Sign in to follow this  
xiinfaniin

Jubbaland: Progress in Federal State Formation in South Somalia

Recommended Posts

Jubbaland Federal State Leader Has been Elected

 

Doorashada_Jubbaland_6.jpg

 

Faahfaahin ku saabsan habka ay u dhacday doorashada madaxweeynaha Jubbaland {Sawirro]

 

Arbaco, 15 May, 2013(HOL) :- Waxaa maanta xarunta Jaamacadda Kismaayo ka dhacday doorashada madaxweeynenimo ee maamul goboleedka Jubbaland, waxaana doorashadani ku tartamayay ku dhawaad ilaa 3 Musharax oo u taagnaa xilka Madaxweeynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Goobta uu shirku ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa ilaa 500 oo ergo oo ahaa ergadii loogu talogalay in ay doorato madaxweeynaha, waxaana sidoo kale soo xaadiray Musharixiinta kala ah: Musharax Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe), Musharax Max’ed Nuur Shambaar, Musharax Hilowle Aadan Muxumed.

 

Labadan musharax ee la tartameeysay Sheekh Axmed Madoobe ayaa inta aan codka la qaadin ka hor qudbado ay ka jeeediyeen goobta uu shirku ka dhacayay ka sheegay in ay u tanaasuleen Musharax Axmed Madoobe.

 

Gudoomiyihii Maamulka KMG ahaa Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad dheer ka jeediyay goobtii ay doorashada ka dhaceeysay ayaa ballan qaaday in hadii la doorto uu dadka iyo dalka ugu shaqeeyn doono si cadaalad ah, isagoona ergada ka codsaday in ay codkooda siiyaan.

 

Intaas kadib ayaa waxaa bilaabatay codeynta oo ahayd hab gacan taag ah, waxaana Sheekh Axmed Madoobe codkooda siiyay ilaa 485 Musharax, waxaa ka aamustay Shan Musharax, waxaana diiday 10 Musharax, waxaana intaa kadib gudiga doorashada ay ku dhawaaqeen in Sheekh Axmed Madoobe uu ku guuleeystay madaxweeynenimada dowlad goboleedka Jubbaland.

 

Isla goobta ayaa waxaa ka dhacday dhaarintii madaxweeynaha, waxaana Sheekh Axmed Madoobe uu ku dhaartay in dalka iyo dadka uu ugu adeegi doono si daacad ah islamarkaasina waafaqsan shareecada Islaamka.

 

Arinta xusidda mudan ayaa ahayd in ay goobta ka maqnaayeen musharixiintii ugu cadcadaa ee iyagu doonayay in ay qabtaan xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaasoo ay kamid yihiin Musharax Sheekh Max’ed Ibraahim Shakuul, Musharax Max'ed Cabdi Gaandi, Musharax Eng. Bashiir Axmed Max’ed, Musharax Xildhibaan Max’uud Cali Magan kuwaasoo mudooyinkii ugu danbeeyay magaalada Kismaayo ka waday olole aad u ballaaran oo ay ugu jireen xilka madaxweeynenimo ee Jubbaland.

 

Magaalada Kismaayo ayaa mar qura waxa isqabsatay rasaas ay furayeen taageerayaasha Sheekh Axmed Madoobe, waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada buuxdhaafiyay dadweeyne iyo gaadiid kuwa dagaalka ah oo u dabaaldegayay Madaxweeynaha cusub ee loo doortay Jubbaland.

 

Ku dhawaaqidda madaxweeynaha cusub ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kusoo beegmeeysa xilli xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku dhawaaqday guddi ka kooban 16 xubnood oo labada gole ka tirsan kuwaasoo la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan arimaha Jubooyinka iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo ku guuleeystay doorashada Madaxweeyninimada Dowlad goboleedka Jubbaland

 

Arbaco, 15 May, 2013(HOL) :- Waxaa goordhawayd lasoo gabagabeeyay doorashada madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoona xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka uu ku guuleeystay gudoomiyii KMG ahaa degmada Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)

 

Doorashadan oo maanta ka dhacday xarunta Jaamacadda magaalada Kismaayo islamarkaana ay ku tartamayeen musharixiin badan ayaa waxa ku guuleeystay Sheekh Axmed Madoobe oo isagu ah hogaamiyaha ururka Raaskaambooni.

 

Sawirrada Doorashada iyo weliba faahfaahin ku saabsan habka ay u dhacday doorashada waxaan haduu rabbi qadaro idinku soo gudbin doonnaa wararkeena Danbe.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

hnur@hiiraan.com

Kismaayo-Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How Ahmed was Elected

 

War goor dhaweyd soo gaarey warqabadka Horseed Media ayaa sheegaya in ergada shirka jublaland ay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland u doorteen Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Axmed Madoobe ayaa ku guuleystey wareegii hore ee doorashada sida uu sheegayo warka soo gaarey Horseed Media.

 

Ergooyinka fadhiyey hoolka shirka ee Jaamacadda Kismaayo ayaa ahaa 500 oo ergay oo metalayey beelaha degan labada Jubbo iyo Gedo, waxaana xilka Musharaxnimada isu soo taagey 4 Musharax oo kala ah:

 

Axmed Maxamed islaan (Shiikh Axmed Madoobe)

Cali Diini

Hilowle Aadam

Maxamed Nuur

Shiikh Shakuul

 

Isla wareegii hore ee doorashada ayaa Axmed Madoobe heley codad ka badan 400 oo cod, mana jirin musharax kale oo u soo dhawaadey, Musharixiinta la tartameysey Madaxweynaha loo doortey Jubaland Axmed Madoobe ayaa isla goobta ugu hanbalyeeyey.

 

Axmed Madoobe ayaa xilka Madaxweynaha Jubbaland loo dhaariyey saddexda sano ee soo socda, waxaana uu soo dhisi doonaa gole wasiiro, marka la doorto kuxigeenada isla markaana ergadu soo saaraan 65 Xildhibaan oo Dowlad goboleedka Jubaland yeelanayo.

 

Wararka Horseed Media heleyso ayaa sheegaya in ergadu ay isla maanta dooranayaan madaxweyne ku xigeenada Jubaland.

 

Waa Dowlad goboleedkii labaad ee shir ka dhaca dalka Gudihiisa ayna isugu yimaadaan ergooyin Soomaaliyeed oo ka kala yimid Gobolo kala duwan lagu yagleelo, kaas oo ka mid noqonaaya Federaalka Soomaaliya ee lagu heshiiyey.

 

Doorahsda Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmeysa iyada oo maanta laga xusaayo Soomaaliya markii dhidibada loo taagey ururkii Xornima doonka Soomaaliyeed ee SYL kaas oo la asaasey 15 May 1943, ayna asaaseen 13 dhalinyaro ah oo ka dhiidhiyey xumaanta gumeysiga. Dhanka kale Doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa imaaneysa iyada oo maanta Raysalwasaaraha Soomaaliya soo saarey wareegto uu ku magacaabayao 16 Xildhibaan iyo wasiir in ay galaan xalka Jubaland, kana shaqeeyaan dhismaha maamulkaas iyo sidii dowladdu isu fahmi lahaayeen, waxaa la isweydiinayaa shaqada u horeysa ee guddigan ma noqon doontaa in ay la fariistaan Madaxweynaha Jubaland loo doortey ee Axmed Madoobe.

 

Si kastaba ha ahaatee Doorashada Axmed Madoobe waxay dhidibada u taageysa maamulka Jubland oo loo fadhiyey muddo ka badan 4 bilood, halka loo gogol xaarayey muddo sanado ka badan, Waxaa shirka lagu dhisay Jubaland ka soo horjeestey kuna tilmaamey mid aan sharciga waafaqsaneyn Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo Xukuumadda Federaalka, waxana ay ku muteysteen in bulshada degta goboladaas ay marar badan ku banaanbaxaan muujiyaana carada ay ka qabaan diidmadooda.

 

Horseed Media

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

 

15 May 15, 2013 - 8:49:36 PM

 

KISMAYO, Somalia May 15, 2013 (Garowe Online) - Some 500 delegates the Jubaland state formation conference in Kismayo have elected Sheikh Ahmed “Madobe” Mohamed Islam as the first president of Jubaland State of Somalia, even as Somali Prime Minister Abdi Farah Shirdon appointed a task force for Jubaland, Garowe Online reports.

 

Jubaland Conference delegates vote, May 15, 2013

Local communities allocated amongst themselves the 500 delegates to represent the various communities and districts of Lower Jubba, Middle Jubba and Gedo regions that have united to form Jubaland. The Jubaland state formation process has been underway since early 2011.

 

Wednesday’s election at Kismayo University campus featured speeches by presidential candidates, including Sheikh Ahmed Madobe, Hilowle Aden Mohamed, and Mohamed Nur Shambar. All telephone net works in Kismayo were shut down since Tuesday morning. The presidential candidates addressed the 500 delegates, pledging policy promises if elected. The election committee announced that Sheikh Ahmed Madobe won in a landslide, with 480 votes , according to sources in Kismayo.

 

The newly elected President of Jubaland took the oath of office in front of the delegates and vowed to rule with justice and bring peace to Jubaland regions. Ahmed Madobe was the leader of Kismayo's interim administration and led Ras Kamboni group that took part of Kismayo's liberation from Al Shabaab militants in September 2012.

 

Speaking at a press conference in Garowe, Puntland President Abdirahman Mohamed Farole welcomed the Jubaland election, congratulated President-elect Ahmed Madobe, and called on the other candidates to respect the election results.

 

President Farole also emphasized the Jubaland formation process "in accordance with the Somali Provisional Federal Constitution".Meanwhile in Mogadishu, Somali Prime Minister Abdi Farah Shirdon appointed a 16-member committee tasked with "working on a solution for Jubaland", according to a document issued Wednesday from the Prime Minister’s office.

 

The 16-member committee consists of Ministers and Parliamentarians. Somali President Hassan Sheikh Mohamud, elected in September 2012, has made it a government priority to oppose Jubaland formation and has vowed to reject the outcome of the Jubaland conference.

 

It is not clear what task the new committee will conduct, as Jubaland has elected a new President and Vice President.

Share this post


Link to post
Share on other sites

3_48_1.jpg

Puntland oo soo dhoweysey Doorashada Axmed Madoobe

15 May 15, 2013 - 8:35:52 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysey doorashada madaxweynaha Jubaland Shiikh Axmad Madoobe oo ku guuleystay maanta 15 May,2013 inuu noqdo hogaankii ugu horeeyey ee maamul goboleedka Jubaland.

 

Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole oo ay wehelinayeen xubno ka mida wasiirada iyo saraakiisha madaxtoyada ayaa galabta kula hadlay saxaafada magaalada Garowe ,waxana uu si weyn u soo dhoweeyey doorashadan isagoona hanbalyo u direy madaxweyne Axmed Madoobe.

 

Dr.Farole waxa uu guul ku tilmaamay in dadka degan goboladaas ay iskugu yimaadaan shirweyne ay ku dhisaanyaan maamulkooda oo waafaqsan dastuurka DF,waxana dhankooda uu ugu hanbalyeeyey dhismaha Jubaland.

 

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay inay guul dareysteen kuwo uu ku tilmaamay inay diidanaayeen Jubaland islamarkaasina doonayeen in colaad iyo burbur uu dalku ku sii jiro.

 

Urur goboleedka IGAD ayuu u mahadceliyey oo qayb ka ahaa dadaalada lagu dhisayo Jubaland,waxana beesha caalamka uu ka codsadey Dr.Farole inay taageeraan maamul goboleedka Jubaland ee madaxweynihiisa la doortay.

 

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyey inay soo dhamaystirmi doonaan maamul goboleedyada Federaalka ahi si dib loogu noqdo dastuurka qabyada ah oo loo dhameeyo.

 

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha Puntland ugu baaqay DF Somalia inay taageerto doorashadan iyo dhismaha maamulka Jubaland oo guud ahaan dalka oo idil mudooyinkii danbe laga hadal hayey.

 

Munaasabado kale oo lagu soo dhoweynayo doorashada Shiikh Axmed Madoobe ayaa la qorshaynayaa inay ka dhacaan dunida ,waxana dhowaan la soo dhamaystiri doonaa xubnaha xukuumadda Jubaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

People will hold him accountable ...this was not cheap, it has been a real struggle to establish this state.

 

much work remain and he needs to move swiftly to complete the state formation process. No doubt however his election will settle the Kismayo issue

Share this post


Link to post
Share on other sites

If this is true, I would recommend to the opposing side to this man's election to be patient. It's only 3 years that he'll be in office.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this