Sign in to follow this  
xiinfaniin

Xassan Sheekh Repeats His Opposition to Kismayo Conference, to What End?

Recommended Posts

Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad uu ka jeediyay kulan gaar ah oo uu baarlamaanka Soomaaliya maanta oo Khamiis ah; wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin, ammaanka iyo waddooyinka xiran, shirka maamul u sameynta Jubbooyinka iyo shirka London ee toddobaadka dambe furmaya.

 

Kulanka baarlamaanka oo uu shir-guddoominayay ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxaas oo xaadiray 180-xildhibaan, kuwaasoo dhageystay khudbad soconaysay muddo saacad ka badan oo uu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Amniga iyo Waddooyinka Muqdisho ee xiran:

 

“Magaalada Muqdisho waxaa ka socda howgallo ay lagu adkeynayo amniga, waan la soconnaa cabashooyinka dadka ka imaanaya iyo culeyska haysta, balse waxaa ka darnaan lahayd; laakiin dhibaatooyinka laga hortagay ayaa ka xanuun badnaan lahaa inay dhacaan,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadal ku saabsan waddooyinka Muqdisho ee la xiray.

 

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dad badan ay shaqooyinkooda ka xayirmeen ay haddana ka darnaan lahayd inay dhacaan qorshayaal badan oo la fashiliyay, kuwaasoo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan.

 

“Xanuunkii maalin dhaweyd na-gaaray dartiis ma ogolaan karno inaan fursad kale bixinno, go’aanka lagu xiray waddooyinka ee lagu adkeynayo amnigana waa mid ay gaareen hay’adaha ammaanka aniguna aan ku raacay,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha Soomaaliya.

 

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Waxaa la fashiliyay abaabul waaweyn oo la doonayay in dhiig badan lagu daadiyo, kuwo kalena waa lagu dabo-jiraa, shacabka waxaan u sheegayaan in xayiraddooda ay ka daran tahay in ay dhacaan qorshayaashii la maleegay, kuwaasoo ciidamada amniga uu Alle ku garabsiiyay inay fashiliyaan.

 

Shirka ka socda Kismaayo:

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shirka ka socda Kismaayo ee lagu sameynayo maamulka Jubaland, isagoo sheegay in shirkaas uu yahay mid aanay dowladda federaalka aysan taageersanayn, balse aysan dowladdu diidanayn in dalka laga hirgeliyo maamullo federaali ah cid diiddan ama diidi kartana aysan jirin.

 

“Dowladdu dhowr jeer ayay wafdiyo u dirtay Kismaayo kuwaasoo wadahadal la yeeshay dadka wada shirkaas, hase yeesheen waxaa jira arrin dastuuri ah oo aysan dowladdu ka horimaan karin. Maadaama waajibka dowladda uu yahay meel marinta nidaamka federaalka ah waxaan xoojinaynaa in dadka la siiyo awoodda oo ay dhistaan maamullo ay iyagu raalli ka yihiin, waase in la waafajiyo dastuurka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladdu ay marba suurogal u ahayn inay aqbasho go’aan hal dhinac ah, balse ay doonayso go’aan loo dhan yahay oo ay qayb ka yihiin hay’adaha dowladda iyo shacabka maamulka sameysanaya, wuxuuna hadalkiisa ku daray in dowladdu ay raalli ka tahay wixii ay shacabku doonayaan.

 

Shirka lagu qabanayo London:

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbaddiisa sii wata ayaa wuxuu ka hadlay shirka London lagu qabanayo 07-da bishan May, isagoo sheegay in shirkaas uu yahay mid ka duwan shirkii horay loogu qabtay London bishii Febeaayo ee sannadkii hore ee 2012.

 

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in shirkaas uu ahaa mid ay dowladda Britain u qabtay Soomaaliya, balse shirkan uu yahay mid ay abaabuleeda leeyihiin UK iyo dowladda Soomaaliya si caalamku u caawiyo Soomaaliya.

 

“Shirkan waxaa casuumaddiisa fidiyay aniga (Xasan Sheekh) iyo ra’iisul wasaaraha UK, waxaana horgeynaynaa qodobbo ay dowladdu dejisay oo ay ka mid yihiin lixda qodob ee dowladda saldhigga u ah iyo qodobobo kale oo ay ka mid yihiin; qorshayaasheenna amniga, cadaaladda, maareynta maaliyadda iyo aragtida siyaasadeed ee dalka oo dhan lagu hananayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirka ay horgeyn doonaan qorshe ku saabsan dhibaatooyinka loo geysto haweenka Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo kufsiga isagoo sheegay inuu rajeynayo in shirkaas ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool ah.

 

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda UK ay noqotay dowladdii ugu horreysay oo shir lagu caawinayo Soomaaliya ku qabato London 22-sano kaddib, iyadoo Soomaalida ogolaata inay hoggaanka shirka qabtaan, wuxuuna xusay in shirkaas ay barbar socon doonaan oo lagu xoojinayo shirkan.

 

Xildhibaannadii kulanka kasoo qaybgalay ayaa si aad ah ugu riyaaqay sida uu madaxweynuhu faahfaahinta uga bixiyay dhamaan qodobbadii uu ka hadlay; iyadoo tani ay noqonayso markii labaad oo madaxweynuhu uu ka horjeediyo baarlamaanka howlaha dowladda u qasboomay iyo kuwa u dhiman tan iyo markii xilkan loo doortay sideed bilood ka hor.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirka ka socda Kismaayo

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shirka ka socda Kismaayo ee lagu sameynayo maamulka Jubaland, isagoo sheegay in shirkaas uu yahay mid aanay dowladda federaalka aysan taageersanayn, balse aysan dowladdu diidanayn in dalka laga hirgeliyo maamullo federaali ah cid diiddan ama diidi kartana aysan jirin.

 

“Dowladdu dhowr jeer ayay wafdiyo u dirtay Kismaayo kuwaasoo wadahadal la yeeshay dadka wada shirkaas, hase yeesheen waxaa jira arrin dastuuri ah oo aysan dowladdu ka horimaan karin. Maadaama waajibka dowladda uu yahay meel marinta nidaamka federaalka ah waxaan xoojinaynaa in dadka la siiyo awoodda oo ay dhistaan maamullo ay iyagu raalli ka yihiin, waase in la waafajiyo dastuurka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

 

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladdu ay marba suurogal u ahayn inay aqbasho go’aan hal dhinac ah, balse ay doonayso go’aan loo dhan yahay oo ay qayb ka yihiin hay’adaha dowladda iyo shacabka maamulka sameysanaya, wuxuuna hadalkiisa ku daray in dowladdu ay raalli ka tahay wixii ay shacabku doonayaan.[/size][/b]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi;945244 wrote:
I am just trying to imagine how President Hassan is going to use his executive power in rendering Kismayo process illegal and irrelevant:

 

Manipulate government institutions (Parliament and the Courts) and use them to declare the outcome of the Kismayo process illegal.

 

Withhold aid money to the region, refuse paying salary to security forces (clan militia there) that's keeping the peace in the area, create instability, bid subclans against each other and then turn around and blame the process as the root cause of the conflict!

 

Invoke the "One Door" policy and demand all foriegn entities and other NGO to first get permission from his office before carrying out any dvelopmental or humanitarian work in that area.

 

Create, train and equip clan militias loyal to his policies and plans in the area and send them off to combat AS in the area while dismissing the other local forces loyal to the JL as being illegal ragtag militia that are under unrecognized command.

 

The JL admin (if and when it comes to reality) might -- under desperation -- look for outside foreign help and dug their heels. They might up the ante and breach chapter and verse how Hassan and his subclan coalition are against them and use the ship of state to undermine their legitimate rights.

 

In this tit-for-tat
wax kala riixasho
, Somalia might slip back to mayhem!!

 

Oh yeah he has a token power and full legitimacy in executing the agenda of the government. From that angle he can do a real damage to the reconcillaition and harmonizations effort between various stakeholders in Somalia. He might succeed and win this subclannish war but lose the battle of getting Somalia reconstituted as respectable nation that is peace within itself and strong in the region.

 

War ninkan yaa la taliya oo yiraahda boowe cagaha dhulka dhig meel dhexaad lalmaneysaaye
:)

Baashi, I pick the 'clan militias' strategy for Hassan , after all twenty one years of living in USC Mogadishu comes handy :

 

Create, train and equip clan militias loyal to his policies and plans in the area and send them off to combat AS in the area while dismissing the other local forces loyal to the JL as being illegal ragtag militia that are under unrecognized command.

Share this post


Link to post
Share on other sites

For those of us who thought this guy was a new start for Somalia, we shall kill that thought and prepare for a long struggle to bring Somalia back. Hassan will take Somalia back , that it appears is what he knows best.

 

If not, someone must enlighten us how a peaceful conference inside Somalia to form a new federal state is a 'illegal' or unconstitutional :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

xiinfaniin;945265 wrote:
Shirka ka socda Kismaayo

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shirka ka socda Kismaayo ee lagu sameynayo maamulka Jubaland, isagoo sheegay in shirkaas uu yahay mid aanay dowladda federaalka aysan taageersanayn, balse aysan dowladdu diidanayn in dalka laga hirgeliyo maamullo federaali ah cid diiddan ama diidi kartana aysan jirin.

Waa hagaag. Nuxurka kalaamka muddane Hassan:

 

1. Dawladda Hassan ma diidana in dalka laga hirgaliyo maamul federaali ah.

 

2. Dawladda Hassan ma taageersana qaabka loo maamulay currinta federaalka Gannaane.

 

3. Sababta dawladda Hassan ku saluugtay hawsha Kismaayo laga wado waa hawlwadeenadu waxay ka weecdeen "dastuurka".

 

Xiin awoowe that being the case Hassan made in the parlaiment, what's your rebuttal? :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi bal aan Madaxweynaha dhegaysanno, kadibna niqaashno inay macno samayanyso diidmadiisu:

 

Kow

 

waxaa jira arrin dastuuri ah oo aysan dowladdu ka horimaan karin

 

Baashi, dastuurkii laga waa wax maanicaya in dadku inta isku tagaan ay maamul dhistaan si nabad ah. Dastuurku wuxuu si cad u dhiiri gelinayaa in laba gobol iyo wixii ka badani dhisan karaan dawlad federaali ah

 

Labo

waxaan xoojinaynaa in dadka la siiyo awoodda oo ay dhistaan maamullo ay iyagu raalli ka yihiin, waase in la waafajiyo dastuurka

 

Baashi bal tan ila fiiri. Is buris baa ka buuxa. Hadduu run sheegayo mauxuu u dhibsaday waxa dadku raali ka yihiin? Dastuurka ha la waafajiyo waa hadal mug weyn oo uu madaxweynuhu ku dhuumanayo...haddii kale ha magacaabo meesha laga booday oo in la waafaqo u baahan.

 

Sadex

 

marna suurogal u ahayn inay aqbasho go’aan hal dhinac ah

 

Waa diidmo qayaxan, maaha? Hal dhinac? Hadalkii Odey Xaad buu iila egyahay, ee i sax boowe. Hadduuse ka wado halka dhinac shacabka, dhinaca maqanna dawladda, sow dawladdu iyadu ma diidin inay shirka timaado ilaa siday rabto la yeelo. Goormaa u danbaysay dawlad siyaasad dadka u yeerisa ? PM Saacid waa ku dhici waayey inuu madasha shirka tago oo boqolaalka fadhiya la hadlo, Waa la su'aalay oo la yiri maxaa dhacay? 'Sharci bay noqonayaan haddaan u tago' baa laga sheegay. Marqaati: asagoon marna booqaan ergadii timid buu diyaarad dusha uga dhacay oo Xamar Caddey ka degay.

 

Afar

 

[Dawladdu waxay] doonays [aa] go’aan loo dhan yahay oo ay qayb ka yihiin hay’adaha dowladda iyo shacabka maamulka sameysanaya,

 

Hay'aduhu iyagaa diiday , dadkuse waa rabaan. Haddiise wasaaradda arrimaha guduhu rabto inay magacowdo guddoomiye gobol, xilligaa waa lagasoo gudbay oo Maxamed Siyaad (aun) baa godka la galay. Dad is waafaqsan oo ay u dhow dahay inay dawlad goboleed dhistaan , maxay ku falayaan nin aysan dooran oo dusha looga keeno!

Shan

 

dowladdu raalli [bay] ka tahay wixii ay shacabku doonayaan.

 

Run maaha. Mise waa run Baashi? Yaa is waafajin kara...oo usoo baxay, aaway Illyria isagaa naxwaha yaqaanaye' :D ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Interesting developments(this came after meeting Faroole makes it even more interesting, Faroole caadi ma ahan wallee, ninkii Kismaayo ka aamusnaa nisfu sana ayaa toobta-dillaacsadey bacdamaa uu la kulmey)

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

ithaa kaanal kalaamu waadix, sarfi iyo naxwa looma baahna in lagu luqeeyo, laakin hadalka Hassan waa Mafcuul Calayhi marka dhanka naxwaha la fiiriyo, dhanka sarfiga kolka la eegana waa Faacilun Mujarrad aanan waligii Mabni noqoneyn asset.php?fid=14&uid=3017&d=1313069411

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

Nothing new here. Hassan sheikh just reaffirm his position. This Kenya-led project will not become reality.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this