Sign in to follow this  
malistar2012

DAAWO SAWIRRADA:- Madaxweynaha oo xariga ka jaray Iskuul cusub oo ay hirgalisay dowladda Turkiga

Recommended Posts

Xarunta Waxbarashada ee Anadol ayaa maanta si rasmi ah looga furay magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xariga ka jaray Xaruntan waxbarashada.

 

Dhismaha xaruntan waxbarashada oo soo socday muddo sanad iyo bar ah ayaa waxaa iska kaashaday Hey'adda Zamzam Foundation iyo Hey'adda IHH ee dalka Turkiga oo muddo 15-sano la laheyd wada shaqeyn.

 

Xaruntan Waxbarashada Anadol ayaa waxaa wax ku baranaya afar boqol oo agoon ah oo jiifaneysa iyo ilaa kun arday, iyadoo dhamaan adeegyada aas aasiga ah ay u dhameystiran yihiin sida Masaajid, meelo caruurta ku ciyaaraan iyo qeybo jiif ah oo ardayda agoonta loogu tala galay.

 

Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo soo dhoweeyay tallaabadan, waxaana uu ku amaanay hey'adaha iska kaashaday dhismaha xaruntan inay qeyb ka qaadanayaan xanaaneynta Agoonta iyo waxbarashadooda.

 

Madaxa Zamzam Foundation Shuceyb Abdalla Dhiif ayaa isna sheegay in Hey'adda Zamzam ay Soomaaliya ka shaqeyneysay tan iyo 1992-dii, isla markaana ay ka qeyb qaadaneysa howlaha sama falka, sida dhismaha goobaha waxbarashada, gar gaarka bani'aadanimada iyo caafimaadka.

 

Ugu dambeyn Xaruntan Waxbarashada Anadol oo ku taal duleedka degmada Wadajir ayaa noqoneysa qeyb ka noqoneysa howlaha mashaariicda ay Turkiga ka hirgelineyso magaalada Muqdisho iyo Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo kuwa kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

anadol_2.jpg

 

anadol_4.jpg

 

 

agoonta2.jpg

 

DSC00238.jpg

Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray Iskuul cusub oo ay hay’adda IHH ee Turkiga iyo hay’adda ZamZam wada hirgeliyeen kaas oo u noqonay hoy 400 agoon Soomaaliyeed ah isla markaana ay wax ku baran karaan 1500 arday Soomaaliyeed, ayaa u mahadceliyey dowladda Turkiga, hay’addaha IHH iyo Zamzam kana codsaday ganacsatada, qurbojoogta iyo shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowladda si shacabka loo gaarsiiyo adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo dhammaan adeegyada bulshada, Madaxweynahu waxuu yiri “ Carruurteenu waa mustaqbalka dalka waana inaan u wada istaagnaa oo aan ka wada shaqeynaa sidii waxbarasha ay u heli lahaayeen dhammaan carruurta Soomaaliyeed.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
xabad   

And the Turkish neo-colonialism continues a pace. Africa it seems is a continent still being scrambled for

Share this post


Link to post
Share on other sites

congrats to all who made this happen my God Bless all You

 

 

What a day In xamar , after 22 years of civil war the youth in xamar deserves this .Mashallah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Chimera

 

 

 

who will be managing institution i hope Turkes, what about funding for the Institution? teacher salary ? BookS? Please if you have any info

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

xabad;951949 wrote:
And the Turkish neo-colonialism continues a pace. Africa it seems is a continent still being scrambled for

Xabad, so which imperialists are you rooting for, Kenya, Ethiopia, French, American, British, Chinese, Qatari......?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Mashaa Allah. The best part for me is the landscaping. This site probably has the best landscaping in the whole Somali peninsula.

 

Xabad, beggars can't be choosers. At least 400(?) poor orphans have a chance to better their lot and that is worth more than pride.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aad ugu mahadsanyihiin walaalaheena Turkiga, laakiin:

 

agoonta2.jpg

 

Tabeelaha Afsoomaali ha lagu qoro.

 

Waxaan kale rajeynaa barbaarta agoonta iyo rajada dhabta ah inay helaan waxbarashadaas. Soomaali waa isnaqaanaa, wax isdabamaris waaku dheereynaa iyo masuqmaasuqnimo. Carruur aabayaashooda soo taagan oo shaqeysto meeshaas in la geeyo ka cabsanaa. Turkiga ha iska ilaaliso sirtaas, yeynan sirmin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;951967 wrote:
Aad ugu mahadsanyihiin walaalaheena Turkiga, laakiin:

 

agoonta2.jpg

 

Tabeelaha Afsoomaali ha lagu qoro.

 

Waxaan kale rajeynaa barbaarta agoonta iyo rajada dhabta ah inay helaan waxbarashadaas. Soomaali waa isnaqaanaa, wax isdabamaris waaku dheereynaa iyo masuqmaasuqnimo. Carruur aabayaashooda soo taagan oo shaqeysto meeshaas in la geeyo ka cabsanaa. Turkiga ha iska ilaaliso sirtaas, yeynan sirmin.

maxaa somaliga looga tagey bal ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this