Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Jubbaland government: Hadii aysan DF qaska joojin kalsoonida waan kala laabanaynaa

Recommended Posts

Kismaayo 15 May,2013– PI– Dublamaasi ka tirsan Dowlada Jubaland oo naga codsadey inaanaan magacaabin Magaciisa oo la hadley Howlwadeenada Puntlandi ayaa sheegey in Dowlada Jubaland ay ka fiirsnayso xiriirka iyo wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah, isagoo tibaaxey inay kalsoobnida Dowladnimo kala laabanayaan Hadii aysan Dowlada Federaalku aysan joojin hanjabaada ay ku hayaan Shacabka Jubaland.

Dublamaasiga ayaa yiri “dulqaadku wuu dhamaanayaa, waan ognahay falwalba oo weerar ku ah Jubaland waxaa laga soo abaabulayaa Villa Soomaaliya, waan la soconaa in kharash lagu bixiyey burburka dhismihii dowlada Jubaland, waan ognahay shaqsiyaadka soo qaatey lacagahaas, Abaabulkaan waa mid uu Wado Madaxweyne Xasan Sheikh”.

 

Mar aan wax ka waydiiney waxyaabaha la gudboon dowlada Jubaland mar haday hubaan in Weerar lagu yahay wuxuu ku jawaabey “Muqdisho iyo xukuumada tabarta yar ee fadhida iyadaa noo bahan anagu hadaan nahay Dowlada Jubland waxba ugama baahnin mar hadey wanaaga diideen, Beesha Caalamku way arkaan waxa socda iyo habdhaqanka Villa Soomaaliya, Go’aan kayagu wuu cad yahay, Hadaysan Dowlada Federaalka ah ku shaqayn rabitaanka shacabka Jubooyinka, waxaan idiin sheegayaa Kismaayo cag masoo dhigayaan, Kalsoonidana waan kala laabanaynaa”.

 

Dublamaasigaan la hadley Puntlandi oo ka tirsan Dowlada Jubaland oo ku sugan Kismaayo wuxuu kaloo shegey in Dowlada Jubaland ay wado Qorshe balaaran oo lagu xoreynayo dhamaan deeegaanada Jubaland.

 

Mar aan wax ka waydiiney Gudiyada uu Raysal wasaaruhu usoo magacabay Xalinta khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Dowlada Federaalka wuxuu ku jawaabey “Way dhamaatey xiligii la dhahayay khilaaf baa jira, waxaan Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha ku casuney shirwaynihii shalay lasoo gabagabeyey,wixii maanta ka dambeeya waxaan nahay Dowlad ay shacabku wakiisheen,Siyaasada iyo masiirka shacabka jubooyinka Ninna kalama xaajooneyno, kuwaas aad sheegeysana(Gudigii uu Raysal wasaaruhu usoo magacaabay xalinta khilaafka) waxay ku noqonayaan Xamar”.

 

 

Ugu dambeyntii ayaan waydiiney Hadii xiririka idinka iyo dowlada Federaalku halkaas gaaro ama aad kala xarig furataan maxaa xiga, wuxuu ku jawaabay “Sidaan kuu sheegey Jubalnd waxba ugama baahna maanta Muqdisho, wax aan dhib ahayn hadaba noogama yimaadaan, Beesha Caalamka iyo Wadamada saxiibka waan u gudbineynaa xaalku meeshuu marayo, hadadaanba way ka dharagsan yihiin habdhaqanka Dowlada Federaalka ah,”

 

Waraysigaan Warbaahinta Puntlandi ayaa la yeelatay Dublamaasi sare oo ka tirsan Dowlada Jubaland, isagoo ku sugan magaalada Kismaayo.

 

Puntlandi.com

Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Muqdisho iyo xukuumada tabarta yar ee fadhida iyadaa noo bahan anagu hadaan nahay Dowlada Jubland waxba ugama baahnin mar hadey wanaaga diideen, Beesha Caalamku way arkaan waxa socda iyo habdhaqanka Villa Soomaaliya, Go’aan kayagu wuu cad yahay, Hadaysan Dowlada Federaalka ah ku shaqayn rabitaanka shacabka Jubooyinka, waxaan idiin sheegayaa Kismaayo cag masoo dhigayaan, Kalsoonidana waan kala laabanaynaa”.

 

“Sidaan kuu sheegey Jubalnd waxba ugama baahna maanta Muqdisho, wax aan dhib ahayn hadaba noogama yimaadaan, Beesha Caalamka iyo Wadamada saxiibka waan u gudbineynaa xaalku meeshuu marayo, hadadaanba way ka dharagsan yihiin habdhaqanka Dowlada Federaalka ah,”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

That's not the way to go about this and you know it awoowe :) If and when the planned election of 2016 materializes that's when folks can exercise their vote.

 

As it stands now the government of president Hassan will stay put in office till that date.

 

What JL can do is to recall their MPs from the capital. That move will probably not do much from legislative point of view as the quorum of the parliament will be met by the presence of the remaining MPs. But what it could do is show solidarity of the representative of JL with the local government.

 

Politics is a serious business but it is also an art and those who perfected in its compexity can use it very efficeintly.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi, Abti Qaylaa gar dhaweysa mamaqashay, that's the way to make the SFG understand the consequences of their actions.

 

Jubbaland should withdraw confidence and then Puntland must follow suit, and then lets see how Culusow would love the return of the civil war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi;950989 wrote:
That's not the way to go about this and you know it awoowe
:)
If and when the planned election of 2016 materializes that's when folks can exercise their vote.

 

As it stands now the government of president Hassan will stay put in office till that date.

 

What JL can do is to recall their MPs from the capital. That move will probably not do much from legislative point of view as the quorum of the parliament will be met by the presence of the remaining MPs. But what it could do is show solidarity of the representative of JL with the local government.

 

Politics is a serious business but it is also an art and those who perfected in its compexity can use it very efficeintly.

 

What makes you think in 3 years time there will be one time one vote elections??

Share this post


Link to post
Share on other sites

But guys this is a joke, kalsoonidanu kala laabayna if they do that what will change nothing really its not like they were cooperating before.

Wa naag qawan oo kale ,oo leh walahi maradaan dhiganaya makes no sense.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;950993 wrote:
But guys this is a joke, kalsoonidanu kala laabayna if they do that what will change nothing really its not like they were cooperating before.

Wa naag qawan oo kale ,oo leh walahi maradaan dhiganaya makes no sense.

^Of course Madoowe was cooperating before and the difference had only a constitutional angle but now waxaa imaanaysa maba aqoonsanin. Kalsoonida ayaan kala noqonaynaa waa kawayntahay waxyaalo kale ayaa la isku hayaa waxaa imaanaysa dowlada iyo culusow wax noo jira maba ahan Jubbaland waxaa katalisa dowlada shacabku ay soo doorteen. Kadib markaa waxaa imaanaysa in la isdaayo ileen la ismaba wada aqoonsanee ama inay international community soo dhaxgasho si beelaha daga Jubooyinka loogu qanciyo inay dowlada aqbalaan ama meesha uu kabaxo Culusow hadii ay tahay in lamideeyo Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SFG does not recognize Modaba admin sxb lol

 

 

: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Saacid ayaa ka hadlay Shirkii Maamulka Jubbaland lugu dhisay waxa uuna sheegay in shirkaas uu ahaa mid aan sax ahayn habayaraaatee sidaa daraadeed ayuu sheegay in doorashadii lugu soo magacaabay madaxwaynaha Jubaland ay ahayd mid xad gudub ah .

Cadi Faarx Shirdoon waxa uu sheegay xili uu la hadlayay Saxaafada in shirkaa markiisii horaba ay soo abaabuleen dad dana gaar ah ka leh Soomaliya oo raba in Xukuumada Somaliya loo dhigto Isbaaro si aysan u gaarin hadafkeeda ah in Dalka midnimadiisa dib loo soo celiyo .

Mr Saacid ayaa sheegay in Xukuumada Somaliya aysan aqbali doonin Maamulkaa islamarkaana uu yahay maamulkaa mid aan wada sax ah loo marin maadam ayuu yiri Dowlada oo ay ahayd shaqadeeda in ay qabto howshaan la dhinac maray oo ana lagala tashan .

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya waxa uu farta ku goday kooxo uu sheegay in ay ku heshiiyeen bur burinta qaranka Somaliyeed kuwaas uu sheegay in caqabad ay rabaan in Xukuumada ay ku noqdaan howshaas ay wadan oo ay ka war hayso Xukuumada Somaliya .

Hadlka Ra’iisal Waasre Saacid ayaa imaanaya xili maalintii shalay uu magacaabay gudi oo u xil saaray arimaha dib u heshiisiinta Gobalada Jubooyinka islamarkaana waxa uu sheegay in gudigaa uu shaqdoodii ay qabasan doonaan oo aan jirin wax samayn ah oo arintaa ku yelan doonto .

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

Lol kismaayo waxaa ka taliya amisom ayagana ku qasbanyihiin inay la shaqeeyaan dowlada dhexe..hada kismaayo waxaa jooga mohamed amiin oo dowlada usoo magacawday gudoomiyaha gobolka ahmed madoowe wuxuu isku dayey inuu hor istaago.laakin si qasab ah ayuu magaalada ku galay with amisom help.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Awoowe Hassan wadanka ma leh. Nabbada adigga ku nool ee iyadda kuguma noola. Waxu waa siyaasad sideedana siyaasadu ma aha wada xadiid ah oo tareenku maro oo meeshay gashaba ku qasban in uu saarnaado. Hadaad sida tareenka aad saarnaadto hadde meel tilmaaman oo si caam ah loo yaqaan bay ku geyneysaa.

 

Pointigu waxa weeye mnidaam baa la sameystay. Nidaamkaa baa nakala hagaya. Wax ha laka riixdo oo nin iyo damacii sidii inna rag lagu yiqiin. Laakiin ummada iyo wadanka in la halaago ma aha. Nidaamka yaal baa lagu kala baxayaa. Ninka ka weecdana dee ummadu ha wada aragto.

 

Dawladnimadii iyo qaranimadii baan Hassan uga tagayaa sida in uu issagu leeyahay waa hadal carruureed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walee kaare Kiinyaati lagu sirmay oo awood la mooday. Dadka qaska iyo fidnada wado waala ogyahay, maamul beeneed isku magacaabay.

 

Waxa kale yaab ah isla kuwaan Soomaalida sheeganaayo wey ogolyihiin inay Xabashi kaabo ka ahaato Soomaali Galbeed (juuq kama maqleysid kuwaan), isla kuwaan waa ogolyihiin inay Kiinyaatiga ku amartaagleyaan NFD. Jaaq kama maqleysid. Laakiin madaxweyne Soomaaliyeed warkiisa in la maqlo lama rabo.

 

Hadduu madaxweyne Xabashi ama mid Kiinyaati ah Xamar fadhin lahaa afkooda ayee qabsan lahaayeen and obey obediently.

 

Bring Barbaarta back. The only group fidnada iyo xaqdarada ka joojiye Jubbooyinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;950993 wrote:
But guys this is a joke, kalsoonidanu kala laabayna if they do that what will change nothing really its not like they were cooperating before.

Wa naag qawan oo kale ,oo leh walahi maradaan dhiganaya makes no sense.

Waa runtaa adigu doodaada marna ma ku cabirtay naagtaa qaawan oo kale :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this