Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Waftigii IGAD oo ku qancay Jubbaland Published: May 19, 2013

Recommended Posts

Waftigii IGAD oo ku qancay Jubbaland

Published: May 19, 2013

 

Kn: Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in waftigii xaqiiqo raadinta IGAD ee Kismaayo tagay ay si weyn ugu qanceen mashruuca Jubbaland, gaar ahaan sida loogu mideysanyahay.

 

Mid ka mid ah doodihii dowladda Soomaaliya ay u sheegtey waftiga waxaa ka mid ahaa in maamulka aysan u dhanayn beelaha Soomaaliyeed, waxayna dowladda tirisay beelaha ka maqan barnaamijka.

 

Hase yeeshee IGAD waxa ay Kismaayo ugu timid ugaasyadii beelaha dowladdu sheegtey in ay mashruuca ka maqanyihiin, kuwaasi oo af buuxa ku sheegey in ay la dhacsanyihiin Jubbaland iyo hogaanka loo doortey, maalkooda iyo handidoodana ku bixinayaan sidii ay u dhaqangali lahayd.

 

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in waftiga IGAD uu ku qancay waxyaabihii uu maqlay, aysanna jirin sabab muhiim ah oo uu arkay in loo joojiyo ama loo hor istaago maamulkani.

 

Waxyaabaha waqtiga xaqiiqo raadinta uu maqlay waxaa ka mid ah in haddii maamulkani meesha laga saaro in nabada iyo xasiloodina Kismaayo ay faraha ka baxayso, halisna u galayso in ay kusoo laabtaan kooxihii Shabaabka, xogtani waxaa waftiga u sheegey ciidamada AMISOM ee halkaasi ku sugan.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

HAG's Culusow's main reason not to attend, partake and lead the conference in Kismayo was reduced to that old Somali excuse: LOOMA DHAMO, that's what he told IGAD but fact finding mission now finds otherwise.

 

 

IGAD waxa ay Kismaayo ugu timid ugaasyadii beelaha dowladdu sheegtey in ay mashruuca ka maqanyihiin, kuwaasi oo af buuxa ku sheegey in ay la dhacsanyihiin Jubbaland iyo hogaanka loo doortey, maalkooda iyo handidoodana ku bixinayaan sidii ay u dhaqangali lahayd.

 

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in waftiga IGAD uu ku qancay waxyaabihii uu maqlay, aysanna jirin sabab muhiim ah oo uu arkay in loo joojiyo ama loo hor istaago maamulkani.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dabeeyey Kismaayo, Wafdigii IGAD oo Magaalada lagusoo wareejiyey kuna lugeeyey

 

Kismaayo 19 May, 2013– Pi– Waxaa wali Magaalada Kismaayo ku sugan wafdigii xaqiiqa raadiska ee IGAD kuwasoo maanta soo gabagabeynaya Socdaalkooda, waxay ka dib ku laabanayaan Adis ababa.

 

Wafdiga IGAD waxay indhohooda ku arkeen Xaalada Magaalada iyo rabitaanka shacabka iyo waliba in wararka Villa Somalia yaal ineysan waxba ka jirin.

 

Wafdiga IGAD waxaa maanta lagusoo wareejiyey oo ay lug ku mareen Magaalada gudeheeda.

 

waxay la kulmeen Isimadii Rasmiga ahaa ee deegaanka kuwasoo hoosta ka xariiqey rabitaankooda iyo mowqifkooda.

Xaalada Kismaayo ayaa aad u degan amaankuna wuxuu marayaa meel wanaagsan, Iyadoo Dowlada Jubaland durba bilowdey howlohooda Dowladnimo oo ay ugu horeyso gacan ku dhigida amaanka iyo inaan askari aan ka tirsaneyn Ciidanka Dowlada uusan qori ku dhex wadan karin Magaalada.

 

Dhinaca kale shacabka magaalada Kismaayo ayaa aad ugu faraxsan jwaga Dowladnimo ee ay heleen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this