Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Salaamu Caleykum Yaa Ahlul Dunya!

Recommended Posts

Salaan...

 

Soon waa soo socdaa yaah. Ciyoow bo. Ar sanbuuskeey aa meel sii dhiganaa, meshaan mishiidiyo aa joogee boob maka bixi karo. Anyway, sheekadaan aa hada kahor maqlay, cawadeena igu soo dhacday ee qabsada bo.

________________

 

Kaaba Suufi eh aa qabuuru habeen walba u booqan jirey oo digri ku aqrin jirey. Qabuura walba ma u badneen ee labadoo qabri geeska hore ku yaalo uu u badnaa oo intuu feynuustiis qaato uu habeenkii dhan digri ku kor aqrin jirey qabrigaas.

 

Marka Baaba Suufigaan ciyaalka xaafada aa maqleen. Ciyaal Xamar waa iska taqanaa hee maxaa ka sugee. Waa loo tashtey. Waxee dhaheen kan habeen danbe qabriga aa u galeynaa oo waa ka nixineynaa oo mar danbe asagaa qabri u dhawaan dooninee.

 

Habeenkii intuu kii imaan ay qabrigii mid kamid eh qodeen oo mid dhar kafan camal eh u giliyeen oo godka seexiyeen oo bacna kor ka sareen markaasna caro kisto yar lagu qarinaayo ku shubeen. Asxaabtiis kale mugdigee galeen oo xariifkii Baaba Suufiga sugayaan.

 

Kaabihii Suufiga waa imaadey, asaga iyo feynuustiis. Digri aqris aas bilaabay. Intii hal erey kasoo bixin bo, kii qabriga ku jirey aa soo boodey oo dhahaayo, "Salaama Caleykum yaa ehlul dunya."

 

Baaba Suufigii waa naxay :eek: miyaa waa booday mana arkooyo qofka hadlaaya.

 

Kii qabriga ku jiray aa sii wadey, "Anaa ehlul Aakhira. Jasaakulaahul kheyratul yaa digriya, lakiin habeen iyo maalin makaa neefsan karno miyaa oo makaa seexan karno. Habeen walba waana kor taagan tahey oo wax jini nagu kor aqrineysid. Bil axsaan hakaa bashaalno, meshaan mashquul aa ku jirnaa, digrina reer ehlul dunya ay u talaa, anaga waxaa manoo taalo."

 

Suufigii waxaa kasoo harey ACUUDI BILAAHI MINA SHEYDHAANI RAJIIM...BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM...INAA LILAAH, WA INAALI RAAJICUUN...

 

Markuu neefsadey uu su'aalo bilaabey. "War uun reer aakhiraadna ma SEEXDAAN? War ileen waxba ma ogeen. Raali noqda. War mid ma'ii sameen kartiin? Igu salaama Sheekh C/qaadiroow Sheeyleylaah Jeylaani hadii aa aragtiin, mar danbuna idin dhibi maayo."

 

Asagoo fiigsan uu baxay Suufigii. :D

_________________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this