ADDOON sanka-dhuudhi

Afrikaaners are the White South Africans(descendants of the Dutch) - usually the most racist Whites in the world. Their behavior with darker peoples all over the world creates problems everywhere. A similar situation happened when one was killed in Puntland during the training of the Marine Force there by Saracen(the killed instructor was an Afrikaaner - white South African). Somalis trainees found it hard to deal with his demeaning, racist demeanor ..... so they shot him in the head.......

 

This is the Pandora's box we're opening by inviting every foreigner or foreign forces to our lands in order to settle scores with each other without understanding the context of what kind of people we're dealing with(the foreigners).

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

nuune;958794 wrote:
Thanks Ngonge, too much xayeysiis, I need press release from SKA in their website, will not even settle for PM or President saying the same

On the other thread it says that he went back to work the next day. This in Somalia! The Somalia that brought down a Black Hawk. The isbaaro central. The place where people have been killed for less. Naga daaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lool came back to work, so didn't missed one day of his job, caadi iska dhiga dheh, maybe ska doesn't have anyone who can manage their airport(it is ska airport)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

This is entirely possible given the level of corruption in Mogadishu. The dead man's clan should take matters into their own hands and finish off the killer. Wax kale ma jiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this