Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The Garowe clan enclave declares a Jihaad against the Somali federal govermnent.

Recommended Posts

Maamulka Puntland Oo Ku Dhawaaqday Jihaad Ka Dhan Ah Dowlada Federalka Soomaaliya.

 

Maanta waxaan ku dhawaaqayaa in uu banaanyahay jihad ka dhan ah dowlada Xassan Sheekh. Waxaan u daliishanayaa isir kala sooca......

 

Cabdi Naasir Badal Khalaf oo ah isuduwaha Wasaarada War-faafinta maamulka Faroole ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah dowlada Soomaaliya oo uu sheegay in uu xilligaan yahay mid xaq ah oo Janno lagu gelayo.

 

Jihaadkaan ayuu ku dhawaaqay ninkani kadib markii uu saxaafada kula hadlay deegaanada Puntiland isaga oo yiri, “Waligey dagaal kama qeyb qaadan. Walaahi in aanan tan nabad ka qaadaneyn. Maanta waxaan ku dhawaaqayaa in uu banaanyahay jihad ka dhan ah dowlada Xassan Sheekh. Waxaan u daliishanayaa isir kala sooca ay wadaan oo ah in ay diidayaan in maamul Jubaland la yiraahdo uu Kismaayo ka hana qaada”.

Islaamka ayaa noo ogol in aan la dagaalno maxaa yeelay, “Shaqsiyaad ku sugan Kismaayo oo fidna wadayaal ah ayaa waxaa ay kharash ku sii wadaan fowdada siiya dowlada Xassan Sheekh Maxamuud oo dooneysa in ay rabshadu sii socoto.

 

Waxa uu intaa raaciyay, “Nafteenna, diinteena iyo Cirdigeena in aan ilaalinno diinta ayaa nafareysa. Dowalada Soomaaliya ayaa waxa ay hor-seedeysaa in dagaal diinta salka ku haya uu ka dhoco Soomaaliya, kaas oo noqda mid qariya dagaladii hore oo dhan.

 

Hadalka dagaalka lagu iclaaminayo ee uu jeediyay Cabdinaasir Badal Khalaf ayaa waxaa la’aaminsanyahay in uu yahay fikir ka soo baxay hogaanka Puntiland Faroole maadaama uu isagu afkiisa ka ilaashanayo in erayada sidaa oo kale ah ee sharafta siyaasadiisana wax u dhimaya uu ka dhawaajiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lool waad arki doontaa, illeen Xiin wuxuu sheegi jirey baaba run ah, waxaasi hadeysan habaar aheyn anigu ma aqaano waxey tahey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this