Sign in to follow this  
Abtigiis

Gabay - The Taleex Trilogy

Recommended Posts

Abtigiis   

Gabaydan silsiladda ah waxaa bilaabay gabaygi 1aad ee uu tiriyey Darwiishiiskii Ismaaciil Mire oo abaanduule ka ahaa dagaalkii Koofil lagu diley. Gabaygan oo ka mid ah kuwa taariikhi ah waa kan siduu u dhigey Darwiish Ismaaciil Mire:

 

TALEEX

 

• Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay,

• Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka,

• Sayidkeennu tii uu na yiri Torog ku heensaynnay,

• Wareegada waxay uga tawalin yaan wax kaa tegine,

• Sibraar caana geel loo tabcaday Talax ku sii maallay,

 

• Misna tawlka qaalmaha niniyo tulud u soo saarray,

• Ilaahay ha tabantaabiyee noogu tacab khayrka,

• Shakadaha intuu noo tamilay tiisa nagu waani,

• Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay,

• Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha qaadnay,

 

• Habeenkii fardaha waw turnaye taag ku sii mirannay,

• Tun biciida lagu qoofalyoo xamashka loo taabay,

• Goortii ay Talaaduhu dhaceen talalayoo reemay,

• Tixda gabay kolkii aan akhriyey toosi niman jiifay,

• Tiraabkaygu meeshu ka baxay la isku soo tuumi,

 

• Salaaddii markii loo tukaday yaari kaga taagnay,

• Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryaynnay,

• Intay Timacad noo soo arkeen marada noo taage,

• Sengeyaal tabaadihiyo gool weerarka u tooxnay,

• Sidii Teyse rooboo onkoday tiririgtii yeedhay,

 

• Teeriyo Berbera qayladii tahan la waydaaray,

• Tiiraanyo ololkii dhulkii taani naga qaaday,

• Tafwareemanmaynine intaan tubay ku aanshaaday,

• Taambuuglayaaliyo kuway tebaysey soo gaare,

• Annaguna dagaal kama tagnee tiimbad ugu rooray,

 

• Tala xumada awrtuu xiray baqi tarraarsiinnay,

• Girligaanku meeshu turqaday lagu tu'sii geela,

• Tirsanmaynin uunkii tirmiyo Tulushle Iiddoore,

• Turjubaannadii daba socdiyo Koofi lagu toogay,

• Maadhiin turaabtaa ka badan tuurta kaga qaadnay,

 

• Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxaaba,

• Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay,

• Galabtaa carraabada ku timid Turugga Buuhoodle,

• Gebagebo u tooxnoo Kufriga Maarre kaga teednay,

• Habeenkaa ninkii tabar badnaa tarantarree gaarka,

 

• Habeen kalena Taxaasheey Nugaal Godan u tuuryaynnay,

• Habeen kalena Tuuraha Cadduur toolin kaga maallay,

• Habeen kalena tagaabeeye iyo tu'innay Hayllaawe,

• Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay,

• Toban gool tabaadiga noqdiyo toban unuun-gooyo,

 

• Iyo toban tiftii hore rimayoo taawi lagu qooqshey,

• Iyo toban abeer tawl ahoo tikhilka qaalmooda,

• Iyo Toban irmaanoo aniga la igu taageeray,

• Iyo taan eryoon jirey kolkay toban tahaan joogto,

• Tookh laguma faaniyo afaan taabbud noqonayne,

• Intaa Xarunta soo tubay xaqaa lagu tanaadaaye,

 

• Warka Tuurre waa laga hayaa taniyo Iimeeye,

• Waa Xamar tarraaroo haddana taab ku sii daraye,

• Taltallaabsigiisiyo kadlaha tabo kalaw dheere,

• Kolay toban riyaad tahay adduun waydin tirayaaye,

• Tunkaana waan ka soo xirahayaa Timirki dheeraaye,

• Ma baddaa tuldaha loola kici Tuurre naaxsadaye?

 

• Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tix geliyaaye,

• Suuldaan Ruunna loo tebi inaan tuuladii gubaye,

• Tulud uma godlaan reeruhuu tawl ka saanyadaye,

• Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye,

• Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Gabaygi 2aad: Cabdisalaam Xaji Aden, ayaa gabaygi halganka ahaa u rogey gabay qaad iyo geerashayn, isagoo ka bilaabay:

 

TUMASHO

 

Duhurkii Togaa Herer hadaad qado ka soo tuurto

Hurdo laguma taamo e naftaa lala tacaalaaye

Aniga iyo todoba aan ku jiray tumasho soo qaadnay

Rag tabaabulshuu leeyahay ee wax is tusaalaynay

Sahan kama tagana meel mirqaan loo tawaawacay e

Laba tubaha noo sii cayma hore u tuurayay nay

 

Tog Wajaale qaadkii ka yimid tacab ku soo miidhnay

Markay laba tobnaad noo xidheen toobiyaha qaadnay

Taksi lagama maarmee nin waday suuqa nagu tooci

Tilmaan quruxsan goobtay fadhidee agabtu noo taalay

tusmadii hablaa lagu yiqiin saani ugu toosnay

 

Rag kaleeto goobtuu turqaday maare kaga teednay

Tubtii horeba boqol jaa'ifa ah taybalka u saaray

Nin waliba tankiisii haraaq tiilay ugu laabnay

Isaga oo falaas lagu tamilay laysu tebi shaaha

 

Tirsan mayno naag laga tegay iyo tu aan la doonayne

Laba aad Tukriga moodo oo tikhilka naagood ah

Iyo laba tafiirtii Janada lagu tilmaamaayo

Iyo laba wax layskuma tirshee sida tiriigaas ah

Iyo taan lahaan jiray markaan tumasho soo qaadno

Intaas oo xarago tiicaysa oo timeshla luudaysa

Intay toobab noo soo xihdeen tel iyo xiisaan leh

Anaguna gabdhaa kama tagnee geerash lagu teedi

 

Kaman talalax leeyiyo durbaan tiririgtood yeedhay

Tiiraanya qayshaha rabaab gacanta taabsiiye

Ilaahay ha tabantaabiyo e noogu tacab sowdka

Anaguna tastuurtay lahayd sacabka tiitaynay

Markii ay cabaar naga tumeen tegis u qoondayste

 

Tafwareenka sheekada rag weys tira tireeyaaye

Kaftan aan turxaan lagu ogayn la isku taataabay

Gabdhahay sheekadu noo taxnayd toganay haasaawe

Sidii tayse roob nagu onkoday taaha ku caweynay

Warmihii tumaatida cadaa tiirka qabadsiinay

Rag takooran baa nagu jirayee tabaha qaar diidnay

Inkasta ay taftuba noo dhaweyd teedka sharaf eegnay

Habeenkaa ninkii tamar badnaa taxay mirqaan kiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Gabayga 3aad: Tixraac, waxaa lagu tiriyey Addis Ababa abbaaraha 1999-2000, laakiin ninkii tiriyey lama hayo magaciisa, wuxuuna nagu soo gaadhey isagoon wadan magaca, laakiin waa la malayn karaa reer ahaan cidduu yahay, waayo waxaa ka muuqata sida uu saluuggey gabayga Cabdisalam.

 

TIXRAAC

 

• Abdisalaan tixdii maansadiyo, qaadki tamashleynti

• Sheekadii halkuu ooga tagay, taam ka dhigideeda

• Tixraaciisa gabay dheeli tira, erayaduu tookhey

• Tuducyadii Ismaacill Mirees, toogtay sharaftooda

• Tiiraanyadeediyo anoo, taas ka daba jooga

• Aan u tiriyo taarkiyo warside, hayga tabiyeene

 

• Gabdhihii tariigga u ekaa, tooshka siduu sheegay

• Geerashkii ha lagu teediyee, taa wax daba yaalley

• Ma tibaaxin gabaygii runtii, taalley gogoshiiye

• Taataabashiyo baashadiyo, tororog mooyeene

• I.i..d.oo.r* tumaatada warmaha,tahan ma geeyaane

• Tooratoorihii jilicsanaa, taagi hidin waa dheh

 

• Iyagoo waxay tabanayeen, loo tigitigi waayey

• Baahida tabaadiga laftiyo, tiirka ku abaadey

• Siday tacadigaa uga baxaan, ciil ku tabaraystey

• Inay heeran taladoodu tahay, taa u wada u guuxa

 

• Dhulkuna kala tilmaamane haddii, talo la baadhbaadhey

• In Galbeed tigaad ugu dhaw dahay, la isku taataabay

• Tubta lama huraankiyo durba, toobiyaha raace

 

• Addis oo tabtii lagu yiqiin, cadarku tiixaayo

• Mandigii Turkigu shiilayiyo, turuqya iidaaman

• Duhurkii taxaashaha intaan qado, ka soo tuurrey

• Hurdo talada nooguma jirtee, qaad u tubta u qaadnay

• Hereriga Toghdeer lagu gadaa, ma laha tiigaale

• Awaadey mid laga soo tidcay, oon milicdu soo taaban

• Xidhmo Adarigii noo taxiyo, toban marduuf qaadney

 

• Gurigaan ku sii talagallee, gogoshu noo tiilley

• Nin waluba qoomaalkuu turqaday, aayar ugu tiirsay

• Gabdhahoo tilmaantii hayoon, taar u sii diraynay

• Iyagoo tafaha jiidayoo, qurux la tiicaaye

• Mid waluba tusmadi ay jecleyd, tiigashada gaadhey

• Barkimaha tamuushkiyo bustaha, suxulka loo teedi

 

• Salaan turxaan lagu ogeyn, la isku tuurtuur dheh

• Si ay ula tisqaadaan fadhiga, taxanihii maadda

• Inta ay marqaankooda togan, time ku filan siinney

 

• Fagaaraha wax kuma taabaniyo, tooshka oo shidane

• Annagoo amuurtaa tixgelin tabaha, qaar siicney

• Qolalkii markay lays la tagay, loo shin tirinaayey

• Tartiibteeda aayara intay, toobka meel sudhatay

• Barfuun badanka lagu tiixiyo, timaha cuuddeysey

• Timir lagu masaalyey intay, duc isku sii tuurtey

• Anaguna jacayl kama tagnee, tucubta sii laacney

 

• Kuma tacabno taataabashiyo, baasha tabar moode

• Tib wax lagu masaaliyo dubbaha, toobin madaxiis leh

• Ma tiinbaday tubtii oonku diley, gaanidii tabisey

• Ma tarrariyey tarahaan wax badan, meel fog laga taaban

• Tiigsashada rakaada leh markii, toobta lagu reemay

• Gumucii taraaraxa markuu, baal walbaba taabtay

• Sidi riyo tigaad cunay gabdhihi, taaha ku caweeye

 

• Tufta dumarka xaydh lagu tuhmaa, taws ka bixintooda

• Tif ku siinnta tiixii ku da’ay, talalii daaye

• Durba xabadka taataabasho, xiiso kale tiigte

• Xaraadadi markii laga tiritirey, tiifta iyo oonki

• Intay faraxa laamaha tageen, noo tolnimo sheegte

• Tag inaan u nahay oo cid kale, ayn dibba u tooyan

• Tallaahida intay noo mareen, sayn u tagi doonin

• Ilaahay ha tabantaabiyee, ducada noo tuunshe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Nin la baxay Geedi Guray ayaa isna version kan raaciyey mar skin heads arin kala kula tahay uu ka waramayey...

 

 

TAB RAGEED

Taagnida shisheeyaha dhulkii teysi waw gayane

anagoo tacliin raacanoo tuulo wada naala

niman ay tikhaha layskuduro tiimbar ugutaalo

oo madaxu wada taafanyahay tuuga nagulaaye

 

Anana tii rageed iyo jihaad taladi sooqaadnay

ayagoo todobo aan dhameyn tay isugu baaqe

tafaraaruq nimanbaa ku go'a oon istaabicine

anana tawlka xaajada nin iyo toogadi indhaynay

ray'igeenu tii uu nayiri torog ku heensaynay

tashigii halkuu noogu dhacay toos isuguraacnay

 

Toorey afkii loobaxshiyo toosan ula qaybshey

tubtii aanu qaadniyo wadada yaararka utooxnay

tog mareere laba nooga timid horay utuuryeynay

intey tuurdhan noosoo arkeen marada nootaage

anaguna sidii taran darwiish tiimbad ugu rooray

 

Wareegada ragbaa waxay tawalin yaan wax kaatagine

taan horey uqaatiyo balbala tahar kunaafeeyey

dhaaxaa nimaan taxadareyn tuugo loo dilaye

dhiigii tafaha loogushubay toorahaw gudubyey

 

Ayagoo turaabkaa kabadan baqa taraarsiinay

tartan niman yaqaan baan nehee tu'in kusoo gaarey

afar tumanku waaweynyihiin taabnay ooqabanay

tala xumada wiilkay turqeen yiri turxaan geyso

taf wareemanmeynine intuu tumay ku eynshaadyey

tartaradiyo feeraha sidii tulud uhaydaari

tacabaa asaga laga dhacee tooja ka eryooney

 

Tolaala'ayda beeshaa khaldani taar kuwada yeedhay

taambuuglayaashii sharcigu tabayey soogaare

iyagoo direys taagan qaba nalaku soo tuumi

teesare waxaan haysaniyo tigidh naweydaarshe

tiigaan hujuunliyo ragii feer kutabantaabe

tukayaal madow iyo nadhehe tolalka daanyeerka

anaguna xarago kamatagnee tuduc kulaaqyeynay

 

Takhantakho wareerkii dhulkii tininigtii yeedhay

horay noo taxaaboo xabsiga nalaku sii tooci

toban iyo sideed saacadood gaaja nala taagyey

toyleedka ruuxii ukaca tacadi loogeysey

 

Talaaduhu markii aydheceen toosyey inan jiifey

ayadoo si aynooga taal telelyey oo reenyey

taahiisu meeshuu kabaxay rag isku teelteelyey

heesihii tubeec ee qalbigu taamijirey qaadyey

aniguna tixaha kamagudbee hadal kutaataabtey

 

Kuwii teydka nagu meersanaa tahajun soogiirte

ninba meel markii lala tagoo tuujis lagu boobay

qormo nalaku tawsayn lahaa tayda dhaha diidney

waaniman talaahida gafoon tooba oraneyne

ayadoon maxkamad layslatagin toogashow siganay

 

Iyadooy tawaan iyo xujaba tahan la gawriirto

taliyaha midkii looga dhigay tab ula haasaaway

toban lacag tayada doolaroon taana lagu doorsan

iyo taban tafaha loo baxshoo tiris an loo fiirin

iyo toban taswiiroon inaba lagu tigaadaynin

iyo toban tulaaluush ahoon tiir ka dhiganeyney

iyo taan xirfaynjirey markay tala halkaa joogto

been laguma tookhiyo afaan taabud noqoneyne

intaa xeesha waw taray xaq waa lagutiraabaaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

• Kuma tacabno taataabashiyo, baasha tabar moode

• Tib wax lagu masaaliyo dubbaha, toobin madaxiis leh

• Ma tiinbaday tubtii oonku diley, gaanidii tabisey

• Ma tarrariyey tarahaan wax badan, meel fog laga taaban

• Tiigsashada rakaada leh markii, toobta lagu reemay

• Gumucii taraaraxa markuu, baal walbaba taabtay

• Sidi riyo tigaad cunay gabdhihi, taaha ku caweeye

 

• Tufta dumarka xaydh lagu tuhmaa, taws ka bixintooda

• Tif ku siinnta tiixii ku da’ay, talalii daaye

• Durba xabadka taataabasho, xiiso kale tiigte

• Xaraadadi markii laga tiritirey, tiifta iyo oonki

• Intay faraxa laamaha tageen, noo tolnimo sheegte

• Tag inaan u nahay oo cid kale, ayn dibba u tooyan

• Tallaahida intay noo mareen, sayn u tagi doonin

• Ilaahay ha tabantaabiyee, ducada noo tuunshe

 

:D :D :D@ the description of sexual orgy

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

X-rated stuff :)

 

Xiin do you have the famous poem recited by poet who returned home after long trip to his first wife.

 

Knowing he will be off tomorrow for another journey, she tried to get him do what's neceassary and satisfy all of her hunger. With the stress of losing his herd in an ill-advised transaction, the poet could not even get it up let alone do all-nighter :)

 

He composed a poem for his arsenal which let him down...

 

Hadaan lagu ruxaan ruxin, walaa leyna rudsiineyne,

..

..

Waxba ha is ridaan ridine, innaga soo rar reerka :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ritti qooqan kama liidatid ee inaka soor reerka

Haddii kale aan kala raaridne aniga hayraacin :D

 

Intaasaan ka xasuustaa , belaayaa ilaahay ku jarribay odoga, habartu arrigeeda inay u qasho waa diiday hadduusan alyacni reerka oday u noqon

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this