Sign in to follow this  
SOO MAAL

Amnesty International – Annual Report 2013 (Khaatumo Regional State Somalia).

Recommended Posts

SOO MAAL   

Amnesty International – Annual Report 2013 (Khaatumo Regional State & Somalia).

 

In January 2012, Khatumo Regional State was created, claiming to consist of Sool, Sanag and Ayn regions, and claiming affiliation with the Mogadishu-based government. These regions are subject to disputes over control between Somaliland and Puntland. Clashes between Somaliland armed forces and militias allied to Khatumo state displaced thousands of people.

 

 

 

Thousands of people were displaced by fighting in eastern Somalia between the Somaliland Army and militias affiliated to the newly created Khatumo state.

 

Freedom of expression was increasingly curtailed. Dozens of journalists were arbitrarily arrested and detained. Some reported being beaten in custody. One journalist was killed.

 

Ahmed Saakin Farah Ilyas, a journalist for Universal TV, was shot dead by unknown gunmen on 25 October in Las Anod town.

 

 

 

http://horufadhi.com/2013/05/24/amnesty-international-annual-report-2013-khaatumo-regional-state-somalia/

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Caaqil-abyan.jpg

 

Sool: Ciidamada Somaliland Oo Xidhay Caaqil Ka Mid Ah Madax-Dhaqameedka Taageera Nabad-diidka Khaatumo La Baxay

 

 

 

Ciidamada Somaliland ee xarunta Gobolka Sool, ayaa xabsiga u Taxaabay nin Caaqil ah oo lagu Magacaabi Siciid Cashuur Abyan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka deegaanada Sool ee taageera kooxda nabad-diidka ah ee la baxday Khaatumo.

 

Ciidamada Somaliland, ayaa caaqilkan maalintii saddexaad ku haya Saldhiga dhexe ee Magaalada Laascaanood, iyadda oo wararka halkaasi laga helayo ay sheegayaan in ciidamadu ka war heleen abaabul uu caaqilkaasi ka dhex bilaabay dadwaynaha Magaalada Laascaanood, si ay ugu kacaan falal lid ku ah nabadgalyada iyo mudaharaado rabshado wata.

 

 

Caaqilkan ayaa la sheegayaa in amarka lagu xidhay uu bixiyay Badhasaabka Gobolka Sool, kaasi ka hor tagaya dhibaato ka dhalata abaabulka nabadgalyada lidka ku ah ee la wariyey inuu ninkaasi ka waday Laascaanood.

 

http://somalilandtoday.com/sool-ciidamada-booliska-laascaanood-oo-xidhay-caaqil-ka-mid-ah-madax-dhaqameedka-taageera-nabad-diidka-khaatumo-la-baxay/

 

 

http://maandeeqnews.com/ciidamada-booliska-laascaanood-oo-xidhay-caaqil-ka-mid-ah-madax-dhaqameedka-taageera-nabad-diidka-khaatumo-la-baxay/

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Laascaanood: Ciidamada Somaliland Oo Xidhxidhay 15 Haween

 

 

Maleeshiyada Somaliland ee magaalada Laascaanood, ayaa xabsiga u taxaabay dad haween u badan,oo ku sugnaa guri ku yaalla badhtamaha magaaladaas.

 

 

 

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in haweenk la xidhay ay doonayeen inay qabtaan kulan ay ku dooranayeen guddoomiye cusub oo uu ururka haweenka Gobolka Sool.

 

Dadka la xidhay oo tiradoodu tahay 17-qof ayaa la sheegay inay laba ruux oo keliya ay rag ka ahaayeen, kuwaasoo aan qayb ka ahayn hawsha meesha ka socotay, halka inta kalena ay ka ahaayeen haween doonayay in qabtaan doorasho.

 

Ciidanka booliiska ayaan illaa iyo hadda ka hadlin arrintan iyadoo waqtiga howlgalka la sameeyay uu ahaa xilli loo diyaar-garoobayey salaaddii Jimcaha ee maanta.

 

Xadhiga loo geystay haweenka ayaan ahayn midkii ugu horreeyay ee ka dhaca degmada Laascaanood, balse uu yahay mid soo laalaabtay; iyadoo xadhiggii ugu dambeeyey ee haween loo geysto uu ahaa markii la doortay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kuwaasoo doonayay inay taageero u muujiyaan doorashada ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

 

 

http://www.allmarqaan.com/?linkid=76

 

 

 

 

Ciidamada Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Dad Haween u Badan Laas Caanood

May 24, 2013

 

Laascaanood(Gollisnews) — Ciidanka booliska magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xabsiga u taxaabay dad haween u badan oo ku sugnaa guri ku yaalla bartamaha magaaladaas.

 

Dadkan ayaa la sheegay inay wadeen bandhig ay taageero ugu muujinayaan maamulka laga dhisay magaalada Kismaanyo ee gobolka Jubbada Hoose ee Jubaland sida ay HOL u xaqiijisay, Xaliimo Maxamed Cali oo iyadu ka ka mid ahayd dadkii halkaas joogay.

 

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in haweenk la xiray ay ka tirsanaayeen urur lagu magcaabo DARYEEL ayna doonayeen inay qabtaan kulan ay ku dooranayeen guddoomiye cusub oo uu ururkoodu yeesho.

 

Dadka la xirxiry oo tiradoodu tahay 17-qof ayaa la sheegay inay laba ruux oo keliya ay rag ka ahaayeen, kuwaasoo aan qayb ka ahayn hawsha meesha ka socotay, halka inta kalena ay ka ahaayeen haween doonayay in qabtaan doorasho.

 

Ciidanka booliiska ayaan illaa iyo hadda ka hadlin arrintan iyadoo waqtiga howlgalka la sameeyay uu ahaa xilli loo diyaar-garoobayey salaaddii Jimcaha ee maanta; isla markaana aanay madaxdii ciidamadu ku sugnayn xarumahooda.

 

Xariga loo geystay haweenka ayaan ahayn midkii ugu horreeyay ee ka dhaca degmada Laascaanood, balse uu yahay mid soo laalaabtay; iyadoo xariggii ugu dambeeyey ee haween loo geysto uu ahaa markii la doortay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) kuwaasoo doonayay inay taageero u muujiyaan doorashada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Degmada Laascaanood oo ah xarun u ah gobolka Sool ayaa waxaa ka taliya maamulka Somaliland oo sannado ka hor ka qabsaday maamulka Puntland oo ka talin jiray.

 

Gobolka Sool ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay ka jiray muran dhinaca maamulka ah oo u dhexeeya, maamulka Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, maamulka Puntland iyo Khaatumo State oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

 

 

 

http://golisnews.com/ciidanka-booliska-magaalada-laascaanood-oo-xabsiga-utaxaabay-dad-haween-u-badan/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this