Sign in to follow this  
xiinfaniin

Xildhibaanno Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliy

Recommended Posts

Xildhibaanno Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

 

Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — In ka badan 90-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ay ku sheegeen in ra'iisul wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa ay kalsooni weydiisato golaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cawad Cabdalla ayaa kaga dhawaaqay kulankii maanta ay golaha baarlamaanku yeesheen in guddoomiyaha baarlamaanka loosoo gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda.

 

Mahad Cawad ayaa sheegay in mooshinkan uu yahay mid sharci ah oo buuxiyay shuruudihii loo baahnaa oo dhan, isagoo sheegay in berri oo Khamiis ah loo qaybin doono nuqullada mooshinka xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xildhibaannada mooshinka soo diyaaryay ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ku guul-darreysatay howlihii loo xil-saraaray, waxayna sheegeen in haddii xukuumaddu ay kalsooni hesho ay sii shaqeyn doonto haddii kalena la bedeli doono.

 

Mooshinkan oo ahaa mid dhawaanahan si hoose uga socday Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo laga keeno xukuumadda Soomaaliya, iyadoo dhawaanahan ay arrintan ka hadlayeen odyaal-dhaqan, kuwaasoo sheegay inaan la joogin xilli mooshin laga keeno xukuumadda. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaan weli ka hadlin mooshinka laga geeyay xukuumaddiisa, iyadoo xukuumaddu ay shaqeynayso muddo lix bilood ah.

 

 

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

 

maxuseen@hiiraan.com

 

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

War ninkaan maa la iska daayo meelihiisa ha ku qayilee schoolada hoose/dhexe kubada makey badiyaan photo-op ha loo geeyo si usiiyo koobka kooxdii badisay. Hadii kale the country will have to bear another six months for Mr. Culusow to make an appointment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaaji habaar,

 

No I do not. I never supported adversarial prime ministers in the transitional period. From the center stand point, the country has one leader , and Saacid seems to be adhering to that concept

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this