Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Madaxwaynaha dowlada maganta ah iyo Madaxwayne Faroole oo soo gababeeyay kulankoodi

Recommended Posts

Madaxweyne Xassan oo soo gabagabeeyey socdaalkii Puntland

 

(Garoowe,Soomaaliya,29 April 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa galabta soo gabagabeeyey socdaal shaqo oo uu labo maalmood uu ku joogey magaalada Garowe ee Puntland.

 

Madaxweynaha iyo wafdigii la socday oo ka koobnaa wasiiro, xildhibaano iyo mas’ uuliyiin kale ayaa si heer sare ah loogu soo sagootiyey galabta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo shir-jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa sheegay in labada dhinac isku afgarteen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiisyadii hore, isla markaana looga wada shaqeyn lahaa wadahadalada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Puntland, xukuumadiisa iyo shacabka Puntland sidii diiraneyd ee quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyey, sheegeyna in Puntland ay door muhiim ah ku laheyd soo afjariddii xilligii KMG aheyd loogana baahanyahay inay dhameystirka dastuurka iyo dib u soo celinta amniga ay kala shaqeyso Dowladda Federaalka ah.

 

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Puntland shirka London ee 7da May sheegeyna in shirkan ay wada hoggaaminayaan Somalia iyo UK ujeedaduna tahay sidii Dowladda Federaalka looga saacidi lahaa qorsheyaasheeda Amniga, garsoorka iyo dibs-u-hagaajinta dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid taariikhi ah oo waxtar ballaaran u leh shacabka Soomaaliyeed, kana codsaday Puntland inay talo ku yeelato, kalana shaqeyso Dowladda Federaalka ah.

 

 

 

Socdaalkan shaqo ee Madaxweynaha ayaa daba socda socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha uu ku yimid Puntland iyo qorshaha Dowladda ee isgaaridda iyo is-dhexgalka shacabka Soomaaliyeed.

 

- Dhamaad -

 

 

 

Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa, Somalia, Muqdisho, media@presidency.gov.so

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this