Sign in to follow this  
Jamal Hassan

Abdiweli meets PM of Australia.

Recommended Posts

Kulan Dhexmaray Ra'iisul Wasaaraha Australia iyo Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cabdiweli Gaas (SAWIRRO)

 

Melbourne, June 3 (HOL) - shalayto oo taariikhdu ahayd 2nd June 2013, ayaa waxaa magaalada Melbourne ee dalka Australia kulan ku dhex-maray R/Wasaaraha Australia Julia Gillard iyo R/Wasaarihii hore ee Somalia mudane Prof C/Weli Maxamed Cali Gaas.

 

Kulankaas ayaa Prof C/Weli ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dowladihii Soomaaliya ilaa dalka Soomaaliya hadda ka baxay marxaladdii ku meel gaadhka ahaa, una gudbay dowlad rasmi ah. Prof C/Weli waxa uu ku booriyey R/Wasaaraha Australia Julia Gillard in dowlada Australia ay sii wado taageerada ay u fidiso dalka Soomaaliya, taageeradaas oo ku aadan dhinaca horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

 

 

Julia Gillard ayaa iyaduna dhankeeda cadeysay inay ku faraxsan tahay booqashada uu Prof C/Weli ku yimid Australia, isla markaana ay Australia diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

R/Wasaarihii hore ee Somalia Prof C/Weli ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay dalka Australia, isaga oo la kulmayey qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Australia.

 

Ujeedada safarkiisa ayaa ahayd in uu qurba joogta Soomaaliyeed ku dhiiri geliyo in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska dalkii hooyo, isaga oo nuxurka qudbadiisu ahayd in dadka Soomaaliyeed marka hore kaalin buuxda ka galaan dalkan Australia gudihiisa, markaas ka dib ayey caawin karaan Soomaaliya. Soomaalida Australia degan ayaan u kala hadhin soo dhaweynta R/Wasaarihii hore ee Somalia mudane Prof C/Weli Maxamed Cali Gaas oo aad loogu ammaanay hawshii fiicnayd ee uu qabtay intii uu hayey xafiiska.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this