Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland and British diplomats in Addis ababa sign security cooperation agreement

Recommended Posts

Dawladaha Somaliland Iyo Ingiriiska Oo Kala Saxeexday Heshiis Ka Kooban Laba Qodob Iyo Qado-Sharafeed Lagu Maamusay Weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha. DAAWO SAWIRADAN:

(Hadhwanaagnews) Thursday, May 30, 2013

(HWN):Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa galabta si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis-ababa,

 

naagAdis-baba (HWN):Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa galabta si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis-ababa heshiis ka kooban laba qodob,isla markaana wax-weyn ka tari doona nabadgelyada Somaliland.

 

Waxaana heshiiskaas goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro) oo maalmihii ugu danbeeyeyba ku sugnaa dalkaasi itoobiya.

 

 

0in 10pt; TEXT-ALIGN: justify">Waxa kale Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur Shaaciyey inay wax iska bedeleen dhawaaqii dawlada Ingiriisku hore ugu dhawaaqday inay xayirtay in loo socdaalo Somaliland, balse imika ay bilaabmayaan socdaalada diblomaasiyiinta Ingiriisku ku imanayaan Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo sharaxaad ka bixinaya labada heshiis ee ay kala saxeexdeen Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan waxay yihiin waxa uu yidhi "Waxaanu maanta kala saxeexanay laba heshiis oo kala, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo qalabeyntooda, iyada dhamaan goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo qalab lagu baadho basaboorada fojariga ah, iyada oo loogu deeqay qalab iyo Gadiid dhan lix Baabuur shaqaalahana la tababari doono, una sameyn doona qalab (Database) isku xidha xarumaha dalka laga soo galo oo dhan iyo dhismayaal cusub. Heshiiska labaad waxa weeyaan mid lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada ee CID-da, waxaana Ciidamada danbi baadhista lagu darayaa ciidan baadha danbiyada culus oo la yidhaahdo SPU (Special Police Unit), waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan oo ay qalabkasta ku jiraan oo ay ka mid tahay Biritan-ka farta iyo waxyaalaha kale ee casriga ah ee wax lagu baadho"

 

Wasiir Duur waxa kale oo sheegay in xarunta cusub ee loo dhisi doono ciidanka baadhaya danbiyada calculus ciidaan gaarana loo tababari doono, "Xarunta cusub ee SPU-da waxa loo tababari doona ciidaan cusub oodhan lixdan qof oo si gaara loo tababari doono, waxaana ciidaanka SPU-da loo keenay oo la soon doona lix Baabuur". Ayuu yidhi.

 

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay ka hor intii aanay kala saxeexan heshiiska Safiir kuxigeenka waxa qado-sharaf maamuus sare ah u sameeyey Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia Mr. Greg Dorey.

 

Mar aan weydiiyey Wasiir Duur waxay ku soo kordhinayso heshiisyadani ciidamadda laanta Socdaalka Somaliland Iyo Ciidanka CID-da, waxa uu ku jawaabay, "Waxay ka bedeli karaan wax-weyn oo aqoontooda kor ayaa loo qaadayaa oo qalab ayaa la siinayaa,waxaanay labada heshiisba wax weyn katarayaan nabadgelyada qaranka Somaliland, waana laba heshiis oo qaranka qiimo-weyn u leh".

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa uu qirey inay wax ka bedeleen dhawaaqi Ingiriiska ee Somalilan, waxa uu yidhi"Waxay Safaaradu qirtey in wax ka bedel lagu sameeyey dhawaaqi ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ee lagu xayirayey in loo socdaalo Somaliland, oo FCO oo dib loo eegayey inay Somaliland nabadgelyo tahay, waxaana imika bilaabmaya dhaqdhaqaaqii iyo isu-socodkii masuuliyiinta diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Somaliland"

 

Heshiiskan uu soo saxeexay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa waxa uu Somaliland ugu fadhiya qiimo weyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I didn't know Somalia's Federal States had the authority to sign agreements with Foreign Nations without the Federal Government's approval?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Brits deal with Somaliland case separately all diplomatic contacts between Somaliland and the Brits go through their embassy in Addis ababa.The same all contacts between Somaliland and France go through Nairobi. The Brits will finance and help construct the new headquarters in Hargeysa for the SPU forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Classified;957155 wrote:
I didn't know Somalia's Federal States had the authority to sign agreements with Foreign Nations without the Federal Government's approval?

Wink, wink.... ;) ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;957153 wrote:
"Waxaanu maanta kala saxeexanay laba heshiis oo kala, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo qalabeyntooda,
iyada dhamaan goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo qalab lagu baadho basaboorada fojariga ah,
iyada oo loogu deeqay qalab iyo Gadiid dhan lix Baabuur shaqaalahana la tababari doono,
una sameyn doona qalab (Database) isku xidha xarumaha dalka laga soo galo oo dhan
iyo dhismayaal cusub. Heshiiska labaad waxa weeyaan mid lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada ee CID-da, waxaana Ciidamada danbi baadhista lagu darayaa ciidan baadha danbiyada culus oo la yidhaahdo SPU (Special Police Unit), waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan oo ay qalabkasta ku jiraan oo ay ka mid tahay Biritan-ka farta iyo waxyaalaha kale ee casriga ah ee wax lagu baadho"

 

By building a Travellers Entry/Exit Database as well as providing border entry/exit equipment, Western donors seem to be cementing Somaliland's further separation from Somalia. Imagine when that equipment is installed in Eastern Somaliland, among other places...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Mintid Farayar;957160 wrote:
By building a Travellers Entry/Exit Database as well as providing border entry/exit equipment, Western donors seem to be cementing Somaliland's further separation from Somalia. Imagine when that equipment is installed in Eastern Somaliland, among other places...........

The British are protecting their homeland and landers are doing what they custom to do and as always they happy doing the service job. this is not different the cooking and PC jobs they used done for the colonial officers

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Mintid Farayar;957160 wrote:
By building a Travellers Entry/Exit Database as well as providing border entry/exit equipment, Western donors seem to be cementing Somaliland's further separation from Somalia. Imagine when that equipment is installed in Eastern Somaliland, among other places...........

Loool we all have our blind spots I shall let this pass ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duufaan;957187 wrote:
The British are protecting their homeland and landers are doing what they custom to do and as always they happy doing the service job. this is not different the cooking and PC jobs they used done for the colonial officers

 

way better than carrying bombs....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this