Sign in to follow this  
Abtigiis

iPhonoow Walaalow...

Recommended Posts

Abtigiis   

iPhonenoow walaaloow

Wiilkaygii curadoow

Wehelkayga gaarkee

Walbahaarka bi'iyoow

 

Waagii soo baryaayiyo

Wiigii la joogaba

Wax aduunka jira iyo

Wixii waa la soomaray

 

Warkood kii isiiyee

Waxba aan qaldaynoow

Kaama maarmo waligay

Wanqal baabad mudan tahay

 

Dab markii aad waydee

Widhwidh kaagu uu damo

Madaxaa i wareeroo

Waaban waalan gaadhaa

 

Macalin i waanshiyo

Mar baad tahay waxbarasho

Marna maaweelo wacaniyo

Muusik iyo wiglaa tahay

Share this post


Link to post
Share on other sites

AT,

 

i've been learning to play the oud. if you can write the lyrics and someone else can sing, we can make a 3-piece boyband. what do you think? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Heesta taxanaha ah ee "iPhoneleyda" haddaan waxoogaa ku sii daro sidan soo socota baan u qori lahaa;

 

iPhone wanaagiis

Abtigiis asteeyoo

Quud awliyaad buu

Aagiisa geeyee

Anna aafadiis iyo

ibtilooyinkuu dhigo

Afarley ku turee

aayar ii dhegeystoo

iPhoneka damiyoo

Albaabada inoo xidha

 

Waa aalad ammuur badan

Aramiga jacaylkuu

Arooryadii abuuraa

Ayaamo dhowr ah dabadeed

Erayo aan laguu wadin

Oo alla macaanow ku qoran tahay

Aayar kuugu keena

Adna aad la oloshaa

Oo wanaag ma aadide

Isla aaladaas baad answer kulul ku siisaa

iPhonow ba' alla muxuu ibtilo dhigay

 

Ayaama kaleetana

Adigoo kalahayoo

Shaqadaadi aado

Resume adkeeyaa

Colleugaagu eega

Amalkaa iftiinshaa

Arligana ku faafshaa

Bosskuna ogaadaa

Iridda kuu baneeyaa

iPhonow ba' alla muxuu ibtilo dhigay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Samsungow walaalow

iphone ka wacanoow

Nokiana ka weynow

Waxaad tahay iftiinkii

Iyo weliba ilayskii

Wac indhaa ka siiyee

Wararkaa aduunyada

Wixii xalayto dhacay

Waxa berri la soo wado

waxa taagan imikaba

Warkeeda dhigayee

War-galeenka iga dhigow

 

Waxaad tahay aaladdii

Marka aan wanqaarmee

Caajis i wareemana

Inta aan ka wac siiyo

Heesaha walwaaleed

Rap iyo wixii jiray

Nafta iigu wabaxee

Iigu wacan break-dance

 

Marka aan walhadee

Keligay wareeree

Waayo aan xasuustana

Adigaaba weheloo

Waxaad iigu yeedhaa

Midaan waagii hore

Wakhtigii macaanaa

Jacaylka la wadaagoo

Waxba maanu samayne

Waxay iigu heestaa

Intaan Waayo soo maray

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Jacaylbaro;958859 wrote:
Samsungow walaalow

iphone ka wacanoow

Waxaad tahay iftiinkii

Iyo weliba ilayskii

Wac indhaa ka siiyee

Wararkaa aduunyada

Wixii xalayto dhacay

Waxa berri la soo wado

waxa taagan imikaba

Warkeeda dhigayee

I wanaajinaayow

 

Waxaad tahay aaladdii

Marka aan wanqaarmee

Caajis i wareemana

Inta aan ka wac siiyo

Heesaha walwaaleed

Rap iyo wixii jiray

Nafta iigu wabaxee

Iigu wacan break-dance

 

Marka aan walhadee

Keligay wareeree

Waayo aan xasuustana

Adigaaba weheloo

Waxaad iigu yeedhaa

Midaan waagii hore

Wakhtigii macaanaa

Jacaylka la wadaagoo

Waxba maanu samayne

Waxay iigu heestaa

Intaan Waayo soo maray
:D

:D :D :D lovely! lovely! jacayl!

 

adiga iyo Taleexi waan idinku soo rogaal celin anigoo u heesaya Nokia333. Ka culus ee hargeisa budhka looga yaqaaan ee reer-Baligubadle aad u wataan. :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Kuwa isu camira ee

Caaqiliinta sheegtiyo

Ciyaalkaa siloonee

Caydha yurub ku koray baa

Caweys iyo ciyaariyo

Camal iphone moodee

 

Nokia yada culusbaa

Arab uu ku cayntoo

Calaf Ilaah u siiyo

Cadowgii Awalka iyo

Ciida galaha bariga

Aanu iskaga celinaa

 

 

:D :D waa fikradii Xaaji Xundjuf from Baligubadle...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this