Sign in to follow this  
walaalkis

spoilers doing what they do best

Recommended Posts

The MPs should have the freedom to exercise their rights but this is Muuqdisho, what do you expect? Halkaas ayaa lagu leeyahay waa magalo madax oo Somali ha iskugu tagto.

 

Also I disagree with the MPs on removing the Prime minister. Saacid has done nothing wrong but only his hands are tight. Saacid needs to wake up before its too late, free himself from being Culusow's hostage, reshuffle the cabinet and throw out all the Dam-jadiid ministers and appoint ministers to gain the support of the most of the dissident MPs and majority of the parliament.

 

Saacid must act instead of staying idle waiting and expecting the Somali PMs to be silenced and subjugated by Culusow and his HAG militia in Xamar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Hay’adda Nabad Suggida oo iska fogeysay inay 110 Xildhibaano kahor joogsatay kulan ay ku lahaayeen Muqdisho

 

 

 

Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka ayaa waxay iska fogeysay inay iyadu ka dambeysay, is-hortaag lagu sameeyay Xildhibaano kulan iyo qadaba shalay ku lahaa Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho.

 

Maamulka Hotelka City Palace ayaa wuxuu Xildhibaanada uu u sheegay, inaysan ku kulmi kareyn Hotelkooda, sababo la xiriira amar ay sheegeen inuu uga yimid Taliska Nabad Suggida.

 

Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee Godka Jilicow, ayaa wuxuu beeniyay in Nabad Suggida ay Xildhibaanada kahor joogsatay kulankooda.

 

Agaasimaha ayaa wuxuu sheegay in uu Xildhibaanada uu u kaxeeyay Hotel City Palace ee Magaalada Muqdisho, waxaana Maamulka weydiinay buu yiri inay cadeeyaan goorta, ay Nabad Suggida amartay inay Xildhibaanada u diidaan inay Hotelkoodu ku kulmaan.

 

Xildhibaanada oo maqleysa ayuu sheegay in Maamulka Hotelka uu kahor sheegay, inaysan jirin wax amar ah oo uga yimid dhinaca Hay’adda Nabad Suggida.

 

Mar General Bashiir Goobe la weydiyay hadaba cidda ay tahay, cidda Xildhibaanada u diiday inay ku kulmaan Hotel City Palace, ayuu taasi ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo, laakiin ay baarayaan sida uu yiri.

 

General Goobe ayaa wuxuu ka digay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay markiiba ku deg degaan, inay jawaab ka bixiyaan, kolka loo sheego in laga horjoogsaday kulan ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaanada kala ah Dr. Cali Khaliif Galeyr, Cumar Islow Maxamed iyo C/Casiis Sheekh Yuusuf, oo u hadlay 110-ka Xildhibaano ee kulanka laga horjoogsaday, ayaa waxay shalay si kulul u cambaareeyeen Hay’adda Nabad Suggida.

 

 

Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com

Wararka iyo Dhacdooyinka Dunida kala soco Rajoqaran.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Xildhibaannadii Mooshinka ka geeyay Xukuumadda Soomaaliya oo qaarkood sheegay inay ka laabteen Mooshinkaas

 

Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka mid ah kuwii mooshinka ka geeyay xukuumadda Soomaaliya ayaa qaarkood sheegay inay ka laabteen go’aankaas, iyagoo xusay inay u tanaasuleen danta dalka, dadka iyo diinta Islaamka oo ay u dhaarteen inay ilaalinayaan.

 

Mudanayaashan oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ka baqeen in xukuumadda hadda jirta mid ka xun ay timaaddo, sidaa awgeedna ay go’aansadeen inay dib uga laabtaan go’aankooda.

 

“Dib uga laabashada go’aankeennu ma ahan in xildhibaanada baarlamaanku aysan xaq u lahayn inay mooshin ka keeni karaan xukuumadda, balse waxaa inoo muuqday in tani ay keeni karto in howlaha dowladdu ay dib u dhac geli karaan,” ayuu yiri xildhibaan Sooyaan Cabdi Warsame oo ka mid ahaa xildhibaannadii ku dhawaaqay inay ka laabteen go’aankoodii mooshinka.

 

Xildhibaannada ka laabtay go’aankoodii ay kaga mid noqdeen mooshinka laga geeyay xukuumadda ayaa waxaa ka mid ah: xlidihbaan Maxamed Cabdi Yuusuf, xildhibaanad Qadiijo Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

 

“Baarlamaanku xaq ayuu u leeyahay inuu xukuumadda la xisaabtamo, balse taasi macnaheedu ma ahan in la burburiyo wax walba, waxaan nahay xubno dadaal ugu jira dib u dhiska dalkooda iyo nabadeyntiisa, waana taas midda keentay inaan go’aankeennii ka laabanno,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf.

 

Mudanayaashii goobta ka hadlay ayaa dhammaantood sheegay inay dhaliil iyo cabasho kaga timdi shacabka Soomaaliyeed taasna ay qayb weyn ka tahay sababta keentay inay dib uga laabtaan go’aankoodii ay kaga midka ahaayeen mooshinka.

 

“Waxyaabaha dib u dhaca dalka horseeday waxaa ka mid ah khilaafyada joogtada ah iyo is-hortaag lagu sameeyo xukuumad walba oo waxqabad la timaadda, sidaa daraadeed xilligan looma baahna in mooshin laga keeno xukuumadda maadama ay tahay mid ka duwan xukuumadihii dalka soo maray oo wax-qabad la timid,” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo kulanka ka hadlay.

 

Mooshinka laga geeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ayaa waxaa saxiixay xildhibaanno ka badan 129, kuwaasoo xukuumadda ku eedeeyay wax-qabad la’aan iyo inay kasoo bixi waday howlihii loo idmaday.

 

Maxamed Xaaji Xuseen. Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Awoowe nimankan xildhibaanada ah maxay ku tooran yihiin oo ay ummada u qabtaan? Gollaha ummada waa xubin muhiim ah oo leh awood saami ahaan ka weyn ama la dhig ah tan xukuumada! Hadday qoonsadaan qaabka xukuumada ku shaqaynayso waxa xil ka saran yahay in ay la xisaabtamaan, kalsoonida kala noqdaan, ama xeerar cusub oo xakamayn ah ay dajiyaan. Waa sida nidaamka dawliga ahi yahay. Waa shaqadooda.

 

Arrimo badan oo isku cakiran oo in la furdaamiyo u baahan baa miiska saran. Khilaafyo dastuuri ah baa jira. Xeerar la dhigtay oo sahlay in Somaliya ay isu timaado oo qarranimadeedii la soo laabato baa haatan si kala duwan loo fasiray oo loo kala fahamsan yahay. Nimankan shaqadoodu waa xeer dajin iyo in ay isha ku hayaan xukuumada oo haddii ay dariiqii lagu heshiiyo ka weecato ay qabtaan.

 

Qoodhiin iyo xeradiin maxay nimanku ku filan yihiin oo ay qabteen? Maxay annigan ku danoobay qurbaha oo xamaaliga ka ah i dhaamaan marba haddii ay marti u yihiin xukuumada oo aanay si xor ah aanay shir u qabsan karin?

 

Yay dan ugu jirtaa in nidaam dadka ka dhaxeeya oo ninna si gaara aanu ugu takri falin karin la helo? Yey dan ugu jirtaa in la helo xildhibaano ka tarjumaya rabitaanka dadka ay matalaan? Yay dan ugu jirtaa in labada gole ee qarranka aanay isku safaadin oo hawsha ay ummada u hayaan u kala soocnaato?

 

Waa maxay nimanka qurbaha jooga oo u mashxaradaya oo wali ku faraxsan in Gollaha Ummada ilkaha laga rido oo xilkii iyo hawshii ay qarranka u hayeen laga xayuubiyo! Halkee bay salaadu iska qaban la’dahay!!

 

War nimanyahow wax ba'ay baad tihiin e sida isu dhaama oo caqligu ha shaqeeyo:)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this